XASSAN ADAN SAMATAR & HEESTII MA LAABNA IIMA LAABNA MUSIC LIVE

Поділитися
Вставка
  • Опубліковано 6 жов 2023
  • XASSAN ADAN SAMATAR & HEESTII " IIMA LAABNA, WALEE HAWLI IIMA LAABNA MUSIC LIVE
    HEESTAN ERAYADEEDA WAXAA SAMEEYEY AUN ABWAAN MAXAMED CALI KAARIYE CALI KAARIYE
    LAXANKII: XASSAN SABRIYE " XASSAN GREAT"
    DAAWASHO WACAN

КОМЕНТАРІ • 4

  • @AhmedHassan-ed5ue
    @AhmedHassan-ed5ue 3 місяці тому +1

    Xasan aadan samatar

  • @SuugaanSafaari
    @SuugaanSafaari 4 місяці тому +1

    Ma Laabna iima Laabna
    Wallee hawli iima Laabna
    Inkastoon Lab'aa
    Raganimo Luntay
    Laqanimo Hadhay
    Waanan Liitaa
    Sidaan ahay Laammaan xiid
    Laamo doodi waayoo
    __________________________
    #LyricsSongIimaLaabna
    Miyaan Ladaa hurdoo
    Miyaan Liqaa cuntoo
    Sow Ladh iima baxayoo
    Sii Laaban Maayo
    Lugtaan faras ku
    Ku daba Luudayaa
    Leexaa i qarisee
    Lixbaan keli u laab
    Dhiganahayaa Laxaad uma hayee
    Labaan ku loolooliyaa
    Waanse Liicayaa
    Libta waxaan Hayoo
    Dumarku ku Laakimoodaba
    Tanay Legadayoo iga Loolsatee
    Miyaan ka Laabmayaa
    Miyaan La hiinayaa
    Sow Lugooyadeedii
    I Leeleelin maysoo
    Hadii Laysu dayn Labadayada
    Tallo ma Laalan teene
    Dad Lurkayga Jecel baa
    Intaa Hoosta Kaga Lamaane
    Anoo Lahan
    Abaar ugu Lumay
    I Looyaamiyee
    Libta waxaan hayoo
    Dumar ku Laakimoodaba
    Tan baa I Legadayoo
    Iga Loolsatee
    Miyaan Ladnaanayaa
    Miyaan Lulanayaa
    Sow Jacayl i Laasimay
    I Ladaaban Maayo
    Dadka i Leh iskaga Leexo ee
    ILa yaaban anigee
    Waxa i Lumiyey
    Laafyaha iyo Leeg Leegsigeedee
    Ladaabyada Qalbigaa i
    Luxmoo Laabtay Furtee
    Libta waxaan hayoo
    Dumar ku Laakimoodaba
    Tan baa i Legadayoo
    Iga Loolsatee.
    #MusicbyAbdisalaam Jimmy.

  • @Mohamedmobilestore
    @Mohamedmobilestore 5 місяців тому

    Live ma aha heestaan waxay ku jirtay albumbkii qalanjo markaan uu heesaayo hassa aadan 1993 canada

  • @baashaal6778
    @baashaal6778 9 місяців тому

    117k subs but not monetized. maxaa qaldan