Social Science Forum
Social Science Forum
  • 13
  • 15 281
Wajiga labaad: Riwaayadaha Sooraan & Naqdinta bulshada
Majaajilaystihii weynaa AUN Ismaciil Sugulle Sooraan wuxuu ahaa haldoor soomaaliyeed, qayb lixaad lehna ka qaatay horumarinta wacyiga guud ee bulshada soomaalida. Isagoo ku gudbinaya qaab majaajilo ah si uu u naqdiyo nolosha guud ee bulshada, gaar ahaan dhanka siyaasada iyo hab-dhaqanka silloon ee bulshadu caadada ka dhigatay. haddaba, madasha Cilmiga Bulshadu waxay soo agaasintay kulankan oo lagu lafaguray doorkii AUN Sooraan ku lahaa arimaha bulshada.
Переглядів: 440

Відео

Wajiga labaad: Mashruucii Hindisidda Soomaaliya | The invention of Somalia
Переглядів 5242 роки тому
Waa doodwadaag ku saabsan Hindisidda Soomaaliya. Waa buug qiimo leh mashruuc weyn iyo aragtiyo ballaaran oo asal u ah daraasadda Soomaaliya (Somali Studies) sida. Waxaa qeyb ka ah aqoonyahanno bulshada Soomaaliyeed waxtar ku leh.
Sannad guuradii 3aad| Social Science Forum | Iyo muhiimadda Social Science
Переглядів 4562 роки тому
Sannad guuradii 3aad| Social Science Forum | Iyo muhiimadda Social Science
Hordhac ku saabsan: Mashruuca aqooneed ee I.M LEWIS
Переглядів 1,8 тис.2 роки тому
Waxaan soo qaban qaabinnay mashruuc aad muhiim u ah oo cinwaan kiisu ahaa, Hordhac ku saabsan Mashruuca Aqooneed ka I.M Lewis. Waxaan aad ugu mahad celineynaa ustaad Cabdiqani oo nala wadaagay I.M Lewis iyo cilmi baarisyadiisa ku aadan geeska Afrika, gaar ahaan gayiga Soomaaliya. Sidoo kale waxaan u mahad celineynaa ka soo qeyb galayaashii aadka usoo buux dhaafiyay hoolka Astaan Tv.
Wajiga labaad; Mashruucii Aqooneed ee Prof. Saciid Sheekh Samatar
Переглядів 8383 роки тому
Taariikhda markii ay ku beegneyd 29ka July, waxaa inoo qabsoomay wajigii labaad ee aan ku darseyno aqoonyahanada Soomaalida. Wajiga labaad ee muxaadaradii xalay waxaan dul istaagnay Prof. Saciid Sheekh Samatar. Aqoonyahan Saciid qoraaladiisa dhaxalka ah iyo aragtiyihiisa ku aadan Somali Nationalism iyo oral poetary ayaa lagu gorfeeyaya muxaadarada. Muxaadarada oo uu inoo soo jeediyay Ustaad Cum...
Mashruucii Aqooneed iyo Aragtiyihii Cilmiga Bulshada Ee Ibnu khaldun.
Переглядів 7483 роки тому
Caawa oo taariikhda ku beegnayd 18 ka Maaj 2021, Waxaa inoo soo idlaaday muxaadaradii lixaad ee Mashruucii Aqooneed iyo Aragtiyihii Cilmiga Bulshada Ibnu Khaldun. Waxaa si qiimo leh inoogu soo jeediyay Ustaad Ridwaan Maxamuud (Maygaag) oo si aqooneysan noogu taariikheeyay wax soo saarka Ibnu Khaldun. Wax soo saarka iyo Aragtiyiha Ibnu Khaldun oo hab qoraal ayuu ustaadka innala wadaagay. Halkan ...
Muxuu yahay Social Science Forum?
Переглядів 2953 роки тому
#SSF2021 #HappyAnniversaryDaySSF2021 Muuqaalkan kooban wuxuu ka jawaabayaa Social Science Forum, waxa uu yahay? ka bogo muuqaalkan.
Mashruucii Aqooneed iyo Aragtiyihii Cilmiga Bulshada Ee Alija Izetbegović
Переглядів 7563 роки тому
#SSF2021 Waa muxaadaradii shanaad ee Mashruucii Aqooneed iyo Aragtiyihii Cilmiga Bulshada ee Cali cizatbekovic. Waxaa inala wadaagay Ustaad Xasan Cabdi Xasan. Aad ayaan ugu mahad celineynaa ustaadka. Muxaadaradan waa tirsigeeda shanaad oo aan ku sahmineyno ama aan ku weyneyno Culuumta Bulshada iyo kaalinta ay kaga jirto aqoonta casriga iyo guud ahaan bulshada Soomaalida.
Mashruucii Aqooneed iyo Aragtiyihii Cilmiga Bulshada ee Karl Marx
Переглядів 2,5 тис.3 роки тому
#SSF2021 Waa muxaadaradii Seddexaad ee Mashruucii Aqooneed iyo Aragtiyihii Cilmiga Bulshada Ee Karl Marx. Waxaa innala wadaagay Ustaad Cumar Cali Baasha. Aad ayuu ugu mahadsan yahay ustaad Cumar. Waxaan booqannay wax soo saarkii Karl Marx iyo doodihiisii adduunka saameynta ku reebay. Marka tafsiir la saarayo Marx, waxaa kuu muuqaneyso sida uu ukala wareejiyay adduunka oo xawaare ba'an ku socday...
Cilmibaarista Soomaalida: Hordhac kooban
Переглядів 8303 роки тому
#SSF2021 Somali Studies: A very short introduction Waxaan qabannay mowduuc mug iyo miisan leh. Waa muxaadaradii afaraad ee Mashruucii aqooneed iyo aragtiyihii cilmiga bulshada. Mowduucan waa dhextaal, ujeedda aan u doornay waxa weeye, in fahan weyn laga qaato Deraaseynta Soomaalida iyo cidda deraaseysay. Soomaalida dad kala duwan ayaa dersay waxna ka qoray, dhigaalo fara badan ka sameeyay. Mowd...
Mashruucii aqooneed iyo aragtiyihii cilmiga bulshada ee MAX WEBER || #SSF2020
Переглядів 1,2 тис.3 роки тому
Waa muxaadaradii labaad oo ku beegnayd 26-da November, waxaa inoo qabsoomay mashruucii aqooneed iyo aragtiyihii cilmiga bulshada ee Max Weber. Mahad eebbe ayey sugnaatay. Marka xigtana waxaan u mahad celineynaa Ustaad Xasan Cabdi Xasan oo innala wadaagay fahankiisa ku aadan aqoonyahan Max Weber taariikh nololeedkiisii, dowrkiisa aqooneed iyo wax soo saarkiisaba. Weber, wuxuu caan ku yahay aqoon...
Sharraxaad ku saabsan muhiimadda Cilmiga Bulshada (Social Sceince) iyo Ustaad Cumar Cali Baasha.
Переглядів 3,6 тис.3 роки тому
Sharaaxaddani waxay iftiimineysaa dowrka cilmiga bulshada uu ku leeyahay bulshada Soomaaliyeed. Si gaar ah ustaad ka wuxuu toosh inoogu ifinayaa ardayda Soomaaliyeed inay xoogga saaraan barashada culuumta bulshada, siyaasadda, dhaqaalaha, iyo falsafadda. Ka bogasho wacan walaalayaal. Subscribe saar Channel-ka Social Sceince Forum.
Mashruucii aqooneed iyo aragtiyihii cilmiga bulshada ee EDWARD SAID || #SSF2020
Переглядів 1,2 тис.3 роки тому
Waa darsi ku saabsan akhrinta aragtiyihii Edward Said. Ustaad Cumar Cali Basha ayaa faaqiday dhigaaladii iyo aragtiyihii Edward. Ujeeddada ugu weyn ee mashruucan wuxuu yahay in la fahmo kaalinta cilmiga bulshada iyo aqoonyahadii mugga weyn ku lahaa cilmiga bulshada. Mashruucan waxaan diiradda ku saaraynaa akhrinta iyo gorfeynta qoraaladii iyo afkaartii ay lahaayeen aqoonyahanadii saameynta weyn...