Wajiga labaad; Mashruucii Aqooneed ee Prof. Saciid Sheekh Samatar

Поділитися
Вставка
  • Опубліковано 27 вер 2024
  • Taariikhda markii ay ku beegneyd 29ka July, waxaa inoo qabsoomay wajigii labaad ee aan ku darseyno aqoonyahanada Soomaalida. Wajiga labaad ee muxaadaradii xalay waxaan dul istaagnay Prof. Saciid Sheekh Samatar. Aqoonyahan Saciid qoraaladiisa dhaxalka ah iyo aragtiyihiisa ku aadan Somali Nationalism iyo oral poetary ayaa lagu gorfeeyaya muxaadarada.
    Muxaadarada oo uu inoo soo jeediyay Ustaad Cumar Cali Basha, waan u mahad celineynaa. Ustaadka wuxuu diyaar u yahay inuu kacaan aqooneedka aynnu wadno oo aynu dooneyno inaan Soomalideenna ku fahansiino cilmiga bulshada iyo muhiimadda gaarka uu u leeyahay iyo sida dhabta ah xaaladdeena dhaqan dhaqaale iyo mid waaqicba uu ufasiri karo, haddii cilmigan xoogga la saaro. Sidaasi darteed, ustaad ka fahankiisa diyaar ayuu ugu yahay bulshada Soomaaliyeed.
    Inta muxaadarada socotay, waxa aad la isula gorfeeyay qarannimada soomaaliyeed qaabka ay ahayd gumeysiga ka hor iyo kaddiba. Sidoo kale waxa hoosta laga xariiqay dhaqdhaqaaqii Daraawiishta iyo shaqsiyadda sayyidkuba waxa muranka aadka u badan ka dhaliyay in ay ahaayeen saddex qodob oo is dulsaarnaa;
    Qodobka dariiqooyinka loolamayay waqtigaas halka sayyidka uu ahaa Saalixiya, wadaadadana kasoo horjeedana ay ahayeen Qaadariyo farqigaas ayaa sababay in ismandhaaf xoogan dhexmaro iyo wadaadasii kalee ee xilligaa joogay.
    -Qodobka qabiilada;sayyidka waxa uu aad ula degalaamay dhammaan reerihii ka hor yimid awaamiirta uu bixinayay taa oo keentay in dhibaato aad u ba'an ay ka dhalato degaaladaas uu ku qaaday reeraha.
    Qodobka ugu muhiimsan oo ah degaalka gulufka lahaa ee uu sayidku ku qaaday maamulkii gumeysiga iyo kuwii xabashida!
    Saddexdaas waxyaabood oo is biirsaday wax ay ka dhigeen shaqsiyadda sayyidka uu lahaa mid muran badan oo dadka qaarna ay mujaahid ku tilmaamaan halka kuwa kalena
    mooryaan dhiigyacab ah u yaqaanaan.
    Ugu dambeen waxaa laga dooday haddi aysan shaqsiyadda sayyidka taariikhda soomaalida soomari lahayn qaabkee ayuu ahaan lahaa dhaqdhaqaaqa gobonimadoonka iyo qarannimada soomaalida ;maxaana iska bedeli lahaa waaqiciyan xaaladda ay maanta soomaalidu ku suganyihiin!
    Inshaa'Allaah, maashruuca xiga iyo bishanAgoosto. Wada socod wanaagsan.

КОМЕНТАРІ • 1