Xisbiga Shaqaalaha oo ku guulaystay aqlabiyada baarlamaanka Ingiriiska | Doorasha UK

Поділитися
Вставка
  • Опубліковано 4 жов 2024
  • Xisbiga Shaqaalaha ee UK, ayaa ku guulaystay doorashadii guud ee dalkaasi ka dhacday khamiistii taas oo uu helay codadka ugu badan ee barlamaanka aqalka hoose oo ka kooban 650 kursi.
    Sir Keir Starmer ayaa noqonaya ra'iisul wasaaraha cusub ee UK, ka dib markii uu xisbiga shaqaalaha ku hogaamiyay guul weyn.
    Wuxuu beddeley siyaasigii garabka bidix Jeremy Corbyn oo ahaa hogaamiyaha xisbiga Labour afar sano ka hor, wuxuuna ka shaqeeyay inuu xisbiga ku soo celiyo garabka dhexe, si uu uga dhigo mid la dooran karo.
    Xisbiga Labour-ku waxa uu xukunka ka maqnaa 14 sano, hadda waxaa uu helay 370 kursi taas oo ka dhigaysa inuu helay aqlabiyada baarlamaanka.

КОМЕНТАРІ • 5