Maxamed Dhalfanaan - Heesta - Miyaan Xalayto Jiifsaday - Astaan Music 2022

Поділитися
Вставка
  • Опубліковано 23 лис 2024

КОМЕНТАРІ • 11

  • @SuugaanDhaadhiSuugaanDhaadhi
    @SuugaanDhaadhiSuugaanDhaadhi Рік тому +4

    QORAALKA HEESTA (LYRICS)
    Jidhku muu dubaaxsheen
    Naftan oon ku jirinoo
    Cirku jabaq ma keeneen
    Tiiyoon jirin daruuruhu
    Ifka la maba joogeen
    Dhulka oon la jiifine
    Ogoobeey jacaylkuna
    Waxaan jirin hadduu yahay
    Jalleecadaan ku eegaba
    Jirro i ma haleesheen
    Mana jidhiidhicoodeen
    Intaan jaha wareeree
    Miyaan xalayto jiifsaday
    Jidh jidhkaba miyaan dhigay
    Riyaad igu la joogtee
    Miyaan xalayto jiifsaday
    Jidh jidhkaba miyaan dhigay
    Hadhkaagaa ila joogee
    Micigii dhul jiifiyo
    Jillab qodax leh waa halis
    Haddaad guuro jiidhee
    Jiic iyo Cadaadee
    Jiiri waad ku xirantaa
    Jeerin dhul uu ku yaallee
    Jidiin wuxuu caddaadaa
    Ama oonku jabiyaa
    Markaad jeex abaariyo
    Jid cidla ah lugaysee
    Jabka kaa ka sii daran
    Hayay waa jacaylkee
    Miyaaan xalayto jiifsaday
    Jidh jidhkaba miyaan dhigay
    Hadhkaagaa ila joogee
    Miyaan xalayto jiifsaday
    Jidh jidhkaba miyaan dhigay
    Riyaad igu la joogtee
    ***********************
    Igu curay jacaylkii
    Igu jabi silsilad adag
    Intuu jaanta kuu rogay
    Adna kula jiciiree
    Intuu caynka kuu jaray
    Anna heensa igu jabi
    Jirrideeyna dhigayoo
    Labadeena jeex qudha
    Jidh jidhka isku keen gali
    Waxay talana joogtaa
    Ama hadal ku jaranyahay
    Doqon waa la jiitaa
    Wanaag baan u jeedaa
    Samaheenna maad jarin ?
    Mise wacadka waa jabin ?
    Miyaan xalayto jiifsaday
    Jidh jidhkaba miyaan dhigay
    Riyaad igu la joogtee!.
    Erayada Abdi aadan xaad qays
    Laxankii AHN Ahmed Gacayte
    Riwaayadii Gaal iyo Islaam 1967.

  • @aishaadem9179
    @aishaadem9179 7 місяців тому +1

    Xasuusti axmed mooge liiban

  • @mhassan0163
    @mhassan0163 2 роки тому

    Waa fannaan buuxa. Qotonka , qaabka, codka, deganaanta, labiska waxaan ku siiyey 10%

  • @abdullahiguled
    @abdullahiguled 2 роки тому

    Xusuustii AHN
    Abdullahi Dirie SooRaaN

  • @arkabartirefaraxoodlay
    @arkabartirefaraxoodlay 10 місяців тому

    Wa fanaan codmacan wlhi masha alahh

  • @dhuux7official181
    @dhuux7official181 2 роки тому +1

    Muuse Biixi fanaankan muu xidho
    Dharkiisu waa Blue 💙 micnaha 😂

  • @alihersi5974
    @alihersi5974 2 роки тому

    axmed mooge waa looga horeeyey waxaa lahaa originalka Cabdulaahi diiriye sooraan waxaa isna qaaday maxamed axmed kuluc

  • @aminibrahim8360
    @aminibrahim8360 2 роки тому

    Axsan

  • @mohamedabdullahi4652
    @mohamedabdullahi4652 2 роки тому

    Dhalfanaan

  • @xasanmaxamud8683
    @xasanmaxamud8683 2 роки тому

    Ll