“Dadka kale mar bu yacrifa ya’ kolki marayee Iyaguna halkay ya’rqudan kama yaqumanee Aladi yastaxyii maafish oo maba yasiiranee” Ninka inta isku daba riday gob nasab ah bu ahaa
Maba Yasiiraan Xilli lagu hilaadiyo 1934-tii ayaa dhawr nin oo wax doon ah waxa magaalada Durduri ay ugu hoydeen nin ay xidid ahaayeen oo la oran jirey Axmad Jaamac al-Khaalidi oo lagu garan og yahay Axmad Shookari. Sida la sheegay, saddex maalmood gudahood ayaa Axmad Shookari uu ku tabantaabiyey nimankii martida u ahaa isagoo si hagar la'aan ah uga haqab tiray safarkii ay doonayeen iyo sahaydii ay ku sii jid mari lahaayeen ba. Hase ahaatee nimankii martida ahaa kagama ambabixin gurigii Axmad Shookari muddadaa aan kor ku soo sheegnay gudahood, balse waxa ay sii joogaan halkaas toddoba casho oo kale. Goor ay tahay gadiid oo Axmad Shookari iyo nin la oran Guuleed Yuusuf al-Khaalidi, oo lagu garan og yahay Guuleed Curyaan, ay ku wada shaxayaan meel aan ka fogayn xeebta magaalada Duduri, ayaa waxa u yimi laba nin oo ka mid ah raggii martida ahaa kuwaas oo laga filaayey in ay waaberigii ka ambabaxaan magaalada oo dhulkoodii u baqoolaan. Arrinkan ayaa dadkii ku dhaqnaa dhulka loo yaqaan Maakhir xilligaas ay xeer adag ka lahaayeen oo korka laga wada yiqiin oo haddii aan laga fiirsan ceeb laga dhaxli jirey. Sida la wada ogsoon yahay, ninka la soo martiyo xilliyadaas waxa waajib ku ahayd in cidda u soo hoyata uu si fiican u martigeliyo muddo saddex maalmood ah. Cidda martida ah na waxa laga doonayaa marka saddex maalmood la sooro, in ay maalinta afraad, goorta ay tahay waaberiga, ay ka ambabaxaan reerka. Xeerkaas aan soo sheegnay isaga oo cuskanaya ayaa Axmad Shookari ku ceebeeyay nimankii martida u ahaa muddadii badnayd ee ay la joogeen. Isagoo ku halqabsanaya nin la oran jirey Guuleed Curyaan oo ay wada shaxayeen, waxa Axmad Shookari uu yidhi: "1. Dadka kale wuxuu yacarifaa, yaakulkii la'aye 2. Iyaguna halkay yaraqudaan, kama yaquumaane 3. Ina adeer yastaxi maafish oo, maba yasiiraane". Nimankii martida ahaa aad bay ula yaabeen gabaygii ka soo yeedhay Axmad Shookari, waxaa na ay ka codsadeen Guuleed Curyaan in uu gabayga ugu sheego af Soomaali aan af qalaad ku jirin. Guuleed Curyaan, isagoo nimankii martida ahaa af Soomaali badhax la' ugu sheegaya gabaygii Axmad Shookari, waxa uu yidhi: "1. Dadka kale hadduu soo dhacoo, loo anfaca dhiibo 2. Sida dhidar ma dhacadiidsadaan, toban dharaaroode 3. Idinna wayska dhiidhiibsateen, saad wax dhigateene". Markii Guuleed Curyaan uu mariyey tixdaa aan kor ku soo sheegnay ayaa labadii nin ay ka dhaqaaqeen goobtii iyagoo wax ku qaatay dulucda uu xambaarsan yahay gabaygaasi. Haddaba iyadoo bulshada Soomaaliyeed ee xoolo raacatada ah ay tixgelin gaar ah siin jireen tix suugaameedka, waxa dhacdadani ay bilow u noqotay in Axmad Shookari iyo martidiisii ay noqdaan suugaan wadaag. Waxaa na la sheegay in dhul badan oo ay ku kulmeen ay isku weydaarsadeen gabayo iyo heeso aan la koobi karin. Eray bixin 1. Dadka kale wuxuu yacarifaa: waxa uu ula jeedaa dad kale waxa uu gartaa 2. Yaakulkii la'aye: waxa uu ula jeedaa soortii ama cuntadii layna siinaayey waa ay dhammaatay 3. Iyaguna halkay yaraqudaan kama yaquumaan: waxa uu ula jeedaa nimankani meesha ay wiiqa dhigaan kama kacaan 4. Ina adeer Yastaxi maafish oo maba yasiiraan: waxa uu ula jeedaa Ina adeer Guuleedow nimankani ma aha niman xishoonaya oo meesha ka tegaya 5. Dadka kale hadduu soo dhacoo: dadka kale haddii uu cid martiyo 6. Ma dhacadiidsadaan: ma yuurursadaan ___________________________________ Waxa laga soo xigtay gabaygan aan kor ku soo aragnay: 1) Kornayl Maxamad Cumar al-Khaalidi (Shookari), Sharjah, U.A.E, 1994 2) Cabdullatiif Maxamad al-Khaalidi, Ajman, U.A.E, 2018 3) Sheekh Cali Maxamuud al-Khaalidi, Hargaysa, 2018

waa sidaa
Maansha allaah taasu waa soomaalidii hore ee gobta ahayd
laakiin soomaalida iminka inyar mooyee way isbedeleen
“Dadka kale mar bu yacrifa ya’ kolki marayee
Iyaguna halkay ya’rqudan kama yaqumanee
Aladi yastaxyii maafish oo maba yasiiranee”
Ninka inta isku daba riday gob nasab ah bu ahaa
Alle haw naxariisto wa Awoowahay Axmed shookari waa odaygi ugu horeeeyey ee arabic ku gabyey
Maba Yasiiraan
Xilli lagu hilaadiyo 1934-tii ayaa dhawr nin oo wax doon ah waxa magaalada Durduri ay ugu hoydeen nin ay xidid ahaayeen oo la oran jirey Axmad Jaamac al-Khaalidi oo lagu garan og yahay Axmad Shookari. Sida la sheegay, saddex maalmood gudahood ayaa Axmad Shookari uu ku tabantaabiyey nimankii martida u ahaa isagoo si hagar la'aan ah uga haqab tiray safarkii ay doonayeen iyo sahaydii ay ku sii jid mari lahaayeen ba. Hase ahaatee nimankii martida ahaa kagama ambabixin gurigii Axmad Shookari muddadaa aan kor ku soo sheegnay gudahood, balse waxa ay sii joogaan halkaas toddoba casho oo kale.
Goor ay tahay gadiid oo Axmad Shookari iyo nin la oran Guuleed Yuusuf al-Khaalidi, oo lagu garan og yahay Guuleed Curyaan, ay ku wada shaxayaan meel aan ka fogayn xeebta magaalada Duduri, ayaa waxa u yimi laba nin oo ka mid ah raggii martida ahaa kuwaas oo laga filaayey in ay waaberigii ka ambabaxaan magaalada oo dhulkoodii u baqoolaan. Arrinkan ayaa dadkii ku dhaqnaa dhulka loo yaqaan Maakhir xilligaas ay xeer adag ka lahaayeen oo korka laga wada yiqiin oo haddii aan laga fiirsan ceeb laga dhaxli jirey. Sida la wada ogsoon yahay, ninka la soo martiyo xilliyadaas waxa waajib ku ahayd in cidda u soo hoyata uu si fiican u martigeliyo muddo saddex maalmood ah. Cidda martida ah na waxa laga doonayaa marka saddex maalmood la sooro, in ay maalinta afraad, goorta ay tahay waaberiga, ay ka ambabaxaan reerka.
Xeerkaas aan soo sheegnay isaga oo cuskanaya ayaa Axmad Shookari ku ceebeeyay nimankii martida u ahaa muddadii badnayd ee ay la joogeen. Isagoo ku halqabsanaya nin la oran jirey Guuleed Curyaan oo ay wada shaxayeen, waxa Axmad Shookari uu yidhi:
"1. Dadka kale wuxuu yacarifaa, yaakulkii la'aye
2. Iyaguna halkay yaraqudaan, kama yaquumaane
3. Ina adeer yastaxi maafish oo, maba yasiiraane".
Nimankii martida ahaa aad bay ula yaabeen gabaygii ka soo yeedhay Axmad Shookari, waxaa na ay ka codsadeen Guuleed Curyaan in uu gabayga ugu sheego af Soomaali aan af qalaad ku jirin. Guuleed Curyaan, isagoo nimankii martida ahaa af Soomaali badhax la' ugu sheegaya gabaygii Axmad Shookari, waxa uu yidhi:
"1. Dadka kale hadduu soo dhacoo, loo anfaca dhiibo
2. Sida dhidar ma dhacadiidsadaan, toban dharaaroode
3. Idinna wayska dhiidhiibsateen, saad wax dhigateene".
Markii Guuleed Curyaan uu mariyey tixdaa aan kor ku soo sheegnay ayaa labadii nin ay ka dhaqaaqeen goobtii iyagoo wax ku qaatay dulucda uu xambaarsan yahay gabaygaasi. Haddaba iyadoo bulshada Soomaaliyeed ee xoolo raacatada ah ay tixgelin gaar ah siin jireen tix suugaameedka, waxa dhacdadani ay bilow u noqotay in Axmad Shookari iyo martidiisii ay noqdaan suugaan wadaag. Waxaa na la sheegay in dhul badan oo ay ku kulmeen ay isku weydaarsadeen gabayo iyo heeso aan la koobi karin.
Eray bixin
1. Dadka kale wuxuu yacarifaa: waxa uu ula jeedaa dad kale waxa uu gartaa
2. Yaakulkii la'aye: waxa uu ula jeedaa soortii ama cuntadii layna siinaayey waa ay dhammaatay
3. Iyaguna halkay yaraqudaan kama yaquumaan: waxa uu ula jeedaa nimankani meesha ay wiiqa dhigaan kama kacaan
4. Ina adeer Yastaxi maafish oo maba yasiiraan: waxa uu ula jeedaa Ina adeer Guuleedow nimankani ma aha niman xishoonaya oo meesha ka tegaya
5. Dadka kale hadduu soo dhacoo: dadka kale haddii uu cid martiyo
6. Ma dhacadiidsadaan: ma yuurursadaan
___________________________________
Waxa laga soo xigtay gabaygan aan kor ku soo aragnay:
1) Kornayl Maxamad Cumar al-Khaalidi (Shookari), Sharjah, U.A.E, 1994
2) Cabdullatiif Maxamad al-Khaalidi, Ajman, U.A.E, 2018
3) Sheekh Cali Maxamuud al-Khaalidi, Hargaysa, 2018
@@shookarichannel2853huuno gabay maaha waa jacbur
Sodoh la dhirbaaxo.. Xeeer ayaa ka yaala.
Mash allh
Idaaajaa,,, waa Suugaan Qabad.
🧤
Maansada
Inaad ina sanwayne magaciisa xusi waydaa waa caadifad
🎉❤
🎉😮❤
Waaw
Oo kalay axmed farax idaja hada xagee joga
Ufd
Waa yeel ka ree miyaga ah kkk
Ok
Cajib
Garta sodohda iyo inanka waxa goyay oo so gabagabeyay
(Ina sanweyne )shegayna maxa kenay sodohda halka dharbaxadu kaso gadhayso
Sxp
Mahdsanid
Mahmahyada
Nin wayn iyo umuliso siday wax u arkaan uma shegaan
Gacmo geeljire hoosbaa loo dhaqaa
Xidid wada dagay wa ..... wada dagay adigu buuxso mesha banan
Labo la arko carab iyo ilko isugudhaw iyaguna wais qaniinaan
Aad iyo af-somaligii waad iska dhistay wll kkk
Wll halka banan ii buuxi ma fahminee
@@tawosabdalla697 xidid wada dagay waa xaar wada dagay
Maba Yasiiraan
Xilli lagu hilaadiyo 1934-tii ayaa dhawr nin oo wax doon ah waxa magaalada Durduri ay ugu hoydeen nin ay xidid ahaayeen oo la oran jirey Axmad Jaamac al-Khaalidi oo lagu garan og yahay Axmad Shookari. Sida la sheegay, saddex maalmood gudahood ayaa Axmad Shookari uu ku tabantaabiyey nimankii martida u ahaa isagoo si hagar la'aan ah uga haqab tiray safarkii ay doonayeen iyo sahaydii ay ku sii jid mari lahaayeen ba. Hase ahaatee nimankii martida ahaa kagama ambabixin gurigii Axmad Shookari muddadaa aan kor ku soo sheegnay gudahood, balse waxa ay sii joogaan halkaas toddoba casho oo kale.
Goor ay tahay gadiid oo Axmad Shookari iyo nin la oran Guuleed Yuusuf al-Khaalidi, oo lagu garan og yahay Guuleed Curyaan, ay ku wada shaxayaan meel aan ka fogayn xeebta magaalada Duduri, ayaa waxa u yimi laba nin oo ka mid ah raggii martida ahaa kuwaas oo laga filaayey in ay waaberigii ka ambabaxaan magaalada oo dhulkoodii u baqoolaan. Arrinkan ayaa dadkii ku dhaqnaa dhulka loo yaqaan Maakhir xilligaas ay xeer adag ka lahaayeen oo korka laga wada yiqiin oo haddii aan laga fiirsan ceeb laga dhaxli jirey. Sida la wada ogsoon yahay, ninka la soo martiyo xilliyadaas waxa waajib ku ahayd in cidda u soo hoyata uu si fiican u martigeliyo muddo saddex maalmood ah. Cidda martida ah na waxa laga doonayaa marka saddex maalmood la sooro, in ay maalinta afraad, goorta ay tahay waaberiga, ay ka ambabaxaan reerka.
Xeerkaas aan soo sheegnay isaga oo cuskanaya ayaa Axmad Shookari ku ceebeeyay nimankii martida u ahaa muddadii badnayd ee ay la joogeen. Isagoo ku halqabsanaya nin la oran jirey Guuleed Curyaan oo ay wada shaxayeen, waxa Axmad Shookari uu yidhi:
"1. Dadka kale wuxuu yacarifaa, yaakulkii la'aye
2. Iyaguna halkay yaraqudaan, kama yaquumaane
3. Ina adeer yastaxi maafish oo, maba yasiiraane".
Nimankii martida ahaa aad bay ula yaabeen gabaygii ka soo yeedhay Axmad Shookari, waxaa na ay ka codsadeen Guuleed Curyaan in uu gabayga ugu sheego af Soomaali aan af qalaad ku jirin. Guuleed Curyaan, isagoo nimankii martida ahaa af Soomaali badhax la' ugu sheegaya gabaygii Axmad Shookari, waxa uu yidhi:
"1. Dadka kale hadduu soo dhacoo, loo anfaca dhiibo
2. Sida dhidar ma dhacadiidsadaan, toban dharaaroode
3. Idinna wayska dhiidhiibsateen, saad wax dhigateene".
Markii Guuleed Curyaan uu mariyey tixdaa aan kor ku soo sheegnay ayaa labadii nin ay ka dhaqaaqeen goobtii iyagoo wax ku qaatay dulucda uu xambaarsan yahay gabaygaasi. Haddaba iyadoo bulshada Soomaaliyeed ee xoolo raacatada ah ay tixgelin gaar ah siin jireen tix suugaameedka, waxa dhacdadani ay bilow u noqotay in Axmad Shookari iyo martidiisii ay noqdaan suugaan wadaag. Waxaa na la sheegay in dhul badan oo ay ku kulmeen ay isku weydaarsadeen gabayo iyo heeso aan la koobi karin.
Eray bixin
1. Dadka kale wuxuu yacarifaa: waxa uu ula jeedaa dad kale waxa uu gartaa
2. Yaakulkii la'aye: waxa uu ula jeedaa soortii ama cuntadii layna siinaayey waa ay dhammaatay
3. Iyaguna halkay yaraqudaan kama yaquumaan: waxa uu ula jeedaa nimankani meesha ay wiiqa dhigaan kama kacaan
4. Ina adeer Yastaxi maafish oo maba yasiiraan: waxa uu ula jeedaa Ina adeer Guuleedow nimankani ma aha niman xishoonaya oo meesha ka tegaya
5. Dadka kale hadduu soo dhacoo: dadka kale haddii uu cid martiyo
6. Ma dhacadiidsadaan: ma yuurursadaan
___________________________________
Waxa laga soo xigtay gabaygan aan kor ku soo aragnay:
1) Kornayl Maxamad Cumar al-Khaalidi (Shookari), Sharjah, U.A.E, 1994
2) Cabdullatiif Maxamad al-Khaalidi, Ajman, U.A.E, 2018
3) Sheekh Cali Maxamuud al-Khaalidi, Hargaysa, 2018
Waaladhacy
Xidid wada dagay waa..........?
Gudoomiye subax wanagsan
Subax lamid ah
Xidid wada dagay waa xaar wada dagay
Xidid wada yaal waa xaar wada yaal