Це відео не доступне.
Перепрошуємо.

Sh cumar faruuq muftigii somaliya bilo ka hor muxu ka yiri sheekh xasaan xuseen

Поділитися
Вставка
  • Опубліковано 25 тра 2016
  • Sheekh Cumar Faaruuq Xaaji Cabdi-Suldaan Xaaji Maxamuud wuxuu ku dhashay degmada Qooxley oo Qallaafe iyo Qabridaharre u dhaxeysa, halkaasi oo magaceeda caanka ahi yahay "Carmaale" . Carmaale waxaa dariiqa diimeed ka hayey aabihiis Xaaji Cabdi-Suldaan, dariiqadaasoo ka koobanayd dugsi Quraan iyo barida diinta islaamka oo uu hayey Sheekh waalid u ahaa Sheekh Cumar Faaruuq oo la oran jirey macallin Cusmaan Macallin Dhicis.
    Sheekh Cumar-Faaruuq wuxuu ka dhashay qoys diineed. Hooyadiis, Caasha Sheekh Axmed Guure, isaga oo 3 jir ah ayey geeriyootay, aabihiisna wuxuu ka dambeeyey saddex sano. Waxaa markaa Sheekh Cumar Faaruuq soo koriyey ayeeydiis hooyo iyo walaalihiis ka waaweynaa. Macallinkiisu wuxuu ahaa abtigii hooyadii la dhashay oo macallin Xuseen Sheekh. Axmed-Guure la yiraahdo. Sheekh Cumar Faaruuq quraanka kariimka ayuu halkii ku xifdiyay, kabacdina wuxuu bilaabay in uu baro Cilmiga isaga oo 14 jir ah ayaa Fiqiga loo billaabay, Kitaabka Safiinatu Salaat ayaa waxa u billaabay Sheekh waalid u ahaa Sheekh Cumar Faaruuq oo lo oran jiray Sh. Cusmaan-Jire Sh. Xuseen-Dhaqane.
    Dhinaca barashada luqada Carabiga Allaha u naxariistee Sheekh Cumar Faaruuq wuxuu nasiib u helay inay guriga ay ugu akhrin jireen niman walaallihiis ah oo ay ka mid yihiin Sheekh Shaafici Xaaji Cabdi-Suldaan iyo Sh. Murshid. Waxay bareen Sheekh Faaruuq cilimiga Naxwaha, Ajruumiga, Camriidiga, Mulxaha, Mutamimka, Qadriga iyo ilaa Alfiyaha. Qaybta Sarfiga waxaa u akhriyey wadaad awowgiis ah oo la oran jirey Xaaji Maxamuud Xaaji Cabdulle, Tafsiirka waxaa u khriyey wadaad la dhihi jirey Sh. Yuusuf muddadaasoo uu magaalada Qallaafe xer ku ahaa.
    Sheekh Cumar Faaruuq asaga dad yar ayuu ka soo tagay magaalada Qalaafo asaga oo yimid magaalada Muqdisho. Mudo yar asaga oo joogo magaalada Muqdisho ayuu Sheekh Cumar Faaruuq wuxuu noqday qof ilaahay siiyay hibo in uu dadka baro cilmigii ay soo bareen walaaladiis iyo qaraabadiis. Asaga oo wado fidinta cilmigii uu ka dhaxlay walaaladiis ayaa Sheekh Cumar Faaruuq wuxuu fursad markale u helay in cilmiga Xadiiska uu ka barto Sheekhii Caalimka ahaa ee cilmiga xadiiska Allaha u naxariistee Sheekh Ibraahim Muxumed Cali (Sh.Ibraahim Suuley).
    Dabadeed Cumar-Faaruuq wuxuu galey madrassa ku taalley Xamar oo la oran jirey "Machadu-Diin bil-Muqdisho" oo ay Masaaridu dhigi jirtey. Halkaasi waxa uu ku dhameeyay dugsiga dhexe. Dugsiga sare waxa uu ku dhameeyay Machad-Altadaamun al Islaamiyah bil-Muqdisho oo ku oolli jirey lambar afar oo ay sucuudigu maamuli jireen. Sheekh Cumar Faaruuq marwalba wuxuu ahaa qof jecel kororsiga khayrka wuxuuna rumaysnaa arwalba in cilmiga aan laga dhargi Karin. Waxa uu aaday boqortoyada wadanka Sacuudiga waxa uuna galay "Jaamacadda Medina Almunawarah" kulliyadda"Al-Dacwa Wa-usuula-Diini", markaasoo taariikhdu ahayd 1975, wuxuuna ka qalin-jabiyey 1979kii.
    Sheekh Cumar Faaruuq Jaamacadda markii uu dhameeyey waxa uu bilaabay faafinta diinta Islaamka isagoo xaruntiisu tahay Sacuudiga. Waxa uu duubay cilmi fara badan oo ay ka mid yihiin kutubo badan oo ilaa iyo 12 kitaab ah oo tafsiirka ah iyo siirada oo dhowr kitaab ah, manhajul-Muslim, Taysiirul-Aclaam, Arbaciinu-Al-Nabawi iyo kutub fara badan oo noocaas ah intii uu joogey Sucuudiga.
    Kutubadaas uu Sheekh Cumar duubay ayaa gaarey meelwalba oo dunida. Waxaana yar qooys Soomaaliyeed oon haysan cajaladaha Tafsiirka Quraanka Kariimka ee Sheekh Cumar Faaruuq. Mudooyinkii danbena waxaa la sameeyay Maktabado loo bixiyay "Maktabadii Sheekh Cumar Faaruuq" si loogu xasuusto Sheekha marwalba in uu ahaa qof u istaagan barida diinta islmaamka. Kutubtaas dartood baa dadkii ku noolaa dibedda ay jecleysteen inay arkaan, markaasoo uu 1993kii bishii July 12keedii uu Shiikhu tegay dalalka Sweden, Norwey, Danmark, Finland, Swizarland, Ingiriiska oo uu ka sameeyay muxaadaraad iyo duruus kaleba. Kadib sannadkii 1996 ayuu ku noqday Soomaaliya, waxaanu tagey magaalooyinka Muqdisho, Marka, Qoryaaley, Afgooye, Wallaweyn, Buurhakaba, Beydhabo.
    Sheekh Cumar Faaruuq intii ka dambaysay burburkii Soomaaliya waxa uu waday barnaamij ballaaran ooay ka mid ahaayeen midaynta culimada diinta ku abtirsada, la talinta iyo toosinta siyaasadda Soomaaliya; iyo waxbaridda ummadda Soomaaliyeed iyo sidii looga haqabtiri lahaa diinta, hadday tahay akhriska kutubta ama wacdi iyo waano.

КОМЕНТАРІ • 24

  • @Kamalmohamedsheik-ub5wx
    @Kamalmohamedsheik-ub5wx 7 місяців тому

    Allaw kuu naxariiso
    Sh cumar faaruuq

  • @user-fc2ib8jj9u
    @user-fc2ib8jj9u 4 місяці тому

    Allah haunaxriisto sheikh umar faruq

  • @abdirahmanmuseali9852
    @abdirahmanmuseali9852 3 роки тому +1

    الله يرحمه ويغفر له ويسكنه الفردوس الأعلى من الجنة مع النبيين والصديقين والشهداء والصالحين وحسن أولئك رفيقا ولجميع المسلمين والمسلمات الاحياء منهم والاموات برحمتك يا ارحم الراحمين آمين آمين آمين آمين آمين آمين يارب العالمين

  • @mustafesiyad1163
    @mustafesiyad1163 7 років тому +3

    sh cumar alfaaruuq Allah ha u naxariisto

  • @mahaddaahir7466
    @mahaddaahir7466 2 роки тому

    Allaah ha u naxariisto sheekh cumar faaruuq.

  • @fardowsoali2088
    @fardowsoali2088 7 років тому +1

    Allah haunaxariisto shiekh cumarfaaruq jabatul firduwso ilaahy hagajiyo aaamin aaamin yaa allah

  • @kainanxalane3167
    @kainanxalane3167 5 років тому +1

    Allah unaxariisto sheikh cumar faruuq

  • @shamsomuuse8629
    @shamsomuuse8629 8 років тому +1

    Shiiq cumar faruuq allaha ku naxariisto

  • @mohamedwaliabdulaahi3697
    @mohamedwaliabdulaahi3697 7 років тому +2

    رحمك الله يا شيخنا الحبيب وادخلك في فسيح جناته

  • @halimaomar5896
    @halimaomar5896 8 років тому +1

    allaaha hakuu naxariisto waa sheekh qiimo weeyn kuleh dalka iyo dadka soomaaliyeed

  • @rukiamohamed8141
    @rukiamohamed8141 8 років тому +1

    maanshaa alaah Ilaahow kuu naxariiso oo Jana Fardowsa kaa waraabi Aamiin Aamiin Aamiin

    • @ayanalu5478
      @ayanalu5478 8 років тому

      gfdfg\
      jnnbjvkcnaiijjqhqhqyhhallk8

  • @abdirahmanabdullahi8978
    @abdirahmanabdullahi8978 5 років тому +3

    allaa yarxma wa shiekh aan in bdn jeclahy wacyi gelintiisa

  • @salaadali6088
    @salaadali6088 2 роки тому

    اللهم اغفر له وارحمه وعافه واعف واكرم نزله ووسع مدخله واغسله بالماء والثلج والبرد ونقه من الخطايا كمانقيت الثوب الابيض من الدنس وابدله دارا خيرا من داره واهلا خيرا من اهله وزوجا خيرا من زوجه وادخله الجنة واعده من عداب القبر وعذاب النار ءامين

  • @sirajswabir1884
    @sirajswabir1884 4 роки тому +2

    💘💘💘💘manshaallah ilahow jana kugeli

  • @abshirahmed5306
    @abshirahmed5306 4 роки тому +1

    Allow unaxariiso yaarabi

  • @laylamohamed3503
    @laylamohamed3503 8 років тому +1

    mansha alaah

  • @mahaddaahir7466
    @mahaddaahir7466 2 роки тому

    Jannadii firdowsa allaah ha ka waraabiyo.

  • @osmankahil8363
    @osmankahil8363 3 роки тому +1

    Ilahiyow unahariso

  • @abshirahmed4665
    @abshirahmed4665 3 роки тому +2

    Waari maysidee wanaag iyo alle wuxuu raali kayhy hakaa haraan sida sh cumar raximahulah

  • @fatimaqadar7312
    @fatimaqadar7312 6 років тому

    det var bra äfen om jag fårstår lite