Furitaanka Biriijka Ceel-Gooni ee magaalada Burco

Поділитися
Вставка
  • Опубліковано 17 чер 2024
  • Halkani waa Biriij-lugeedka Ceel-gooni oo dhawaan ay xadhiga ka jareen Dib-u-dhiskiisa mas’uuliyiinta gobolka Togdheer, degmada Burco iyo shirkadda Telesom, ka dib waqti uu burburay oo daadad xooggani ay waxyeello wayn soo gaadhsiiyeen dhismihiisa. Burburka biriijkan ayaa waxa ka dhashay muddadii uu dayacnaa khasaare nafeed oo isugu jira dhimashooyin iyo dhaawacyo kala duwan.
    Dib-u-dhiska iyo dayactirka biriijkan oo ay shirkadda Telesom maal-galisay ayaa si weyn ay u soo dhaweeyeen dadwayanah reer burco gaar ahaan bulshada xaafadda Ceel-Gooni, halkaas oo ay ugu mahadnaqeen shirkadda waxqabadka ay halkan ka hirgelisay.
    Rabbi ayeynu waydiisanaynaa in uu manfaciisa inoo barakeeyo. Amiin

КОМЕНТАРІ •