Hogob caleenliyo adoo hadh jiifaa ' Maxamed Mooge heesti Nabsiga hiishaan Lyrics

Поділитися
Вставка
  • Опубліковано 8 жов 2024
  • Heesta =Nabsiga Hiishaan
    Luuqda = Maxamed Mooge Liibaan
    Erayadii = Abwaan Xaaji Gujis
    Laxankii = Maxamed Mooge Liibaan
    LYRICS: = Qaaraami Lyrics
    Qoraalka Heesta (Lyrics)
    Imisaan ku hor joogayoo
    Wanaag kaa hidinaayayoo
    Iskadaa hadal toosane
    Warba kaa heli waayoo
    Wejiga aad iga hiiftay
    Adduun waa hadh wareegga
    Waa habeen iyo maalin
    Isu soo hirdamaaya
    Waa habow iyo toos
    Is hareera socdee
    Waayihii kol i heeray
    Haddii uu heeryo ku saaray
    Inaan kuu hab jileeco
    Waa midaan la helayne
    Hiyigaaga ka saar
    Hogob Caleenliyo
    Adoo Hadh Jiifee
    Dhaxan Harraad
    Haalaase Joogee
    Habeenka Maalin
    Socodka Hiiro
    Hirig Cadaadeed
    Hugayga Reebtee
    Nafsiga Hiishaan
    Heedhe Kula Haleeloo
    Hoogtooy Wanaaganii
    Waa kaad Halleysee
    Kula Hor Joogee
    ☆☆☆☆☆☆☆☆
    Mar baad hillaaciyo
    Hogol ahaydoo
    Mar baad hiraysoon
    Ku higsanaayey
    Soo kii hahoogiyo
    Ahaa habeenka
    Halyeyga maanta
    Lagu halmaamay
    Nabsiga hiishaan
    Ku la haleeloo
    Hoogtooy wanaaggani
    Waa kaad halleyseen
    Ku la hor joogee!
    ☆☆☆☆☆☆☆☆
    Mar baad hubka is wada
    Hareer ordaysoo
    Anna hangool iyo
    Gudimmo haystay
    Adoo hidiidiqay
    Haddii aad i hoos timid
    Oon geedna haysan
    Waa hiil Ilaahey
    Nabsiga hiishaan
    Ku la haleeloo
    Hoogtooy wanaaggani
    Waa kaad halleyseen
    Ku la hor joogee!
    ☆☆☆☆☆☆☆☆
    Ha moodin adiguna
    Inaan ku hiifee
    Haween dhamaan baan
    Ka hawl yaraystay
    Hiil iyo hooba
    Mid kuu han weynoo
    Ku hanta Mowle
    Ha kuu hibeeyee
    Ilaah hortaadiyo
    Hareerahaagaba
    Halkaad marayso
    Ha ku hagaajee
    Nabad ku sii hoyo
    #qaaraami_lyrics #qaaraami_lyrics

КОМЕНТАРІ •