Hibo Nuura iyo Xasan Diiriye Heestii Dhalanteed 'Nimuu dhabarku jaban yahay Lyrics

Поділитися
Вставка
  • Опубліковано 8 жов 2024
  • HEESTA : Dhalanteed
    ERAYADA: Maxamed cali kaariye
    CODADKA: Xasan Diiriye iyo Hibo Nuua
    Qoraalka : Qaaraami Lyrics
    QORAALKA HEESTA (LYRICS)
    ☆ XASAN DIIRIYE ☆
    Nimuu dhabarku jabanyahay
    Dhaqdhaqaaqi maayee
    Sidaan dhawr habeen qaday
    Dhafooradu I jiidmee
    Waa dhaawacaagii
    Waxaan aan la dhuubtee
    Markii aan ku dhawraba
    Dhibaa ii kordhaysee
    ☆ HIBO NUURA ☆
    Markii hore dhitiyo subag
    Dhaay baan filaayee
    Dhiil madhan adoo sida
    Dhabta igaga tuurtee
    Dharab orodka xoolaha
    Dhurwaagaa ku laayee
    Ani dhadiyo ceeryaan
    Ha i oran ka dhaansee
    Dhalanteedku waa midaan
    Iga dhaadhacaynee
    ☆ XASAN DIIRIYE ☆
    Ninkii dhiiranaan jiray
    Wakhtigaa dhantaaloo
    Dhaaxaan itaalkay
    Amba dhaban adaygee
    Dhudhuniyo lixaadkii
    Wax ku dheefi waayee
    Hagar Kuguma dhaafine
    Dhadhaab bay i horyaalee
    ☆ HIBO NUURA ☆
    Aqal dhinac banaanyahay
    Dhaxan kaama celiyee
    Dharaartii aan baahanaa
    Igu dhega adaygtee
    Dhuubkaa kolay tahay
    Kaama helin dhaqaalee
    Waa adigii I dhigay meel
    Dhamac iyo abaaroo
    Dhalanteedku waa midaan
    Iga dhaadhacaynee
    ☆ XASAN DIIRIYE ☆
    Sida Dheeha geeloo
    Dhameel hawdka daaqdoo
    Dhanihii bullaaliyo
    Dhoobaale joogtaa
    Ama tahay dhir canabaad
    Dhaayaha u roontee
    Wali waan dhursugayaa
    Inaan wada dhammaynee
    ☆ HIBO NUURA ☆
    Ninkii dhuumanaayee
    Dhabarkiisu muuqdee
    Dhaqsa loo ogaadaa
    Sidiisii ka dhigantoo
    Hadalkaa dhan saarka
    Kaa dhagaysan maayee
    Haddii ay dhab kaa tahay
    Dhaar ma ii maraysaa
    Mise kala dhaqaaqnaye
    Sidaasaan ku dhaafnaa
    #qaaraami_lyrics​​

КОМЕНТАРІ • 1

  • @SuugaanDhaadhiSuugaanDhaadhi
    @SuugaanDhaadhiSuugaanDhaadhi 2 місяці тому +3

    ERAYADA HEESTA LYRICS
    #XASANDIIRIYE
    Nimuu dhabarku
    Dhabarku Jaban yahay
    Dhaq dhaqaaqi maayee
    Sidaan dhawr habeen qaday
    Dhafooradu i Jiitee
    Waa dhaawacaagii
    Waxanaan La dhuubtee
    Markii aan ku dhawraba
    Dhibaa ii kordhaysee
    #HIBONUURA
    Markii hore dhitiyo subag
    Dhay baan filaayee
    Dhiil madhan adoo sida
    Dhabta igaga tuurtee
    Dharab orodka xoolaha
    Dhurwaagaa ku Laayee
    Ani dhedo iyo ceeryaan
    Haygu odhan ka dhaansee
    Dhalanteedku waa midaan
    IGA dhaadhacayne
    #XASANDIIRIYE
    Ninkii dhiiranaan jiray
    Wakhtigaa dhantaaloo
    Dhaaxaan itaalkay
    Amba dhaban adaygee
    Dhudhun iyo Laxaadkii
    Wax ku dheefi waayee
    Hagar kuguma dhaafine
    Dhadhaab bay hor yaalee
    #HIBONUURA
    Aqal dhinac banaan yahay
    Dhaxan kaama celiyee
    Dharaartii aan baahnaa
    IGU dhago adaygtee
    Dhuubkaa kolay tahay
    Kama helin dhaqaalee
    Waadigii i dhigay meel
    Dhamac iyo Abaaroo
    Dhalan teedku waa
    Midaan iga dhaadhacayne
    #XASANDIIRIYE
    Sidii dheeha geeloo
    Dhaameel hawdka daaqdoo
    Dhanihii Bulaaliyo
    Dhoobaale Joogtaa
    Ama tahay dhir canabaad
    Dhaayaha U roontee
    Weli waan dhursugayaa
    Inaan wada dhamaynee
    #HIBONUURA
    Ninkii dhuumanaayee
    Dhabarkiisu Muuqdee
    Dhakhso Loo Ogaadaad
    Sidiisii ka Dhigantoo
    Hadalkaa dhansaarka ah
    Kaa dhagaysan maayee EE
    Hadii ay dhab kaa tahah
    Dhaar may maraysaa
    Mise kala dhaqaaqnaye
    Sidaasaan ku dhaafaa?.
    ==================END.
    RAXMAANKU haw naxariisto
    EREYADA Mohamed Ali Kaariye AHN
    Laxanka BASHIIR XADDI AHN
    Codadka AHN XD faarax iyo HIBO.