Waa hiil runtii lkn dhinac kale waa wiirsi ama tiiq tiiqsi lagula kacayo mar kale dadkaa jiritaankooda la necebyahay waayo yuusuf shaacir markuu ka guursado reerka ayuunbuu u hiilaliyay aniga aragtidayda .
sheekh Allow dadkaasi dhibaatadani haysto, waran ku taagnaa uunbaad ku sii dhaq dhaqaajinaysaaye waxba uma tarasid, qadiyada tan istaratajiyada wax lagaga qaban karaa, sadex umuurood ayay u bahantahay, mid kamid ah ayaan wax ka tilmaami, iskuma jiraane inta Somaliland dagan oo akliya ayaan ka hadlayaa 1. waxay u baahanyihiin in la aqoonsado, oo uu aqoonsogooda ugu horeeyo axmed siilanyo uu ku dhawaaqo inay la simanyihiin xaq iyo xuquuq iyo dhinac kastaba beeshiisa, sida ay somaliland aqoonsiga u raadinayso ha loogu raadiyo beeshan aqoonsi somaliland gudeheega ka imanaya labada arimood ee kale halkan kuma soo bandhigmi karayaan..........
@Yusuf said jama markaad habar jeclo aragto uun soo gariir at least abwaanada habar jeclo wax bay ka dhaheen dulmige adiga iyo reerkaagu maxaad ka tidhaahdeen
Amba ka guurso shaciro amba iska amu nio Qanjeelu hadraawiba ka tiriyee Marki hadraaawi ay ku yidhaahden beeshi gabooye gabay waxba ma tare naga guurso Waki ka gaabsaday Ishoodiba ku dhacday malaha waka goblanke an waxba dhaline Inkastoo hadana alleh deeqda bixiyo
sxboow dadkaad u dawooneysid ee abwaanka ku sheegaysid soow kuwii ma aha diiday inay maryam musal school ku magacaawda oo diiday warkuwaas qeyr ma lehe ha ku habsaamin sxb
MAXAA D ugu ducaynaysaan ma hadal baa wax taraya ficil baa loo baahan yahee qoladan hj ma waxbay ku cunaan dadkan la haybsooco gabay muxuu tarayaa hadraawaa dhugariir ka tiriyey adeer yusufow ka guurso hadii aad runsheegayso ama inamadaada iyo cidina ku dhiiri hablo qurux badana waa lee yihiin inta ajigu lee yahayna waa lee yihiin oo waa dad ilaahay abuurtay maalin walba meel baa la soo fadhiisanayaa la qurxiyey oo hadal uun laga shubayo ilaa maalintii aan dhashay sidaas baa loga hadlaayey waxba gabaygaaguna tarimaayo raali ahow ilaahay baa yiri qoomna ilaahay ma duleyo ilaa iyagu is duleeyaan iyagaa halkaas is dhigay waa inay ka baxaan ajigan u hadlaya ee aan calooshoodi saxda ahayn waa inay iyagu qadiyadooda u kacaan wali ma arag jaaliyad gabooye ah oo caawinaya dadkoodaa ama waqooyi ha joogaan ama koonfur xaafdo dhan bay lee yihiin somaliland codkoodana waa muujin karaan hadraawina waxba tarimaayo hal abuurna waxba tari maayo iyo shiikh hadaan daacad laga ahayn hadii hadraawi ka guursado ama adi waa la odhan karaa hadraawiba waa ka qabaa iyo shiikh hebel markaas iska daaya sxbayaal wa bilaahi tawfiiq ALLA MAXAAD WAX ISKA TIDHI
Anigu fikirkaaga sax ayaan u arkaa waayo gabay ama hadal waxa ka mihiimsan ficilka shiikh bashiir ayaa la idhi wadaado kale ayu ku idhi bilaalaha quranka ku jabiya way ku akhriyeen waanu jabi waayay isagi ayaa intu bisinka ku akhriyay ayuu budhna ku dhuftay oo idhi hadaan ficil wax lagu Darin ma qabsomo marka anigu waxan leeyahay wadadka diinta iii sheegayo ee igu leh Kuma qorna kitaabka in aan gabooye laga guursan Hadi aanay ku qornayn maxaad ku diiday in aad u hor seedo khayrka iyo wanaaga iyo ku dayashada wacan arintani waxaabay qusaysa culimada diinta famaaya ee xaqa iyo baadilkab arkaaya ilaahay ka baqa ayaan anigu leeyahay waayo dulinkay arkaan af Somali uma baahna ee ficil ayu u baahan yahay reer kasta suldaan iyo caaqil iyo wadaad iyo siyaasi iyo mid maal qabeena way leeyihiin waana inta dulmigan arkaysa Kuna fadhida waayo waxay ugu fadhiyaan waa lagu dayan lahaa Hadi ay ficil keenaan oo iyagu guurka bilaaban marka aynu runta isu sheegno ajiyow hadal hamo ma buuxsho ee ficil ayaa loo baahan yahay
MANSHALLAAH ALLAAH Cimriga iyo Caafimaadka ha kuu siyaadiyo Cibaado suuban iyo Caqiido san ha ku siiyo AMIIN AMIIN AMIIN !!!
Alle cimrigahakuu
Dheereeyo abwaan
Runsheeg
Masha Allaah tabarakaraxman Noolow walalkayo yusuf shaacir wanadada Rabbi haynagu anfaco waxna maad dhimin waxna maad dhaafin 👍😰
MAANSADA « DULMANAHA LA QUUDHSADAY », YUUSUF CISMAAN CABDDILLE (YUUSUF SHAACIR), 2004.
1. dabaylaha dhacaayiyo
2. Marka daalka waayuhu
3. Dayac iyo dhib keenee
4. Damac lagu hunggoobee
5. Dawakhaaddu tarantee
6. Dacar iyo ladh oogmaa
7. Damqashada aqoontiyo
8. Deelleyda maansada
9. Dayaxiyo cedceediyo
10. Dirir looga sahanshaa
11. Anna dooda baanaha
12. Damashaad cayaar iyo
13. Madal lagu dalxiiyo
14. Hadal daansha socodiyo
15. Dookhayga maahoo
16. Nin dar jiidhay ma ihiye
17. Wax daaray baa jira
18. Dakharrada Gabooyaha
19. Dummaddooda lala dhacay
20. Daw dhaafka Yibirkiyo
21. Dala’siga Tumaalaha
22. Dulmanaha la qaybsaday
23. Digashada xanuunka leh
24. Deelqaafka boontiyo
25. Dalmarow ma dhaaddeen
26. Dadkan muuqa noloshiyo
27. Derajada aqoontiyo
28. Doorkii waxgaradkiyo
29. Dawlad saamigeed iyo
30. Ruux duunyo haystoo
31. Dekadaha wax keeniyo
32. Nin darmaan kuu boodoo
33. Magaciisu duuliyo
34. Damaciyo hankoodii
35. Laga saaray daahee
36. Duudsiga xadgudubkiyo
37. Dafiraada nacabkaa
38. Deris lala wadaajee
39. Duddo lagu illaawiyo
40. Lagu ooday dayrkee
41. Dalambaabi socodkaa
42. Dambigay galeen iyo
43. Waxa loogu dawgalay
44. Dacwad lagu dhagaystiyo
45. Weli dood mala furay ?
46. Sida duulkii Falastiin
47. Ama doolkii Seerbiya
48. Ama dayrkii Baarliin
49. Dulligiyo iswaagiyo
50. Dhulkan lagu darleefee
51. Darxumadu ka oloshee
52. Diihaalka lagu qabo
53. Dambarsiga abwaankiyo
54. Halabuurka deexdaa
55. Suugaanta kuma darin
56. Daahyalay Hadraawaa
57. Dhowr jeer ku daaloo
58. Daalalayna raacshaye
59. Sow dirsoocu muu jirin
60. Dabashada atoorkiyo
61. Dubashada ugaybkiyo
62. Damaashaadka mulacyada
63. Ha daardaarin buu yidhi
64. Misna dayradhaafkiyo
65. Reerkan daadku qaataye
66. Daranyada cuslaysee
67. Deelqaafka ceebtiyo
68. Daaduunka weheshaday
69. Doobirtooda yaabka leh
70. Diiwaanka kuma qorin
71. Codka dananka luuqdiyo
72. Dhoodaan dawaafkii
73. Wuxuu dawlad maagaye
74. Delli iyo jar kala dhacay
75. Sida duulkan loo galay
76. Ama loo dildilo rogay
77. Faalladiisa kuma darin
78. Dabracelinta sheekada
79. Ama daawashadu guud
80. Intastoo dameerkii
81. Darmaan loogu magacdaray
82. Dambigii la saariyo
83. Dayacuu ku noolaa
84. Dacwadiisa Qays galay
85. Ama uu dareenkii
86. U daruuray gaasgaan
87. Misna daymobogashada
88. Sida la isku dabaguray
89. Ama daacad loo gabay
90. Dulmanaha la quudhsaday
91. Dacalkuu ka dhaafiyo
92. Wax ka daahay mooyaan
93. Darxumada saboolkiyo
94. Saman uu dagaal dhacay
95. Dalka qiiq ka sarakacay
96. Donanaanta maansada
97. Sangub oo u dadabgalay
1. Dar Alle wuxuu yidhi
2. Dugsi wàa bakayluhu
3. Daad baa u soo galay
4. Damac yuurur baa dilay
5. Darraad waayihii jiray
6. Maantay ka daran tahay
7. Isna waxuuna daalacan
8. Duleedjoogta magashiyo
9. Dooxyadan agtiisa ah
10. Dagmadii ku noolayd
11. Diilalyada cuslaysiyo
12. Dayrwaaga noloshee
13. Dunjigooda dhalanrogay
14. Dabataxan abwaankii
15. Sidda midhaha daraygaa
16. Ama dàlab la kala guray
17. Ama dirirka cawleedee
18. Dhankastaba u digarogay
19. Wax u diiday mooyee
20. Gaariye dakanadaa
21. Dadka qaarkii laga galay
22. Maansadiisa kuma darin
23. Dooddi aftahankiyo
24. Deelleyda waagii
25. Darka la isku jiidhee
26. Ninba dacal ka soo galay
27. Yamyam dulucda sheekada
28. Inkastuu u duulxulay
29. Ama dogobyo weyn riday
30. Daldaloolka muuqdiyo
31. Damqashada xanuunkee
32. Xaqiraadda lagu daray
33. Dabkan reerka lagu shiday
34. Dabuub lagu tilmaamiyo
35. Debnihiisa kama maqal
36. Aan dubaasho heestoo
37. Darmaantayda heensaha
38. Daganaan saaree
39. Deegaanta laacdiyo
40. Dhulka habeenki doogsaday
41. Damal iyo hadh galabeed
42. Dooryaale dhaqankii
43. Dùdàdiisu noolayd
44. Ganay baw dalxiisoo
45. Arar lagu daleeyiyo
46. Duufaan ka mariyee
47. Isna doorarkiisii
48. Tolow daraygan quustiyo
49. Beelahan dayoobee
50. Dabaqyada dhunkaashaa
51. Illaa daa’in abidkood
52. Ka durduuranaayee
53. Dirqigiyo waxyeellada
54. Dummaddooda lagu qoray
55. Dibudhaca ka baajiyee
56. Waxa uu dareeyee
57. Uga daahay waa maxay ?
58. Deexashada tusaalaha
59. Waxaan uga danleeyahay
60. Deeqdii aftahankiyo
61. Derajada abwaanimo
62. Sidaan la isu deeqsiin
63. Danniguna u badan yahay
64. Sagallada darrooriyo
65. Markay dayda curatee ???
66. Daran iyo ugbaad baxo
67. Duunyada la maaliyo
68. Ninka dalawadiisii
69. Daaqsinkeedu ka enggagey
70. Ama aan doc mooyee
71. Degmadiisu weligii
72. Deegaan u gaariyo
73. Dudo lagu caweeyiyo
74. Dooyaysan keligeed
75. Dacar iyo xanuun iyo
76. Duray baa shidaayoo
77. Doog baa ku raagtaye
78. Dawo lagu bogsiiyiyo
79. Haddaan daryeel jiran
80. Daaraanta lagu dhayo
81. Deelqaafka hadalkiyo
82. Digashada iska ogow
83. Dayrana ha sii badin
84. Duulduulka hadalkiyo
85. Markaan la isku duurxulin
86. Ama darin la maakumin
87. Waxa lagu dirsoocoo
88. Daldalaadda quudhsiga
89. Dacwad looga dhigayaa
90. Dooryaanle iyo beri
91. Abaar lagu dayooboo
92. Duufaanna sarakacay
93. Bakhti bay dubteenooy
94. Daamankooda geliyeen
95. Dooddaa layaabka leh
96. Dalbaheeda hoosiyo
97. Duudkaad ka garataa
98. Inay daanno tuugiyo
99. Dambbi iyo xasarad tahay
100. Iyo been la degashaday
101. Waxa dhigay dirsoocoo
102. Dabar iyo nac loo sudhay
103. Daacaddii farshaxankiyo
104. Dedaalkiyo aqoontiyo
105. Birtaa daabka haysiyo
106. Dawo geed ku taaliyo
107. Deebaaq fallaadh iyo
108. Dusha maas ka xidhanoo
109. Duhur lagu boqooliyo
110. Haamo reer doojiyo
111. Nin dushaada kala guray
112. Dulinkiyo basaastiyo
113. Ka idleeyay diiftii
114. Daryeel lagu negaadiyo
115. Dahab buuba keenaye
116. Ma wax lagu dullaystaa ?
117. Debediyo shisheeyaha
118. Dal aan cidiba gaadhayn
119. Haddii gaal ka soo dego
120. Dumar loo aroosiyo
121. Derajaa la siiyaa
122. Daruuraha hillaaciyo
123. Ninkan doogga kula yaal
124. Deris iyo qaraabiyo
125. Dalka aad wadaagtaan
126. Diintana Ilaamka ah
127. Hablihiisa diib ka leh
128. Maxaa looga didayaa
129. Dulucdiyo ujeeddada
130. Maxaa duni barwaaqiyo
131. Nimco laga durduurtiyo
132. Dawlad iyo wanaag iyo
133. Nabad lagu dakeeyiyo
134. Degenaan la hayshaa
135. Duudsiga waxyeellada
136. Iyo doogta mililka leh
137. Sowtan la iska dagashaday
138. Ama duul la saanyaday
139. Dembbi iyo xumaan iyo
140. Dad wuxuuna geyi karin
141. Daabacooda lagu qoray
142. Daalaadhacoodiyo
143. Digashada xanuunka leh
144. Ayax mar uu ka diiroo
145. Duuggeeda halacsaday¸
146. Dayibow wuxuu yidhi
147. Dumar baa la mehershaa
148. Nin waxa uuna doonayn
149. Ka dagaallamaan ahay
150. Dabasocodka godobtiyo
151. Doc kaleeto sheekada
152. Gaylan wuxuu ku sii daray
153. In dirsoocu ba’an yahay
154. Dulqaadkana gabaabsiyay
155. Dooddaa layaabka leh
156. Anu waan ku diirsaday
157. Dawna way u leeyihiin
158. Duulddulka jahannama
159. Iyo dabaqa naareed
160. Iyo doolka gubashada
161. Haddaan daafad loo hayn
162. Darbi kaa ceshaa jirin
163. Damaciyo aftaagiyo
164. Doqonniino hadalkiyo
165. Digdigtaada beenta ah
166. Ajow waad ku daashoo
167. Dayn baad ka qaadaye
168. Dambbabeeradadiyo
169. Dib u eeg tudhaalaha
170. Dulmigana ha saacidin
171. Idinkuna daliilkiyo
172. Darajada Ilaahay
173. Daacaddiisa mooyee
174. Deelqaaf ha mudanina
175. Daliilkii Rasuulkiyo
176. Samirkana ha daynina
177. Allahayow shar darariyo
178. Balo doogga aragtiyo
179. Dumbukhiyo rasaastiyo
180. Dhiig bilaash u daatiyo
181. Didmo cadow ha nagu ridin
182. Dunjigiyo qabiilkaa
183. Dubbayaasha lala dhacay
184. Dallaallimo hadhaysiyo
185. Diintiyo xaqsoorkiyo
186. Dariiqyada hanuunkaa
187. Raxmadaddada ugu deeq
188. Bulshadana mid dabacdoo
189. Daadahaysa sanahoo
190. Durkintiyo fogayntiyo
191. Kala dookha neceboo
192. Damiirkeedu wacan yahay
193. Daayimow na solansii [AMIIN ILAAHOW ]
Ilaahow markhaati baan ka ahay inuu Yuusuf godobtaas ka galiilyooday oo uu ka gibilmadoobaaday !
Mahadsanid.
Mnja Allah
Hdii aad tahay qof caqli u saaxiiba oo qabyaalada kafaana halkan like saar
Masha Allaah Abwaan Yusuf Shaacir ajri iyo xasanad Rabbi ha kaa siiyo mansadaa qalbiga dhaqaajisay we xaqa ah 😰😥🤲
Anoo ah nin habar Yoonis ah waxaan diyaar uahay inaan guursado gabadh madhibaana iigusoo duceeya
Meesha ugu xun ee dadkaa lagu dhibaateeyo ee cunsuriyadu taal waa hargaysa
Manshaalaah alee haku barakeeyo waxan rajeynaya qaryado in ay fahman wayo sii fiican bad u tirisay ilahay haa
Naga dolqaado dulmiga nalagu hayo
Yusuf shacir jasaakallahu kheyr akhii filaah rahmatulaahi caleykum kalaam saxeex ninka nin muslima takhooray walee axkamal xaakimiinka waa loo noqon warna aakhiruu yaalaa iyo kala sooc dhaba allow noo naxariiso oo janadul fardousal aclaa nagee aniga iyo umada muslimiinta ah oo dhan allaahuma amiiin yaa malikal mulki
maash Allah walaala Barack Allah feek
Yuusuf cismaan law yusf shacir
Waa hiil runtii lkn dhinac kale waa wiirsi ama tiiq tiiqsi lagula kacayo mar kale dadkaa jiritaankooda la necebyahay waayo yuusuf shaacir markuu ka guursado reerka ayuunbuu u hiilaliyay aniga aragtidayda .
Maansha allah ilaahay hakaa abaalmariyo Abwaan yusuf shaacir dedaalkaaga
Ilahay hkaa jasaai mariyo yuusuf shaacir
DIINTA ISLAAMKA WAN UU DHIMAN SE MAYA QABYAALAD
anigu shakhsiyan dadkan waxa sidan lagaga badali karo waxaan u arkaa hal mid oo ah in dadka somaliyeed ee hantida leh ay bilaabaan oo la isu guuriyo ugu yaraan 3 ilaa 4 kun oo dhalinyaro qabiilada kale iyo reerkan aroosyo wadareedna haloodhigo arintaana maalqabeenada iyo maamuladu habilaabeen reer walba sadanadiisa iyo dadka magaca kudhexleh halaga bilaabo inay kaguursadaan hadii aroos wadareedkaas lasameeyo waxbaa is badali lahaa
sheekh Allow dadkaasi dhibaatadani haysto, waran ku taagnaa uunbaad ku sii dhaq dhaqaajinaysaaye waxba uma tarasid,
qadiyada tan istaratajiyada wax lagaga qaban karaa, sadex umuurood ayay u bahantahay, mid kamid ah ayaan wax ka tilmaami, iskuma jiraane
inta Somaliland dagan oo akliya ayaan ka hadlayaa
1. waxay u baahanyihiin in la aqoonsado, oo uu aqoonsogooda ugu horeeyo axmed siilanyo uu ku dhawaaqo inay la simanyihiin xaq iyo xuquuq iyo
dhinac kastaba beeshiisa, sida ay somaliland aqoonsiga u raadinayso ha loogu raadiyo beeshan aqoonsi somaliland gudeheega ka imanaya
labada arimood ee kale halkan kuma soo bandhigmi karayaan..........
@Yusuf said jama
markaad habar jeclo aragto uun soo gariir at least abwaanada habar jeclo wax bay ka dhaheen dulmige adiga iyo reerkaagu maxaad ka tidhaahdeen
Amba ka guurso shaciro amba iska amu nio
Qanjeelu hadraawiba ka tiriyee
Marki hadraaawi ay ku yidhaahden beeshi gabooye gabay waxba ma tare naga guurso
Waki ka gaabsaday
Ishoodiba ku dhacday malaha waka goblanke an waxba dhaline
Inkastoo hadana alleh deeqda bixiyo
Yuusuf shaacir
Like Saar wll
Masha Allah
sxboow dadkaad u dawooneysid ee abwaanka ku sheegaysid soow kuwii ma aha diiday inay maryam musal school ku magacaawda oo diiday warkuwaas qeyr ma lehe ha ku habsaamin sxb
Barakallah Abwaan.
Yusuf shacir maguursaday tolow?
tigaadi iyadaa hilaacdee iyaga uunbaa kor isu qaadi kara ama hoos isu dhigi kara waakuwaa jumeykan iyo waxkastoon lagaraneyba laguursadey l
Yuusuf Shaacir af kaaga caano lagu qabay!
somaaliyey: diinta iyo cilmiga ayaa inagu yar oo qabiilka sii-xun banu uu isticmaalan ee waa ineynu maskaxda ka tir-tiro sida aanu ugu dhaqmayno. DUGSI MALE QABYAALADI WAXAY DUMISO MOOYAANE! NAXARIIS JANO RABI HA SIIYO,MARXUUN TIMA CADE! AMIIN
Wada, anaguna waanu idinla wadeynaye
I'm, sorry walhi waa runtii dir usooca wax wacan maahan soomaalidana dulmigey saacidaan midgaan wax jira maahan kitaabkana ku mayaal midgaan wax ladhaho waa waxaan jirin oy soomaali sameysay langaab waa gaal ninkii janagalaa nasab Ah
scw
MAXAA D ugu ducaynaysaan ma hadal baa wax taraya ficil baa loo baahan yahee qoladan hj ma waxbay ku cunaan
dadkan la haybsooco gabay muxuu tarayaa hadraawaa dhugariir ka tiriyey adeer yusufow ka guurso hadii aad runsheegayso ama inamadaada iyo cidina ku dhiiri hablo qurux badana waa lee yihiin inta ajigu lee yahayna waa lee yihiin oo waa dad ilaahay abuurtay maalin walba meel baa la soo fadhiisanayaa la qurxiyey oo hadal uun laga shubayo ilaa maalintii aan dhashay sidaas baa loga hadlaayey waxba gabaygaaguna tarimaayo raali ahow ilaahay baa yiri qoomna ilaahay ma duleyo ilaa iyagu is duleeyaan iyagaa halkaas is dhigay waa inay ka baxaan ajigan u hadlaya ee aan calooshoodi saxda ahayn waa inay iyagu qadiyadooda u kacaan wali ma arag jaaliyad gabooye ah oo caawinaya dadkoodaa ama waqooyi ha joogaan ama koonfur xaafdo dhan bay lee yihiin somaliland codkoodana waa muujin karaan hadraawina waxba tarimaayo hal abuurna waxba tari maayo iyo shiikh hadaan daacad laga ahayn hadii hadraawi ka guursado ama adi waa la odhan karaa hadraawiba waa ka qabaa iyo shiikh hebel markaas iska daaya sxbayaal wa bilaahi tawfiiq ALLA MAXAAD WAX ISKA TIDHI
Yusuf said jama salim
Yusuf said jama in laga hadlo miyaad ka xumaatay sxb dulmigaa
Anigu fikirkaaga sax ayaan u arkaa waayo gabay ama hadal waxa ka mihiimsan ficilka shiikh bashiir ayaa la idhi wadaado kale ayu ku idhi bilaalaha quranka ku jabiya way ku akhriyeen waanu jabi waayay isagi ayaa intu bisinka ku akhriyay ayuu budhna ku dhuftay oo idhi hadaan ficil wax lagu Darin ma qabsomo marka anigu waxan leeyahay wadadka diinta iii sheegayo ee igu leh Kuma qorna kitaabka in aan gabooye laga guursan Hadi aanay ku qornayn maxaad ku diiday in aad u hor seedo khayrka iyo wanaaga iyo ku dayashada wacan arintani waxaabay qusaysa culimada diinta famaaya ee xaqa iyo baadilkab arkaaya ilaahay ka baqa ayaan anigu leeyahay waayo dulinkay arkaan af Somali uma baahna ee ficil ayu u baahan yahay reer kasta suldaan iyo caaqil iyo wadaad iyo siyaasi iyo mid maal qabeena way leeyihiin waana inta dulmigan arkaysa Kuna fadhida waayo waxay ugu fadhiyaan waa lagu dayan lahaa Hadi ay ficil keenaan oo iyagu guurka bilaaban marka aynu runta isu sheegno ajiyow hadal hamo ma buuxsho ee ficil ayaa loo baahan yahay
Very powerful