Це відео не доступне.
Перепрошуємо.

Diyaarada iyo Markabka ugu weyn ilaa baabuurka ugu dheer | Tobanka (10) gaadiid ee ugu weyn adduunka

Поділитися
Вставка
  • Опубліковано 19 лис 2022
  • - Hordhac
    Laga bilaabo diyaaradii iyo markabkii ugu weynaa adduunka ilaa iyo baabuurka lamousiinigii ee ugu dheeraa.
    Waxaan idin haynaa Tobanka (10) gaadiid ee ugu weyn gabi ahaan caalamka.
    10. | Dodge Power Wagon |
    Sheekh Xamad bin Xamdaan waa xubin ka mid ah qoyska boqortooyada ee abuu dhabi, Sidoo kalena wuxuu ka mid yahay raga ugu taajirsan caalamka.
    wuxuu isticmaalay qayb ka mid ah lacagihiisa si uu ugu soo iibsado kooxdiisa gawaarida ee aadka u qaaliga ah.
    waxaana ka mid ah gawaaridaas, gaariga ugu weyn caalamka, waana gaariga aadka u weyn ee Dodge Power Wagon ee 1950.
    9. | Panzer VIII Maus |
    Waa mid ka mid ah Taangiyada jarmalka ee uu adeegsaday dagaalkii labaad ee aduunka.
    Waxaana sameeyay Ferdinand Porsche oo laga yaabo inaad ku garanays shirkadiisa baabuurta cayaaraha sameeysa.
    Dhirirka taangigaan wuxuu gaaraa, 10 m, halka balaciisu uu yahay 3.5 m, culeyskiisana wuxuu gaaraa, 207 tan.
    8. | Nasa-crawlar-Transporter |
    lixdameeyadii, waxay sameysay wakaalada NASA gaari aad u weyn oo lagu qaado labada dayaxgacmeed ee Saturn 1B iyo Saturn 5.
    In Laga soo qaado halka dayaxgacmeedka la farsameeyo uu yaalo ilaa la geeyo halka hawada sare loogu diri lahaa, ayee aheed in loo baahdo soo saarista gaarigaan.
    7. | BelAZ 75710 |
    Inta badan wuxuu iska rogayaashaan noqdaa baabuur aad u weyn.
    balse marka la eego dhanka macaadinta, wuxuu gaaraa weynankooda qiyaasooyin kale duwan. Taasna waxaa tusaale kugu filan,
    gaarigaan xammuulka ee BelAZ 75,710
    Waana gaariga xammuul ee ugu weyn caalamka.
    6. | Bagger 288 |
    Makiinadaan waxaa loo isticmaalaa dhanka macaadinta.
    Waxaana sameysay shirkada ThyssenKrupp sanadii 1978-kii.
    Ayadoona loo sameeyay shirkada
    RWE ee ka shaqeysa tamarta iyo macaadinta.
    Waxayna maalintii ay soo saari kartaa 240,000 m³ oo walxo ah.
    Waana mid ka mid ah mashiinada ugu culus ee socdo ee uu bani'aadamku sameeyay.
    5. | Gaariga ugu dheer Caalamka |
    Sidoo kale limousinigaan waxaa loo yaqaanaa, The American Dream.
    Jay Orbaerg oo ah nin xariif ku ah sameenta gaawaarida gaarka ayaa u sameeyey mid ka mid ah asxaabtiisa gaarigaan.
    Kaasi oo lagu diiwaangeliyey si rasmi ah sanadii 1999-kii buuga dhacdooyin layaabka leh lagu qore ee guinness world records.
    Asigoona lagu tilmaamey gaariga ugu dheer caalamka.
    Gaarigaan dhirirkiisu waa 30.5 mitir.
    4. | Terex RH400 |
    waxaa la sameeyay cagafcagaftaan sanadii 1997-kii.
    Ayadoona ay sameeysay shirkada Terex, waxaana la wareegtay sanadii 2010-kii cagafcagaftaan shirkada Boucyrus, ugu dambeyntiina, cagaftaan iyo shirkadaasba waxaa iibsatay 2011 shirkada caterpillar.
    Terex RH400 waxa ay aheed xili cagafcagaftii hydrolic ee ugu weyn adduunka, inta aysan soo bixin Cat 6,090 FS.
    3. | MS Tûranor |
    Sidoo kale waxaa loo yaqaana magaca Meeraha qorroxda.
    Waa markabka ugu weyn ee caalamka ee ku shaqeeya tamarta qorroxda.
    Dhirirka markabkaan wuxuu gaaraa 31 m, waxaana ku dadan dushiisa sare 530 m², oo ah looxa ileyska qorroxda looga dhaliyo tamarta.
    Sanadkii 2012 ayuu noqday markabkii ugu horeeyay ee ku shaqeeya tamarta qorroxda, kaasi oo socdaal ku sameeyey caalamka.
    2. | Seawise Giant |
    Seawise Giant, Happy Giant, yara Viking, Knock Nevis, oppama, iyo Mont , waa dhammaan magacyadii ay ula baxeen hadba shirkadihii iyo shaqsiyaadka markabkaan gacanta ku hayay.
    Waxaan la sameeyay sanadii 1979-kii ayadoona ay sameysay shirkada reer Japan ee Sumitomo, taasi oo ah mid ka shaqeysa sameenta waxyaalaha aadka u culus.
    Waxaa lagu tirinayey xilli markabkii kii ugu weynaa ee abid uu sameeyo bani'aadamka.
    Inkastoo uu wayay magacaas, haddana wali kama suulin inuu xambaarsan yahay magaca markabkii ugu horreeyay ee ugu dheeraa ee la sameeyay adduunka.
    Dhirirkiisu waxa uu ahaa 458 m.
    1. | ANTANOV AN-225 Mriya |
    Sidoo kale waxaa loo yaqaanaa Mriya waa diyaarad xammuul oo istraatiijig ah oo uu hore u sameeyay Midowgii Soofiyeetka.
    • Dhirirkeedu waa 84 m.
    • Balaca garbaheedu waa 88.4 m.
    • Dhirirka joogeedu waa 18.1 m.
    • Tirida matoorada ku rakiban waa 6 matoor.
    • Dhammaan taayarada ka caawiya degista diyaaradaan waa 32 taayar.
    • Culeyska diyaaradaan ayada oo maran, wuxuu gaaraa 285 tan.
    • Awooda xammuulka ay qaadi karto waa 250 tan.
    • Xawaaraha ugu sarreeye, oo ay jari karto waa 850 km/s.
    Waxay sameysay safarkeedii duulimaad ee ugu horeeyey sanadii 1988-kii.
    ayadoona la siiyay diiyaradaan Antanov 225 diiwaangelinta qaadidad xamuulkii ugu cuslaa ee hawada la mariyo.
    Markii ay qaaday sanadii 2009 hal safar oo kaliya culeys xamuul dhan 189,980 kg.
    Balse nasiib xumo, intii uu socday duulaankii Ruushka ku qaaday dalka Yukreyn ayee ku burburtay diyaaradan sannada 2022-da, garoonkii ay ku qarsaneed ee Hostomel Airport ee ku yaala nawaaxiga magaalada Kiev.
    - Dhammaad
    Ugu dambeyntiina daawade dhammaan gaadiidyadii aad ku aragtay warbixinta, haddaba waakee kan aad ka heshay, adi ahaantaa.
    Noogu reeb aragtidaada qaybta faalada.
    #diyaarad #markab #baabuur #cagafcagaf #caalam
    Subscribe | / @caalam

КОМЕНТАРІ • 8

  • @MaxamedCase-ou6dh
    @MaxamedCase-ou6dh Рік тому +1

    Masha allaah intamuuqaal eeaadnosobandhigtayba wayna cajabgaliyeen ooanu kamafsuudnay

  • @PinaBinianimals
    @PinaBinianimals 6 місяців тому +2

    Goormee soomaalidu caqyeelentoontaa oo isgarabsan doontaa waxaan aaminsanahay hadii xitaa 20qof oo BHD engineering ah qol lag usooxero oo ladhaho gaari sameeya waarabtaan waan idinkeeneynaa hadaad sameen weydaan na meeshaan aad kujireesiin walahaahi way sameen lahaayeen

  • @Xirsishow
    @Xirsishow Рік тому +3

    Lixaad faras waamxg zxb

    • @caalam
      @caalam  Рік тому +2

      Waa halbeeg lagu cabiro awooda matoorada.

  • @saynabdayib9989
    @saynabdayib9989 Рік тому

    Diyaarada

  • @user-bf5rd6zd7h
    @user-bf5rd6zd7h 6 місяців тому

    Miria

  • @salanabdi3812
    @salanabdi3812 Рік тому +1

    111

  • @mahadabduqadir9903
    @mahadabduqadir9903 Рік тому

    Thanks for the email and the email regarding the new contract for the post of the contract