Maxamed Sulaymaan Tubeec (Amaanada ilaahay) With Lyrics

Поділитися
Вставка
  • Опубліковано 26 жов 2024

КОМЕНТАРІ • 15

  • @MohamadAli-tc3kx
    @MohamadAli-tc3kx 17 днів тому

    Ilaahay ha u naxariisto dhamaan dhamaantood

  • @axmedgorod3795
    @axmedgorod3795 2 місяці тому

    Haddii la I oran lahaa fanka oo dhan heestee ugu jeceshahay wallaahi waxa aan oran lahaa Ammaanada Ilaahay.

  • @BintMohamed-q5c
    @BintMohamed-q5c Рік тому +3

    Awoowgey Xusen Aw Farah Alle Ha U Naxariisto Isaga Iyo Maxamed Saleban Cabdillahi Qarshe

  • @SuugaanDhaadhiSuugaanDhaadhi
    @SuugaanDhaadhiSuugaanDhaadhi 7 місяців тому +2

    Waa hees kamida heesaha aan ugu jeclahay Fankii hore ee Tayada lahaa, HEESTA (AMAANO) , Heesta Sheekadeeda ama qisadedu waxa ay ka timi Abwaanka sameeyay heesta oo la odhan jiray Xuseen aw faarax dubbad laguna naanaysi jiray (Jumbukhtaani) oo uu kula baxay Mar uu dhigayay riwaayad uu isagu lahaa oo la odhan jiray "CANTAR IYO CEEBLA" ayuu ku matalayay Boqor la yiraahdo jumbukhtaani .kasoo gudub Heestan waxa uu u sameeyay Xaaskiisa uu dunida waxa gayaan jooga uu ujeclaa oo la odhan jiray Faadumo amaano Oo aanan hadda Geerideeda maqal balse la iisheegay waayadii udanbeeyay inay xanuusanayd, Mooyi halka ay Kunooshahaye!
    Heestan qofka jaceylka xadkiisa dhaafay uu ku taagsaday, dhabna uu ka yahay Qurux oo dhan oo meel la isugu keenay Ayuu Cabirayaa Xuseen, Tan labaad ee kasii daran wuxuu udhiibay Boqorkii Codka (Ahun Maxamed saleebaan tubeec) oo si heersare ah oo aan wax loo dhigaa jirin u qaadaya, Tan saddexaadna waa Muusiga kala gedisan ee Dhegihii maqlaa Aanay cabiri karayn oo ay Tumayaan Muusigaystayaashii soomaaliyeed ee La hollin waayay Malaha kuwa tumayaa maba noola waqtigan!.
    Waa Mid kamida heesaha aan u adeegsado kashayda iyo kasha qofka aan jaceyl wadaaga nahay,
    AHN Xuseen aw faarax waxa uu leeyahay qaar kamida heesaha aan ugu jeclahay Waxana ka mid ah Heestaa sida Dhirta Xididka hoosaa, Sidoo kele heesta kale ee tidhaahda, Webiyo isu ooman , iyo sidoo kale Geesiga dhulkiisaa, Caashaqii ku dhega Tira, Soomaali dhoylaay, Qoloba calankeedu waa cayn. iyo kuwo kale oo badan xuseen aw faarax dubbad wuxuu ahaa Abwaan mawjad ah, aadna u mawhibo badan oo curin sare leh heesaha abwaanku dhammaantood waa heeso aan qofkii Mar maqlaa aanu ka xiiso goyneyn.
    Erayada heesta Ab Husein Awfaarax
    Laxanka iyo Luuqdaba waxa ku Ladhay
    Albanian Mohamed Suleiman Tubeec.
    Taariikhda heesta la qabtay waa 1964.
    Rabbi ha janeeyo Abwaanka waa Xuseen Aw faaraxe iyo Alf Mohamed S. Tubeecba.
    QORAALKA HEESTA (LYRICS)
    Ma ogtahay adduunyada
    Axad baa la taagoo
    Adigana isniin buu
    Jacayl kuguu ilkaystee
    Arbacaa sidaadii
    Anna laygu beeree
    Waxaad igu abuurtaan
    La adkeysan waayee
    Ammanaada illaaheey
    Noqo kumaan ilaawine
    Aamiin allahayoow
    Waa ammaanadaadee
    Ma ogtahay ayaantii
    Ilmadu kaa da’eysee
    Indhahaada qoysaa
    Inanyahay xasuustoo
    Uurka aan ka ooyoo
    Waan ka ashahaatee
    Waxaad igu abuurtaan
    La adkeysan waayeee
    Ammanaada illaaheey
    Noqo kumaan ilaawine
    Aamiin allahayoow
    Waa ammaanadaadee
    Ma ogatahay afkaygii
    Inuu aamus diidoo
    Aayadaha quraan iyo
    Aamaantaada mooyee
    Arrin kale inuu fulo
    Ogolaani waayaa
    Waxaad igu abuurtaa
    La adkeysan waayee
    Amaanada illaaheey
    Noqo kumaan ilaawine
    Aamiin allahayoow
    Waa ammaanadaadee
    Ma ogtahay sidii aqal
    Magaaloo aroos iyo
    Iid loogu talagalay
    Ama ubaxa deyreed
    Waad ii udgoontoo
    Iimaanka deeqdee
    Waxaad igu abuurtaan
    La adkeysan waayee
    Ammaanda illaaheey
    Noqo kumaan ilaawine
    Aamiin allahayoow
    Waa ammaanadaadee
    Ma ogtahay sidii roob
    Onkod iyo hilaac badan
    Oo arooryadii da’ay
    Ama oogta waabari
    Eedaankaa subaxdii
    Waad ii iftiintaa
    Waxaad igu abuurtaan
    La adkeysan waayeee
    Ammaanda illaaheey
    Noqqo kumaan ilaawine
    Aamiin allaahayow
    Waa ammaanadaadee
    Ma ogtahay amaah maqan
    Xaquu kaama oowdee
    Ruuxii ku aaminay
    Haddaan loo abaal gudin
    Aakhiro Aboor cunay
    Ka ilaali maysidee
    Waxaad igu abuurtaan
    La adkeysan waayee
    Ammaanaada illaaheey
    Noqo kumaan ilaawine
    Aamiin allahayow
    Waa ammaanadaadee

  • @maxamedcali5572
    @maxamedcali5572 5 місяців тому +1

    Shukran waa heestii amanada oo dhamaystiran sxb UA-cam ka hore ugumay jirin iyadoo dhamaystirani waad mahadsantahay

  • @Garaad1000
    @Garaad1000  Рік тому +1

    🥰🥰🥰

  • @maxameddeeq2426
    @maxameddeeq2426 Рік тому

    Laxanka qarshe maahan

  • @HAN-IRMAAN_CHANNEL
    @HAN-IRMAAN_CHANNEL Рік тому +1

    Qisada heesta amaanada ilaahay Maxamed saleebaan Tubeec ua-cam.com/video/CoW1X0bmwPA/v-deo.html