Geesiga Dhulkiisa lyrics | | Tubeec Iyo Hiba Nuura

Поділитися
Вставка
  • Опубліковано 7 гру 2019
  • Maxaa ka taqaanaa Taariikh nonoleedka fanaanada weyn ee Hibo-Nuura?
    Bilawgii kontankii ayay ku dhalatay Dila oo ka tirsan gobolka Awdal. Magaalada Boorama ayay timid iyadoo da’deedu yar tahay. Halkaas bay waxbarashada malcaamadda iyo dugsiga hoose dhexe ba ku qaadatay.
    Hargeysa ayay judhiiba timid fankana ka bilowday. Firfircooni iyo fahan wanaag ayay fanka la soo gashay. Markii ba Maxamed Cumar Huryo AUN ayaa heesteedii koobaad u dhiibey. Laxankana waxaa ugu ladhay Maxamed Cige oo loo garan ogaa ‘ILBIR’. Waa ta iyaduna codkii ku biirisey iyadoo leh:
    “Naf jacayl haleelay
    Hawl waayi maysee….”!
    Waxay ku noqotay heestaas fannaanad la aqoonsaday. Iyadoo heestaas oo qudha leh; ayaa Axmed Saleebaan Bidde isna hees kale u dhiibey. Heestaa markii hore wuxuu rabay abwaanku inuu Shamis Abokor oo ku magac dheerayd (Guduudo Carwo ) u dhiibo AUN. Waayo, heesta ayaa dareen gooni ah abwaanka u lahayd. Cid ka soo bixi karta oo si fiican loo yaqaan ayuu la rabay. Se Guduudo Carwo iyo Baxsan ayaa ka cudurdaartay kana codsaday abwaanka inuu u dhiibo inanta; si ay ugu soo baxdo. Isaga oo ka werwersan iney sidii loo baahnaa u qaadi karto; ayuu u dhiibey heestii. Waa ka soo dhalaashay tijaabadii xaqiiqdii. Waxay noqotey heestii loogu jeclaa wakhtigaas. Illaa haddana ma duugoobin oo waa sideedii. Laxanka waxaa u sameeyay Ismaaciil Yare AUN. Iyaduna cod dananaaya oo diiqadda kaa saaraaya ayay ku sidigtay; ereyo laab wax jecel ka soo go’ay.
    Waxayna tidhi;
    “…Waadigan se liitee,
    Leexdu ku sidatee
    Hadba laan cuksanayee..”!
    Qoftaas wada garate ayaan filayaa. Waa fannaanadii keligeed waddaniga ahayd. Waa Hibo Maxamed Huddoon oo wakhti danbe uu weriye Cawke AUN u gu biiriyey magaceedii Hibo, naannaysta ah; “Nuura.”‘!
    Intaas kadib riwayaddii Shabeel Naagood ayay aktarad ka noqotey oo waxaa loo bixiyey;” Xiddigtii Shabeel Naagood”! Xaggaas ayay ka sii wadday uun badweyn faneed oo illaa wakhti dhawaa taxnaa.
    Waxyaalaha aan ku xasuusanno waxaa ka mid ah; dagaalkii 1977-kii codkeeda ayaa ciidanka iyo shacbiguba ku dagaal galay. Iyada iyo Tubeec ayaa wehel u ahaa. Waa kuwii lahaa iyagoo darrandoorrinaaya:
    “Geesiga dhulkiisa
    Guusha u horseeda
    Geeridii dishaa
    Geedkaa ha ba’o…”!
    Riwaayado badan ayay ka qayb qaadatay. Heeso badan ayay codkeeda noogu soo gudbisey. Heesaha, kuwa waddaniga ah iyo kuwa jacaylka ah ayay ku badnayd.
    Riwaayadahana xagga dhaqanka, hiddaha iyo asluub wanaagga ayay u janjeedhay mar walba. Qabiilku lamuu weynayne; qarannimada ayaa la weynayd Hibo. Illaa hadda waa sidaas. Meel sare ayay taagan tahay. Waxay taagan tahay; ‘Afrikaannimo’ kadib ‘Soomaalinnimo.’
    Xilligii dalku burburey, qof weliba waa kii meel u cararay. Xaggaas iyo qurbaha ayay qabatay iyadu. Dad badan ayay iska heleen oo Abwaan Singub ka mid yahay. Dalkoodii iyo qaaraddoodii ayay u boholyoobeen. Dabadeed intan ayay iska soo horreysiiyeen intii aaney innagu soo noqon oo aaney innoo iman. Waxay inna dhaheen:
    “..Afriki waa dhulkaygii
    Aan ku dhashay
    Afriki waa dhulkaygii
    Waan ku dhaqan
    Afriki waa dhulkaygii
    Waan ku dhiman
    Afriki waa dhulkaygii
    Waan ku dhaadanayaa…”!
    Kama gayoon karno xusuusihii faneed ee Hibo-Nuura. Se intani waxay iga tahay uun xusuusin kooban oo aan ku xasuustay sawirkan qurxoon oo aan ka helay Faysbuugga.
    Ilaahay cimiriga iyo caqligaba haw barakeeyo Hibo-Nuura. Bal adna?

КОМЕНТАРІ • 424

  • @CABDULAAHI_QARXIS
    @CABDULAAHI_QARXIS Рік тому +121

    Hadaad heestaan miraha macan Dib usoo booqatay Like dhac kusii 👍🇸🇴😢

  • @hamdisagal8177
    @hamdisagal8177 Рік тому +158

    Geesi dhulkiisa guusha u horseedaa geerida dishaay geedka ha ba.o😭😭😭 30.09.2022 maalin madow waxaa nagabaxay geesi halyey farxaan qaroole rabi jana fardowsa hageeyo 😭😭😭😭

  • @khaalidbihi85
    @khaalidbihi85 6 місяців тому +34

    Cawaa oo bishu tahay 4/1/2024 ayaan dhagaysanaya waxana buuqa bada somaliyeed ka tagan in ithiopia la siiyo insha allh taasi marna dhicimayso insha allah ay joogan dad somaliyeed oo dhiigle oo wadani ah guul iyo gobinimo somali meelay joogtaba insha allaah❤

    • @muneiraguzel7212
      @muneiraguzel7212 5 місяців тому +1

      Insha Allah Somalia guul 😢😢🇸🇴🇸🇴🇸🇴💕💕💕

    • @yaasmiincabdi
      @yaasmiincabdi 4 місяці тому

      Somaliya ha nolato

    • @Khaalidcade01
      @Khaalidcade01 2 місяці тому

      madaxeey 😂😂 badd simaliya leedahay e kenya barihiraa lagaso celiyay

    • @RobleBarre-xz6kt
      @RobleBarre-xz6kt 2 місяці тому

      Gobanimada waaloo go aa god aaqiriyo
      Iil loo galaaa
      Xattaa xilligii nabiga
      Markii rag dhigoda huren ayey gobanimo
      Timid

    • @muneiraguzel7212
      @muneiraguzel7212 2 місяці тому

      @@Khaalidcade01 🤣🤞

  • @queennasta2258
    @queennasta2258 Рік тому +36

    Geesi dhulkiisa guusha uhorseede geerida dishaay geedka ha ba'o 30/9/2022 Black day s/guuto farxaan qaroole 😭🤲ilahay janada kuwa kukulma Allaha hanaga yeelo 😭

  • @Youngmo_23
    @Youngmo_23 6 місяців тому +14

    2024 ayaa soo xasuustay hestan😢🇸🇴❤️

  • @ExploreEpoch-cl8eh
    @ExploreEpoch-cl8eh 4 місяці тому +9

    Maxamed Siyaad Barre Alle ha unaxariisto xabashi iyo kiinyaati nama haweysan jirin.

  • @karasay__01
    @karasay__01 Рік тому +24

    Alle haku naxriisto General farxan Mohamud adan qoroole 😭🤲🏾

  • @shakirciise4710
    @shakirciise4710 6 місяців тому +7

    Watching this 2024 after Ethiopia 🇪🇹 want to annex our water😢😤😡

  • @user-yb9pp1pp3m
    @user-yb9pp1pp3m 5 місяців тому +35

    Who is watching in 2024

  • @armaankhadar7091
    @armaankhadar7091 2 роки тому +75

    somali inan ka dhashay ayaa hanti igu filan wlhi 🇸🇴🇸🇴❤

    • @mohamettdalnurshe1189
      @mohamettdalnurshe1189 Рік тому +4

      Taasoo oo mesha aad tagtaba lagugu sharfayo oo lagaga baydhayo maxad odhan lahayd. Weliba kuukuyada gufuur culusta kenya iyo xabashida itoobiya.
      Somaali is raacday maraykan xataa way ka awood waynaan lahayd. Ilahow qalbigooda midee.

    • @maxameddacar5435
      @maxameddacar5435 Рік тому

      @@mohamettdalnurshe1189 waa sidaas wll

    • @ilwaadAbdurashiid4631
      @ilwaadAbdurashiid4631 Рік тому +1

      @@mohamettdalnurshe1189 Aaamiin soomali Allah 1haka dhigo

    • @abdinoor2023
      @abdinoor2023 Рік тому

      hal iyo awr kaad doonto allah ha kaa dhigo

  • @Fadahaabdi112
    @Fadahaabdi112 Рік тому +30

    Geesiga dhulkiisa guusha u horseede geerida dhishaay geedka ha ba,o
    Wlhi geesi Qaran ayaa maanta naga baxay😭😭😭😭😭
    30/9/2022 maalin murug iyo xanuun badan
    G,farxaan qaroole Rabbi naxariista jano ha siiyo siiiiyo🤲🤲🤲🤲🤲😰

    • @AR-cx5yf
      @AR-cx5yf Рік тому

      Alia xurmo@ kkk DADKIISA AYAA LOO ADEEGSAN JIRAY INUU DILO SORRY TO SAY THAT ITS TRUE

    • @XuseenDaahir-ey3wq
      @XuseenDaahir-ey3wq 9 місяців тому

      Kumuu ahaa gorma ayuu tiyay 0:04

  • @aishaahmed2241
    @aishaahmed2241 Рік тому +24

    Farxaan qaroole allow naxariistaada uku deeq 30/9/2022 black day😰😭😥😭😭

    • @mawlidsmohamedhalale8485
      @mawlidsmohamedhalale8485 21 день тому

      Natiijooyinka laga dhaxlay weeye Hassan Sheikh dagaal lagaliyo ciidanka, wax natiija ahna aan laga gaarin saraakiishii xulka ahaydna kumadheen sida General Maxamud Farxan Qarole

  • @MohamedNoorcali
    @MohamedNoorcali 3 місяці тому +5

    Gesiga dhulkiisa guusha uhorseda gerida dishaay geedkaa haba'o
    Rabi naxriistii jano haka warabiyo general Farxaan qarole gashanle suulnuuge gashanle xasan tuure iyo dhamana gesiyadii xogga dalka ee naftoda uhuray dalka iyo dadkaba 🇸🇴😭😭🤲

    • @nopenope2364
      @nopenope2364 23 дні тому

      War heesta noo dhiga orodo heeso samaysta

  • @mustaffarax3481
    @mustaffarax3481 3 роки тому +28

    Xasus 1977 dadgna wadani laga dhaha Allah ha barageyo 🇸🇴🇸🇴🇸🇴🇸🇴🇸🇴☑️☑️☑️👌👌💯💯❤️❤️❤️❤️

    • @uleexyare6403
      @uleexyare6403 3 роки тому +3

      1969 baa laqaaday. Inqilaabikii waqtigiisa. Taarikhda bara intaadan iska hadlin

    • @uleexyare6403
      @uleexyare6403 3 роки тому

      K* isticmaal niyow. Dont modify the language

    • @ahmedissak9089
      @ahmedissak9089 2 роки тому +1

      Waxaa loo qaaday xukuumadii militariga ee kacaanka. Sanadkii 1969. Waxaana alifay AUN, abwaan Cabdi Maxamed Amin.

  • @abdullahimohamed2767
    @abdullahimohamed2767 4 місяці тому +5

    Ganshale Suulnuge general farhan qarole Ganshale Hassan tuure Ban so xasuusty Rabi ha u naxariisto dhamaantood

  • @JAMHAD10
    @JAMHAD10 2 роки тому +39

    Eaydii xuseen aw-faraax dubad halyeey🇸🇴
    Laxankii Maxmad suleban tubeec halyey🇸🇴
    Codadkii Tubeec iyo hiba nuura laba geesi
    "Xoreyntii soomaaai galbeed ONLF ama ogaaden soomaaliya🇸🇴 1977-kii
    Insha alaah dhulkeeena maan ilaawin maantayna waan liidanaa mooyee aan soo kacno Ethipia ha sii diyaar garodo❣️
    Ama geeri aakhiro ama guusha nololeed🇸🇴❣️

    • @qadaryare3338
      @qadaryare3338 2 роки тому +1

      12april waan jognaa

    • @khalidjiheeye3809
      @khalidjiheeye3809 2 роки тому +2

      Ilaahey ka baq Sangub ayaa lahaa

    • @JAMHAD10
      @JAMHAD10 2 роки тому +1

      @@khalidjiheeye3809 Walaal ku laabo oo soo baar anigu dubbad baan ku ogaaye!!

    • @abdisamadwarsame272
      @abdisamadwarsame272 2 роки тому +1

      Wll soo xaqiijiya ciddii lahayd
      Anigu waan baadhay oo weli baxdan
      Mahayo

    • @abdinoor2023
      @abdinoor2023 Рік тому +2

      xuseeen aw faarax dubbad ba sameeyey heesta muranka dhaafa
      tubeeec hibo iyo xuseen ba waa reer somaliland

  • @marrisaquenofficial9299
    @marrisaquenofficial9299 Рік тому +14

    😢😢😢 weli wxan xsusta gesigeeni farxaan qarole ilahey hku nxaristo wlal dabada adunya qaribnty 😢😢😢

  • @maxdar11
    @maxdar11 2 роки тому +32

    Maxaa heestan Hargaysa laga dhagaystay awoowgay ayaa iiga sheekeeyey waan ilmeeyaa markaan xasuusto sheekadii awoowo

    • @yoyo-tf7eh
      @yoyo-tf7eh 8 місяців тому

      Abwaanku waa kee sameeyay heestan

    • @caskaali4951
      @caskaali4951 5 місяців тому +1

      @@yoyo-tf7ehabwaan cabdi maxamed amin ba la dhaha wll

    • @MohamedBashirAhmed
      @MohamedBashirAhmed 4 місяці тому

      Husen awfarax dubad ​@@yoyo-tf7eh

  • @sakariye-cali
    @sakariye-cali Рік тому +6

    Faraxaan qaroole geesi naga baxay😢😢😢 Ax😢😢😢

  • @bureeqahamse9254
    @bureeqahamse9254 Рік тому +6

    Farxan qarolow rabii narta ka hay wll naxaistisana kugu deeq gesiga dhulkisa gusha u horsedyey gerida dishay gedka haa ba.o ilahow kuwi diley calamo iif iyo akhiiro ka mujiyi😢😢💔💔💔😢😢😢😢💔💔💔

  • @mohantakar4517
    @mohantakar4517 Рік тому +5

    Geesiga Dhulkisa Guusha U Horseedaa Geerida Dishaay Geedka Ha Ba'o
    Alle Ha U Naxariisto Walaalkeen Xasan Tuurre😭🤲

  • @Dhabarweyne
    @Dhabarweyne Рік тому +5

    Heestaan waxaan daawanaya xilli Shabaab gobolo badan laga qabsaday Sida Hiiraan, Shabeelada dhexe, Mudug haaf dhan waa xor waxaa mudnaantaas leh Madaxweyne HASSAN SHEIKH MOHAMUUD iyo ciidama xooga dalka uu horkacaayo Generaal Odawaa waxaa sidoo kale Kaalin weyn ka qaatay xoreynta goboladaas Ciidamada dib u xoreynta “Macawiislee” oo ayagana uu hogaaminaayo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan CALI JEYTE CUSMAAN.
    Inshaa aa allaah Muddo yar oo kooban kadib Shabaab waxay noqon doonaan Taariikh Laga sheeken doono Insha allaah. Wiilashi naga shahiiday inta dagaalka socday Allaah u naxariisto kuwii ku dhaawacmay na allaah noo caafiyo🤲🤲😢

  • @DALJOOG1
    @DALJOOG1 Рік тому +120

    Who is watching this song in 2023

  • @Abdifatah_Hussein_Garweyne_
    @Abdifatah_Hussein_Garweyne_ 2 роки тому +72

    War Ninkii waxaasoo laxan ah saaray ma Jamacada Fanku kasoo baxay waxaani Laxanka weyne 🙏

  • @sheekhmaxamadshaafi7563
    @sheekhmaxamadshaafi7563 Рік тому +27

    Heestan waxaan markiii iigu danabaysay dhagaysanaaa caawa waa hbeen sabtiya taariikhduna waa 21/1/2023 waxaan ku suganahay jigjga international hotel waxaan go aansaday inaan iska dhaafo heesaha wlhi heestana waa heesta kaliyeen ka helo marakaa caawa iyadaan ku khatimayaa
    Waxan rajaynayaa inaan katago gulaysta zxbyaal

    • @hassanomarali3249
      @hassanomarali3249 Рік тому +1

      Waxaan rajaynaa in aad isaga tagtay 3 bil kasoo wareegatay
      Sida jeceshahay Allah kuu yeelo

    • @shaacirproduction2116
      @shaacirproduction2116 Рік тому

      ​@@hassanomarali32497:32

    • @Abdisalanmohamoudahmedilkacase
      @Abdisalanmohamoudahmedilkacase 11 місяців тому +1

      Waxad jogtaa meeshii hestan logu talagalay dhulkii halganka❤

    • @AbshirMohamud-np9zt
      @AbshirMohamud-np9zt 7 місяців тому +2

      ​@@Abdisalanmohamoudahmedilkacasezxp waxan joga jigjiga waxan hestan dhagaysanya ano daremaya daciif nimo awawgay wuxu kushahiday dagalki 77 ana wxn diyar uahy inan udhinto dhulkayga 30 November 2023 qalbiga ayan idinka salamya

    • @muneiraguzel7212
      @muneiraguzel7212 5 місяців тому

      Ma iska dhaaftey hee😂😂

  • @shaacirproduction2116
    @shaacirproduction2116 Рік тому +3

    Geesiga dhulkiisa guusha horeeda
    Geerida dishaay geedka go 'o
    30.9.2022. Alle ha unaxariisto. TALIYE. FARXAAN MAXAMUD ADAN QAROOLE

  • @lulumohamed1735
    @lulumohamed1735 Рік тому +3

    Dadka farxaan qaroole ku haayo ma dadkii 77 itoobiya ladagalay ayaan somali aheen ama dadkii 2007 itoobiyankii dalka sogalay aniga waxaan sooxasuustay 2007 markii ee jidka warshadaha sooweerareen dadkii kubaaba ay meshaas 😢😢😢😢😢😢😢😢 1 qof ima damqinayo wlh gobanimada waxey ooysay markiii dalka itobiya qabsatay 2007 ma iloobidono intaa noolahay 😢😢😢😢😢

  • @jimaleahmed1444
    @jimaleahmed1444 Місяць тому +1

    Madxdiii Kacaanka Madexweyne Iyo sarkiil , Abwaan iyo Fanaan & shcba intiii Geeriyootey Eeebbbe Ha uraxmado Yaaa Rabi Jannooyinkga ku Nimcee
    Dalkana Allow Nabd noogu soo celi Yaa Rabi

  • @adnafarjmahad2371
    @adnafarjmahad2371 Рік тому +2

    Hees qiimo leh 18/6/2023 malin Axad ah 🇸🇴alla waadnkygow goorme ku arki dooona adooo quwad io ficil ad ku fanto leh ooo qabyald ka dabar go,do😭 ilaaahow wa ku baryee wadankygoo nabd ah oo qani ah anoo arkin hy dilin🤲 wadankygoooooow guuuulo badn inshaaa alah🥰 io hormar baladhan dhulkygooooooooooow🇸🇴 ❤🥰😭🤲💉

  • @ayubahmed531
    @ayubahmed531 Рік тому +2

    Aamiin yarabi intii eey naga dileyn galo iyo munafiqiinba yaa rabi adaa awoowd leh gacmaheyna ku sabab galada iyo shayadiinta cadawogaga ah iyo kuwa dalkoda iyo dintoda iibsaday aamin ya ilahi

  • @sharmakeali5248
    @sharmakeali5248 5 місяців тому +1

    2024 baan dhagaysan bi aan badayda xabashida iyo dadka soomaalida sheegta ee la socdo ugu difaaco dhulka bada somalia gorgortan geli maysee yaan lagu guban cirifka bari ee soomaaliya baa somaliyey idinka soo salaamaya maalin baa imaan doonto aan dowlad xoog badan leenahay inshallah ❤❤❤😢

  • @abdallayusuf2708
    @abdallayusuf2708 3 роки тому +37

    Geesiga Dhulkiisa Guusha U HorsedaA geerida dishaaY Geedka Ha ba'0😥😥

  • @wakeupreality145
    @wakeupreality145 4 місяці тому +2

    Dhulkeena waa in aan dhimanaa ama u diyaar garownaa Addoonsi

  • @Zaky_garad
    @Zaky_garad 10 місяців тому +4

    Bil kadib iyo guushii goojacade☝🐎❤

  • @hajjiqasseh2820
    @hajjiqasseh2820 Рік тому +7

    30.09.2022 Malin Madow allaH Ha u naxariisTo Tali Farxan qoriile

  • @aliosmanabdulkadir7558
    @aliosmanabdulkadir7558 3 роки тому +8

    Somali was soomaalidii hore kuwa hada jira alle AAA umaqan

  • @apdirahman1433
    @apdirahman1433 11 місяців тому +8

    Geesiga dhulkiisa guusha u horsede 2023 August 17 waa maalin soomaali uuka baxay allaha unaxariistee 𝐀𝐛𝐰𝐚𝐚𝐧 𝐣𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜 𝐤𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞 godka allaha ujaneeyee 😢😢😢

    • @BarwaaqosMohamed
      @BarwaaqosMohamed 9 місяців тому +1

      Wll ilahay haW naxariisto aabihii soomaliyeed 😢😢

    • @user-bj4tm1xp7n
      @user-bj4tm1xp7n 7 місяців тому

      Alle janada haku casuumo😢

  • @mowliidguleid4558
    @mowliidguleid4558 3 місяці тому +1

    Ereyaddii Xuseen aw faarax dubad somali pure😢😢😢😢😢

  • @garaadabdisalan2135
    @garaadabdisalan2135 Місяць тому

    illaaah janadii ha geeyo geesiyaashii wacdaraha u dhigay cadawga injirleeyda ee taariikhda baalka dahabka ka galay waad u halganteen dhulkiina waxaadna noo hurteen naftiina, intaa noolnahay waa idiin soo duceenaynaa waxaana idiin balan qaadeenaa cadawga sidaa uga difaacdeen dhulka ayaa anagana uga sii diifaaci doonaa jiilba ba kasii jiil si walba oo aan u taakdaranahay itoobiya intaa xortaana sooma istaagi doonto inta ay heestaana waan ka saari doonaa markaa awood u yeelano.

  • @muneiraguzel7212
    @muneiraguzel7212 5 місяців тому +2

    Masha Allah hees waa dhaaftey😢❤

  • @emmamandahier5637
    @emmamandahier5637 Рік тому +2

    Ilaahey hau naxariisto farxaan qaroole geesi ba naga baxay janada kuraaxeyso

  • @nickal2018
    @nickal2018 Рік тому +4

    Waa heesti lagu galay dagaalki 1977 😢

  • @murti-dhuuxmedia4276
    @murti-dhuuxmedia4276 2 роки тому +5

    Geesiga dhulkiisa guusha u horseeda
    Geerida dishaay geedkaa ha ba'o
    Wadaniyad ❤

  • @nrx8684
    @nrx8684 4 роки тому +21

    Yaa salaan waxaas as hees ah, Xuseen Aw Faarax, Maxamed Suleemaan, Hibo Maxamed, Hibo Nuura Allaya Cisag

  • @UsamaJama
    @UsamaJama 6 місяців тому +5

    2024 still best song 🎉

  • @cusaymaoffcial1764
    @cusaymaoffcial1764 2 роки тому +5

    Taladay Ku Gooyeen ama Geeri akhiro ama Guusha Nololeed 😪💕heestan Markan maqlo waan Ka xumaDa siDa ay somalidu u dhaqmayso sanadahan danbe

  • @NajkaCade-vh9gs
    @NajkaCade-vh9gs 15 днів тому +1

    Hadaa iga dabeenso like iisaar 👍

  • @abasmohamed9819
    @abasmohamed9819 5 місяців тому +1

    Heesta kama daalo ❤
    Waxan dhageysanaa 23.02.2024, ilahoo na tus Somalia 🇸🇴 oo nabad ah oo dadkeduna is wada jecel yihiin ❤😭🤲🏽

    • @RobleBarre-xz6kt
      @RobleBarre-xz6kt 2 місяці тому

      Waa wax fican lakin waaa in ay sharciga islamka dhamman tod ku xukuntamaan
      Kadib waa labarwaaqoobaaa in sk allh

  • @abshirahmed4665
    @abshirahmed4665 2 роки тому +19

    Am crying😭😭😭am somali

    • @user-pq5kn2sm9y
      @user-pq5kn2sm9y 2 роки тому +2

      😍😍 Qof wadankiisa jecel baa tahay ku taagnoow ku qasaari mayside

    • @bobmarley8449
      @bobmarley8449 2 роки тому +2

      @@user-pq5kn2sm9y u are right. I agree

  • @ahmedafgooye3427
    @ahmedafgooye3427 8 місяців тому +1

    ALLAH unaxariisto Xasan tuure😢😢 geesiga dhulkiisa guusha u horseedo geerida dishaa

  • @miftaaxtube2907
    @miftaaxtube2907 2 роки тому +6

    Hiba Nuura & Tubeec Laba Legendary ❤️🙏

  • @beerlulaahmed320
    @beerlulaahmed320 7 місяців тому +1

    Geesiga dhulkiisa guusha u horseeda geerida dishaay geedka ha ba.o 2023 geeridii allah shuhadada haka aqbalo taliye xasan tuure ayey heestan isoo xasuusisay Sanad madoow ayuu u ahaa Shacabka Soomaliyed 2023😭😭😭😭😭

  • @bilemohamed4726
    @bilemohamed4726 2 роки тому +2

    Waa qiirooday markaan dhageeystay waxaa soo xasuustay nabada isjaceelka dadka naga dhaxeeyay iyo walaalnimada wadanimada iyo asxaabnimo

  • @badrauk6940
    @badrauk6940 Рік тому +11

    Geesiyadii baa naga dhamaadey from laascaanood😭😭😭😭😭😭😭😭😭😭

    • @maarizaahmad2870
      @maarizaahmad2870 Рік тому

      😭😪😭

    • @Wasiirka98
      @Wasiirka98 Рік тому

      Qabyaalad hartinimaa ku haysee hadaaad dadkiina dhinac ka raaci lahaydeen deegankiinuna wuu dhismi lahaa Heer waxbarasho caafimaad iyo wax walba lkn aqligaasi mee lkn love u wllo Alle dhibka ha ka qaboojiyo laascano from hargeisa

    • @mfayz980
      @mfayz980 Рік тому +4

      @@Wasiirka98 beenta joogi
      Wax Qabyaalad ah naguma jirto
      Laakin dadkena oo xabado lala dhacayo wax wan u fiirsan karno maahan!
      Intaad ciidankiina Somaliland aad wax u sheegi lahayd baad rabtaa Shacabka Reer Laascanod inaad eeda saartid

  • @fowziajamalsaed469
    @fowziajamalsaed469 Рік тому +30

    My favourite song 😍

  • @askarciid397
    @askarciid397 Рік тому +2

    Alle ha unxaristo taliye Farhan qaroole

  • @HalisTa..22
    @HalisTa..22 Місяць тому

    Ama geeri aakhiro ama guusha Nololeed✋

  • @sakiizmail3034
    @sakiizmail3034 6 місяців тому +1

    AHUN Mahamed Salebaan Tubeec ❤
    22/01/2024 Malintu waa Isniin

  • @muumincade7827
    @muumincade7827 5 днів тому

    Rijaal ,ana Hadaan dhagaysabayaaa aniga oo hadda badda ceeligeeda fadhiya.

  • @sacdiyosheikhdon9018
    @sacdiyosheikhdon9018 5 місяців тому

    Allow naxariistii aakhiro ku sii adiga iyo dhamaan intii dhimatey ❤❤❤❤

  • @deeqodaahir-in3ls
    @deeqodaahir-in3ls 25 днів тому +1

    🇸🇴 1 luuliya 2024 itoopiyana baddena nagu heesato dadkii heestan alifay kuwa qaday kuwa lagu dhiiran galiyay dhaxalkooda in maanta waxay udagalameen la'isku heesto cakuye ciil 😬

  • @Saki-Omer
    @Saki-Omer 12 днів тому +1

    Maanta oo kale 13.07.1977, ayaan qaadnay dagaalkii gumaystaha lagaga xoraynayay dhulkeenna Soomaali Galbeed.
    Taariikhda maanta. 13.07.2024 soow 47 sanno maaha? Walina heestani soow number One maaha? 😢😢😢

  • @Duceysane21
    @Duceysane21 2 місяці тому +4

    Heeskaan markaan dhegeysto waxaa igu soo dhacaya anigoo dagaal kula wareegay harar, hawas,kaaraamadha, qoraxey, godeey ilaa iyo gelinka shanaad inshallah weyna dhici doontaa 🤲🏻🤲🏻

  • @maxkoyare2185
    @maxkoyare2185 Рік тому +1

    Geesiga dhulkiisa guusha u horseda allaw igano yel nin nasiib udhinta difaca umadiisa somaliyed allaw unaxariiso geesiyada iilka iyo god madaw u galay difaca umadoda somaliyed iyo difaca gobanimada somaliyed dhalinyarada kuma wayna gobanimada dalkoda iyo wadaniyada dhulkiisa hooyo wxa kla wayn qabyalad iyo rer hebel dhalinyaroy dhulka aynu ku noolnahay magaca aynu sheegano geesiyaa sharafta u yelay naftooda u goyay balse inagu qiimihii naftoda u horen maynan ilalin wxaynu ku habsany qabyalad waynu wadaniyadii somaliyed viva somali wa wlalo somaliyi hanolato

  • @mrpirate3020
    @mrpirate3020 Рік тому +2

    Ilahay ha Igu simo inaan Arko una joogo Soomaali oo Gacan maroodi leh

  • @amiincllhi5026
    @amiincllhi5026 Рік тому +2

    Ax ax maxamed saleepan Tubeec (boqorka codka somaliyeed ) alaya raxma ,and Hibo maxamed hodoon ❤🌹❤🌹🌹🌹😪😪😭😭😭😪😪😪😢😭

  • @awoinahodankariye8168
    @awoinahodankariye8168 11 місяців тому +1

    Hesta manta uu daran dhulbahnte
    25/8/2023 ila maraga ila gooje cade

  • @Nyctophile.3
    @Nyctophile.3 6 місяців тому +1

    Who is watching in 2024? Guul Dhulkeenna Hooyo.

  • @user-jz9rd2de1d
    @user-jz9rd2de1d 5 місяців тому +2

    Yaa dhagaysanya 2024 😊

  • @abdiqani6022
    @abdiqani6022 Рік тому +2

    Gurxankii shabeelkiyo gaad madii libaaxiyo gacan maroodi yeesheen 30/10/2022

  • @shukribashir5247
    @shukribashir5247 Рік тому +2

    Geeesiyshii Africa somalia 💙💙💙💙💙💙🦁🦁🦁🦁🦁🦁🦁🦁💪💪💪💪💪💪💪

  • @abdikaremsaid9336
    @abdikaremsaid9336 2 роки тому +4

    Ciid carafo sabti 2:44am, 10-7-2022, burco soomaaliya.

  • @Queendaha
    @Queendaha 11 місяців тому +1

    Waxan soo xasusty 2015 fiicnan leheeda manty inan askari yad qaran ahay wxaan aadi lagaa gallmudug gaar ahaan ceel buur dib u xoraynta dalkaygii sorry caawa wan ka maqana hay💪💪💪
    Dhiiga ikaca markan heestan arko ilaahow guule geesi yaashayda

  • @bestrongenough8228
    @bestrongenough8228 4 місяці тому +1

    Geedka ha go, weeye maha geedka ha bo,

  • @Kadiye641
    @Kadiye641 6 місяців тому +1

    Yaa daawanayo 4/1/2024 waliba asagoo ciil hayo

  • @SuugaanSafaari
    @SuugaanSafaari Рік тому +4

    Erayadii Husein Aw Farah AHUN 1977
    Laxankii Mohamed S Tubeec AHUN
    Luuqdii Tubeec AHUN Iyo Hibo Nuura

  • @salahadawe4554
    @salahadawe4554 Рік тому +2

    Welcome to 2028 weli waan dhageesanayaa

  • @fadximadar2274
    @fadximadar2274 Рік тому +4

    Allow somaliya oo nabd ah ituus alla dadki dowlada arkay maxay ciil la oynaya anaga burburki dadki dashay waan qaracansanhy😭😭😭😭

    • @ismaaciilmacaawiye2218
      @ismaaciilmacaawiye2218 Рік тому

      Wlhi in aadan been ku sheegin
      Alla ooyin oo keliyaa waxaasii dheer caloosha oo ku hurta qalbiga ood ka ooydo xitaa dhimashada ayaad uciishooneysaa

  • @husseinaden7560
    @husseinaden7560 2 роки тому

    Caadi maha heesaan legend raximulah tubeec

  • @Momta299
    @Momta299 Рік тому

    Geesiga dhulkiisa guusha horseeda geerida diyaasha geedka ha ba
    🐎🐎🐎🙏🙏🙏❤️❤️❤️

  • @shoaybadam9425
    @shoaybadam9425 Рік тому +1

    Maantoo Darawiishtu SNM tii jabisy bn dwanyaa 25/02/2023
    Waxa snm lga qabsdy 2 kaare zuug jiib iyo Tikniko kle

  • @MrBOSSMAN2342
    @MrBOSSMAN2342 Рік тому +6

    Dad Wadaniyiin ah oo Geesiyaal ah weeye Somalido Ila Gumaystigi Aya Taas Inoo Markhaati Furay, Laakin Geesinimadeeni iyo Maskaxdeeni Inaka Isko soo Jeedinay, Somaalay Ma Kala Jeesaana Aduunka Ma La Tartana?

  • @rowdahassan9455
    @rowdahassan9455 2 роки тому +6

    😢😢😢😢😢 ikraam tahliil Ilaheey cadaalad hakeno Ilaheey haku naxariisto

  • @ilyaaskeyse3953
    @ilyaaskeyse3953 Рік тому +3

    Taladey ku gooyeen ama geeri aakhiro ama guusha nolaleed 🇸🇴🇸🇴💪🦾

  • @zakariam.alimire8863
    @zakariam.alimire8863 Рік тому +1

    Ninka raga ah waa kii dadkiisa dhibta ka saara shabaab ilaahay faracood ha tiro waa khawaarij cadow ah

  • @user-lk8ln6dr1j
    @user-lk8ln6dr1j 5 місяців тому +6

    Who is watching 2024🎉❤

  • @ahmetfarah3189
    @ahmetfarah3189 3 місяці тому

    Heestan soomalidu waxay uu raqanaa in la qaaday dagaalkii 1977kii heestani waxa lagu soo dhaweeyay markii 1969kii kacankii dalka qabtay wana heesihii talada malatariga lagu soo dhaweeyay heestana waxa sameeyay xuseen aw faarax oo reer soomaliland ah

  • @kaltunmahamed8138
    @kaltunmahamed8138 2 роки тому +1

    Masha Allah wan qiiroda markan dhageyso heestan

  • @carabotawa
    @carabotawa 7 місяців тому

    Majecleyn towratii lkn waxaan jeclahay Heeskaan😢. After 2023 love iisaar❤

  • @amiirosman8638
    @amiirosman8638 2 роки тому +3

    Allaah ha uraxmo tubeec

  • @ayanlefarah2452
    @ayanlefarah2452 Рік тому

    God bless them 🙏 ❤ geesiyasha wadankane uhuren naftoda iyo malkoda janatul fardowso Allah ha geeyo

    • @mohamedyasin7726
      @mohamedyasin7726 9 місяців тому

      Maaha wlal heestan kacaankii ba loo qaaday 1970 bishii 1aad bay so baxday

  • @mawlidsmohamedhalale8485
    @mawlidsmohamedhalale8485 Місяць тому

    Waxaan dhagaysanaa 7June 2024

  • @abdixaaji53
    @abdixaaji53 11 днів тому

    15 July 2024 aan dhagaysanooyaaaa

  • @daalacoofficial6369
    @daalacoofficial6369 2 роки тому +2

    Abwaan waddani ah Hussein Ow Farah Dubbad AHUN

  • @siciidcabdilahi1007
    @siciidcabdilahi1007 6 днів тому

    huseen aw.faarax dubad ma reer woqooyi ayuu ahaaaa

  • @faadumoibraahim3686
    @faadumoibraahim3686 2 роки тому +2

    hestan wlh wan la oyaa markan dhaveysanaayo ilhow somaliya nabad noga dhig

  • @maryamsalaad9465
    @maryamsalaad9465 Рік тому +2

    Heesta 3year kadib waxan dhagaysanaya 2023 yaaa ila mida

  • @CabdiraxmaanCabdicumar-pg2vx
    @CabdiraxmaanCabdicumar-pg2vx 9 місяців тому +1

    Waxaa nasiib daro ah abwaankii heestan sameeyay AU xuseen Aw faarax Dubad in darxumo iyo daryeel la'aan u dhintaa.

  • @yasminmohames1922
    @yasminmohames1922 2 роки тому

    caaadi maha proud to be 🇸🇴🇸🇴☑️❤️❤️

  • @xareed1853
    @xareed1853 9 місяців тому +2

    Heestan waxaan ku xasuusta anagoo howlgal ciidan ugu baxnay meel ay alshabaab haystay gaari abdi bile ah bay nooga darneed xasuus