Xaliima Khaliif Magool - Boqorkoow Nakulansii (Hees Kaban Solo) Ereyadii Abwaan Sulub Cumar

Поділитися
Вставка
  • Опубліковано 17 жов 2024
  • Xaliima Khaliif Magool - Boqorkoow Nakulansii
    Hees Kaban Solo
    Boqorkow na kulansii, 1974
    Ereyadii Abwaan Sulub Cumar
    Laxankii Ismaaciil Cabdi Geri (Ismaaciil Yare)
    Riwaayaddii Caashaq iyo Caddaalad
    Kii aan u bogayeee
    Aynigii ka baadhee
    Isku soo barbaarnee
    Jacaylka igu beeraa
    Ayaa bira xadiidiyo
    Buuri noo dhaxaysaa
    Beryahaa ninkaygii
    Awood aan ku booqdoon
    Ku bariidsho waayee
    Waxaan kaa baryayaa
    Ku baryee
    Wakhtigoo is beddela iyo
    Isagoo badqaba
    Boqorkoow na kulansii
    Kii aan u baahdee
    Indhuhu u basaaseen
    Haddii loo badheedhoo
    Beenbeenna lagu xidhay
    Anna waa besteeyoo
    Baal dacar ka dhuubtee
    Beryahaa ninkaygii
    Awood aan ku booqdoon
    Ku bariidsho waayee
    Waxaan kaa baryayaa
    Ku baryee
    Wakhtigoo is beddela iyo
    Isagoo badqaba
    Boqorkoow na kulansii
    Inkastuu ballaadhay
    Buunbuuniyaanoo
    Boqolaal gu'soo jiro
    Baadilkii adkaadaba
    Xaquun baa burburiyoo
    Ka buruud sarreeyee;
    Beryahaa ninkaygii
    Awood aan ku booqdoon
    Ku bariidsho waayee
    Waxaan kaa baryayaa
    Ku baryee
    Wakhtigoo is beddela iyo
    Isagoo badqaba
    Boqorkoow na kulansii.

КОМЕНТАРІ • 5

  • @ismaaciilarbache5244
    @ismaaciilarbache5244 2 місяці тому +1

    ❤❤❤

  • @NajiibCaano
    @NajiibCaano 2 місяці тому +2

    Libaax tubeec iyo magool heesta nayruus ku soo xigsii

    • @ikhajji
      @ikhajji  2 місяці тому +2

      Tubeec gabar kala laqaadeysa original ah Riwaayadii Jacaayl Bob umabahna. Magool xiliagan dambe ey laqade Tubeec ayabo kacaansan tii hore.

    • @NajiibCaano
      @NajiibCaano 2 місяці тому +1

      Markii hore maandeeq ayaa laqaaday markan magool Ayaan aad ujeclahay markay kabanka tahay inaad haysana waan rajaynayaa

  • @cismaanqorane
    @cismaanqorane 2 місяці тому

    Dood