Xasan Aadan Samatar iyo Sahra Axmed | Heesta Saylo | With Lyrics

Поділитися
Вставка
  • Опубліковано 17 гру 2024

КОМЕНТАРІ • 761

  • @nimcohassan7268
    @nimcohassan7268 8 місяців тому +31

    Heesta waa jecelahay mar walba wa so booqda halkan an u xiiso heestan Saylo wan u xiisay ❤️ Heestani waxay macaantahay marka adigoo saylo jooga ad daaratid waa jawi kale 😍😍 From naagta Saylo degta Ayuub weyne ❤️

    • @abdirahmanhassan2266
      @abdirahmanhassan2266 8 місяців тому +2

      ISKU MEEL DAGNA ina deer

    • @franskafka5913
      @franskafka5913 7 місяців тому +3

      Nafar reer faarax ah baa halkan kaa salaamaya👋😅

    • @mahadmahamed3739
      @mahadmahamed3739 6 місяців тому +2

      Habaryar waa ku salamay nafar HG oo habaryar u tahay ku salamaya❤

    • @garadroble2712
      @garadroble2712 2 місяці тому +1

      Ina adeer meel Sharaf Leh ayaad ka timid waligeey ma tagin laakin Waan jeclahay dhulkaas inan booqdo anigoo wadankaygii Kala Baran Ayaan dhul shasheeye bartay. Ciil waxa qaba ninkii dowlad la,Aan iyo dagaalo qabiil kusoo koray

    • @Crisaaqyare60
      @Crisaaqyare60 18 днів тому

      M.a qali ani xitaa waa uxiisay

  • @guledmohamedhasen
    @guledmohamedhasen Рік тому +28

    Erayadan Sidan u cajiibsan maskaxday kasoo maaxdeen ka sheeke
    Alle cimriga iyo cafimaadkaba haku barakeeyo abwaan xasan ganey ❤

  • @ibrahimhaji6047
    @ibrahimhaji6047 Рік тому +62

    Sacadu wa 11:00 Hbnimo jawigu wu degnyhy cirkuna wu robeysanyahy ❤kaligey ban jirdin fadhiya Heestan ba wehelsanaya
    Best song Hassan adan & mom sahro allh u naxaristo 😢
    Hda iga dambeysid 👍 like😊

  • @khadaraden7936
    @khadaraden7936 11 місяців тому +185

    Waan hubaa inayna waligeed dugoobi doonin heestani ilaa iyo inta ay jiraan dad af soomaaliga ku hadlaa, hadaad soo booqato 2024 like👍🏼

  • @Mohamoud-Buuhoodlaawi12
    @Mohamoud-Buuhoodlaawi12 9 місяців тому +12

    Hees talan-taali ah oo labo fanan wada qaaday heestan hees ka macaan ma jirto hadan runta laga gabanayn".😊❤️🙌

  • @OMAARKA
    @OMAARKA Рік тому +48

    Ereyadan macnohooda iyo jawiga lagu sawirayo qofka garanaya ayay heestani macno usmaynaysaa❤ hodan sanaa afsoomaligu

    • @farhiaismail1984
      @farhiaismail1984 Рік тому +1

      Dadka badan kisa ma fahmi karo murti jacel isku amanayan

    • @sadaqabdulahiahmed2321
      @sadaqabdulahiahmed2321 9 місяців тому +2

      Aad uweyn heestaani aniga aad bay uga shekeysaa jawiga aan jeclan lahaa in aan markastaa arko

    • @maxamecabdicilmi6706
      @maxamecabdicilmi6706 6 місяців тому

      sagal gaaxday roob subax seermaweydo soogudhay

  • @dahirgeyre690
    @dahirgeyre690 Рік тому +49

    "Dhulku saacu wada gaadh waana kala sed roonyee meel idaha seel u leh riyahana salool u leh oo geela saar u leh oo dirir sagaariyo sagal gudcurkuna helay sagaaga xareedaa biyuhuna sunsumayaan oo saawasaawiyo saxal cudura lahaynoo"😍😍😍

  • @ahmedosman5802
    @ahmedosman5802 Рік тому +121

    Saar =waa geed cawsadeed geelu cuno
    Sagal=daruur
    Seermawaydo=bil ka mid ah bilaha guga
    Sange=fasas
    Surmi=haraad wata kulayl
    Saraar=gobol ku yaala bariga slland
    Salool=dhirta dhaadheer riyuhu salooshaan
    dureemo=geed cawsadeedd
    Sud=dhul sare
    Seeto=xadhiga awrta lugaha lagaga xidho
    Sarar=hilibka geela ka saaran feedhaha
    Surad=midab

    • @kkk-rh7hz
      @kkk-rh7hz Рік тому +2

      Thanks zhp wax badan baa ka faa iiday🙏

    • @afrah1736
      @afrah1736 Рік тому +2

      Cajib bal kwrn abwanki smayy hestaan alow cimri iyo.caafimad kusiii abwan xasan ganey❤

    • @ismailadammuse1903
      @ismailadammuse1903 Рік тому +2

      Lkn saar waa geeky sare ee maahs caws

    • @Maguuraan
      @Maguuraan 9 місяців тому +2

      Sxp saar maaha caws ee waa geed saar dhirta ka dul baxa isagu waa geed caadiya oo kle mhadsanid.

    • @Daaxilcalas12
      @Daaxilcalas12 9 місяців тому +1

      Saar waa geed maha caws sida dhilowyhnka

  • @ابوإبراهيمبنإبراهيم

    Wa hees abwan Hasaan H.Abdillahi Hassan (ganay) u ku saleyay dhaqanka somalida,kolay inta garadkayga ku jirta barwaqada u abwanku hesta ku shegay kumaynan so dhawan .😢😢😢

  • @cismanabdi2416
    @cismanabdi2416 Рік тому +17

    Zahra Ahmed jama Waa Gabadha Aan ugu Jeclaa Gabdhihii Waberi Ee Heesi Jiray Illahay Swt Ha U Naxariisto Allahuma Aamiin

  • @abdijibarmohamed2035
    @abdijibarmohamed2035 Рік тому +9

    Dhul soomali dagto meeshan ugu jeclay magaaladaydii sayla alle markale nabad haygu geeyo ❤️

  • @ABDI-SHAKUR-DAHIR1
    @ABDI-SHAKUR-DAHIR1 Місяць тому +4

    Hadaad Dhamaadka 2024 dhagaysanayso heestaan sifiicana udhuuxday Erayada iyo Murtida miyiga waan ku salaamay aboowe iyo abaayo;

  • @abukarbadalgarad8189
    @abukarbadalgarad8189 3 роки тому +59

    Samatar Bbc laga wareystay aya waxa la weydiiday heesahaada tee ugu jecashay iyo inta fanaan hablo ah aad hees la qaaday ? Markaas ayuu ku jawaabay heesna waa seylow habalahana waa sahro ahmed

    • @abdulkadirainab8098
      @abdulkadirainab8098 2 роки тому +6

      Wareysiga Abdisalam hareri kaqadayo ku arkay hestan saylo iyo hes kle ayuu dhahay Wan jeclaha sahrana ayada ayuu laqaday hesaha ugu badan

  • @shaakirmohammed3902
    @shaakirmohammed3902 4 місяці тому +7

    Saacadu waa 2:17 waxan ku dhagesanaya N1 highway Johannesburg to Cape Town South Africa 2024😍

  • @badriamohamed6610
    @badriamohamed6610 Рік тому +14

    07jun 2023 mglda Gorowe dooxada bixin ba ku dhagysanynaa ani iyo sxpky 🥰 jawi buu ahaa roob shuux ah, dhulkoo cagaaran misna xareedo waran thy, Ido iyo Ari rer halkan ah leyhiina ay na ag daaqayaan mrna lo’doda, Geeloda bn sawir ku galaynaa Jah mashallah weye gu’gu❤

    • @RamadanAto-qs9iv
      @RamadanAto-qs9iv Рік тому +1

      Eyl mar kuso Tijaabi Gurigii Aun indha quraarad Gedihii waawayna Ee kahoreyay Laga yaba inay ka macaanate waqti roob ah❤🎉

    • @badriamohamed6610
      @badriamohamed6610 Рік тому +1

      @@RamadanAto-qs9iv balan weeye wnba u xiisay xasustii awowahy🥰

  • @MohammedsalahAli
    @MohammedsalahAli Рік тому +12

    Erayadan waxa qiyasi karo ama sawiran karo qof miyi kuso dhaqmay axx ayaa hesti iyo kobon 🔥

  • @AxamadAadan-w8f
    @AxamadAadan-w8f Рік тому +11

    Erey murtiyeed kuwaanbaa udanbeeyey intii kadanbeysana
    Maad iyo madadaalo eey ahayeen
    Somaaliyeey meysku raacnay ❤

  • @Mustaqbal-Tv
    @Mustaqbal-Tv 2 роки тому +24

    Cod macaana mamo sahro alh naxaris jano ayan kaga baryey. Fanka somalida iyada ayaan u jeclaa 🤔😘

  • @AxlaamAadam-zp5gk
    @AxlaamAadam-zp5gk 5 місяців тому +9

    Hestan waxan dhageysanyaa 2024/6/30❤ heestan waxa micnheda garanya qof wax gard oo kaliya hada waxa socdo hes ma ahne ee wa iska hadl moye
    Ala.yacizak abwan [ganey]❤

  • @OsmanDuale-v8k
    @OsmanDuale-v8k 11 місяців тому +12

    Sayloo guyaad badan
    Soo baxa kaliishii
    Seer-seerna loo degay
    Sannad geelu badi dhalay
    Ooy sidigtii laalays
    Nirguhu aanay socod baran
    Reeraha sintoodiyo
    Kaymo saar leh loo dhigay
    Oo igadh mid yari sabo
    Maqaar lagu salaaxay
    Saameeshay gaawaha
    Oo baarqab soohani
    Isagoo ah laba sabar
    Soofeeyay micidoo
    Ka sanqadhiyay doobtii
    Salaadiina roorsaday
    Ugubkii u saniyoo
    Surmo dheer latiigsaday
    Saqdii dhexena roob helay
    Subixii bariisada
    Sidoodaan jalleecada
    Saxansaxo udgoon badan
    Sanka kuula raacaa
    Sange subag idaad iyo
    Sumal bidhidii lagu shubay
    Ooy sabada ceelkiyo
    Sohdu tahay agtiisoo
    Loogu dhaansho sacabada
    Oo sudiyo hawd sare
    Saddex guure daaqoo
    Weli aan sed-yari arag
    Oo seeto iyo dabar
    Labadaba ka saahiday
    Oo salow dagaal iyo
    Cidi geyn saraayaha
    Oo sararta naaxdiyo
    Timuhu ay isku seexdeen
    Oo sayn gargoorkii
    Loo salaaxo guudkoo
    Saxarkii ku duuliyo
    Looga maydho siigada
    Loo saaro kooraha
    Cigaalkiina loo sudhay
    Sara joogga iyo muuq
    Sanku neefle kaligaa
    Adaa suuraddiisa leh
    Sagal gaaxday roob subax
    Seerma waydo soo guray
    Waaguna ku sarakacay
    Sara joog nin dhererkii
    Cadceeduna la siman tahay
    Nuurkuna sagootiyo
    Oo waqal sindadab iyo
    Guulaamo socotiyo
    Kala soocday dhibicdii
    Oo midab sibaaqiyo
    Caddaan wada siraatiyo
    Madow suul dhalaal xiga
    Saddexdaa mid uu yahay
    Qof suureeyay kala garan
    Oo beel sanaagiyo
    Ku surmiday saraar godan
    Saadaalinaysoo
    Bal halkuu ku simo iyo
    Sugayaan inuu helo
    Subaxii bariisada
    Sidoodaan jalleecada
    Saxansaxo udgoon badan
    Sanka kuula raacaa.
    Dhulka saacu wada gaadh
    Waanu kala sad roonyee
    Meel idaha seel u leh
    Riyahana salool u leh
    Oo Geela saar u leh
    Oo dirir sagaariyo
    Sagal gu' curtayna helay
    Sagaya xareeddaa
    Biyuhuna sunsumayaan
    Oo saawasaawiyo
    Saxal cudur lahaynoo
    Salka looga degay nabad
    Oo saraarta dixidiyo
    Siman tahay dareemadu
    Oo sebiga caanihii
    Lagu siiyey golihii
    Habluhuna sibraar iyo
    Dhiilo saabka loo tolay
    Sinta bidix ku qaadaan
    Subixii bariisada
    Sidoodaan jalleecada
    Saxansaxo udgoon badan
    Sanka kuula raacaa
    Midhihii Abwaan: Xassan Ganey
    Laxankii: Xassan Aadam Samatar
    Codadkii: Xassan Aadam Samatar
    Iyo Sahra Axmed Jaamac AUN
    Qalinkii✍️: Osman Abdirahman Du'ale

    • @Daaxilcalas12
      @Daaxilcalas12 9 місяців тому +1

      Waaw nin Ereyda sixi kadha

    • @AwilQaarcase772
      @AwilQaarcase772 4 місяці тому +2

      Laxanka:C/Kariin Faarax Qaarey Baa Lahaa Xasan Aadan isagu Laxameyste Maba Ahan Laxanka Uugu Badan Axmed Cali Cigaal Baa Usameyn Jirey Zxb

    • @nuurhubane
      @nuurhubane 2 місяці тому

      ​@@AwilQaarcase772sxb iska hadal looma hadlo laxanka asagaaba afka nooga sheegay inow asagu saray ee jooji dulmiga

    • @Boodhariofficial
      @Boodhariofficial Місяць тому

      ​@AwilQaarcase772
      XASAN AADAN WAA LAXAMIISTE WAYN HEESTAN SAYLO IYO KUWA KALE OO AY KAMID YIHIIN ABAADIROW SOO URUURI CAASHAQA, BALANBAALIS QALIMO LEH, GORONYOOY GALABAL KUU DHAC IYO KUWA IYO KUWO KALE BUU LAXANKA SAARAY

  • @suleimanahmed5366
    @suleimanahmed5366 Рік тому +10

    Waah-waah Axyaa hees SAYLO 🔥🎵🥰👌
    ☆ CODAD KII Hobaladii hobala 🎸 🎤🎻
    ☆ Hobal Xasan Aadan Samatar | BOQORKA HEESAHA GUUXA | ❤🎷
    IYO
    ☆ Hobalad Sahra Axmad Jaamac| BOQORADA LUUQ-DA IYO JIIBINTA | ❤💧
    Heestaan iyo waxy ka hadlayso dadku wada fahmi-maayaan , Alla Af-soomaali-gu hodan-sanaa , bal dhuuxa miraha heesTa oo Cabir jawi-gaaz iyo si cajiib ka ah ee Erayada la isku waydaarsanaayo | TALAN-TAALI | .!

    • @faaidyare
      @faaidyare Рік тому +1

      The legend Sulaymaan🙏❤

  • @Samaale-vu6qh
    @Samaale-vu6qh Рік тому +4

    Walaalka qoraalka ka dhigay heesta Ereyada qaar baa kaa khaldan ee dib u sax waa hees runtii af somaligii dhaladka ahaa in badani ku jirto

  • @nuurhubane
    @nuurhubane 11 місяців тому +7

    Xaasha xasan adan waa na dawaysay boqorkii libaax yada frm burco❤

  • @rahmaabdalla92
    @rahmaabdalla92 5 місяців тому +10

    Heeskasta oo cajiiba mug iyo miisanba leh waxaa sameeyay abwaan reer waqooyi ah oo reer Somaliland ah rabiyow maskaxda idiin barakee ❤

    • @ayaanleaxmed1435
      @ayaanleaxmed1435 5 місяців тому

      waaa ruunata

    • @kaysebashiir605
      @kaysebashiir605 2 місяці тому +3

      Waxa curiyay aabaha dhaqan abwaanadda somaliyeed Abwaan Xasan Xaaji Cabdilaahi Ganey
      Habeen Wngsan

  • @CAJIIBMEDIA-ut8ho
    @CAJIIBMEDIA-ut8ho 8 місяців тому +1

    Waa heesta aan ugu jeclahay

  • @sayidmohadofficial6208
    @sayidmohadofficial6208 7 днів тому

    Imisa dhagaysanay habeenimo sannadka 2025 12:30 habeenimo ku dhagaysanaya meel mii ah oo gaadhi nagula jabay 😢❤❤

  • @Naasircabdi-if7qh
    @Naasircabdi-if7qh Рік тому +68

    Waa habeen aanfaraxsanahay oo aan ahay arooscusub❤ tariikhdadu tahay 14/7/2023

    • @DrsHaFsaHassan
      @DrsHaFsaHassan 2 місяці тому

      Manokshahey wlle arooskagi se kwrn?😂🎉

    • @alisahan305
      @alisahan305 Місяць тому

      After one year caruur maku jogan zxp

    • @jamadkumandos4645
      @jamadkumandos4645 Місяць тому

      Barakooba oo baraara idim alle hal sano kadib

    • @رحمه-ذ1ح
      @رحمه-ذ1ح 16 днів тому

      ​@al😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂isahan305

  • @inmaom344
    @inmaom344 15 днів тому

    Heesta ugu qaalisan oo qanisan xagga mirah, laxanka iyo fannaanita qaadaya,, hees aad iyo aad igu quali ah, waayo markaan dhagaysto Waxaan arka sawwirka aay heesta ka hadlayso, xaalada aay ku suganyihiin iyo cimilada aay xambaarsantahay ❤️ wow ❤️

  • @hassanmohamad8755
    @hassanmohamad8755 3 роки тому +85

    hadaan isku dayo inan dhawr meelood ka yar saxo qoraalka
    reeraha maha waa seerahaa
    guyaaal maha waa guyaad
    dirir sagaariyo maha
    wa dirir sagaaliyo
    mahadsanid

    • @ugasohussein5673
      @ugasohussein5673 2 роки тому +1

      Seelsselna loo degey maha waa teelteelna loo degey

    • @rashkabindhajka4971
      @rashkabindhajka4971 2 роки тому

      @@ugasohussein5673 wll waa seelseelna loodagay ee sifiican udhageyso

    • @abdimohamed2611
      @abdimohamed2611 2 роки тому

      Sidoo kle seyloo gu’yaad badan waye ee maha gu’yal

    • @yuusufshaafi8878
      @yuusufshaafi8878 Рік тому

      Wlalayal erayada aad isku haysaan seelseella waa sax teelteella waa sax afka soomaaligu waa qanni sida luuqadada carabiga oo kale weeye walalayal mahadsanidiin

    • @dennisdennis1926
      @dennisdennis1926 Рік тому +1

      @@yuusufshaafi8878 haa wll waa sidaaa.
      Lkn waa Seelseel e ma ahan Teelteel, maadaama heestani xarafka S kan socoto.

  • @yonishassan8024
    @yonishassan8024 Місяць тому +1

    Heestan marwalpa waan dhagaysaa kamana caajiso waapan usoo haliilaa 🎉🎉🎉 duugoobimayso ilaa 2075 Allaaha nagaasiiyee aamiin

  • @maxamuxasan4186
    @maxamuxasan4186 5 місяців тому +3

    Waa heesaha aan duugoobin suugaanta soomalida waxa ugu quruxbadan ta deegaanta amaanta iyo xoolaha iyo barwaaqada
    Abwaanku waa xasan xaaji c/laahi xsn ganay codadkuna waa xasan aadan samatar iyo sahra axmed jaamac❤

  • @somaliasomalibaleh7822
    @somaliasomalibaleh7822 7 місяців тому +2

    Sahro ahmed ahn aniga waa fannaanada aan codkeeda ku raaxeeysan jiray wallahi heesaheeda ilaa hadda wan dhageeystaa. Maamo sahra alla ha u naxariisto. 🎉🎉😢😢😢

  • @alihasan-cg1vj
    @alihasan-cg1vj 3 роки тому +46

    Legend waa Hobollo Qaali ah oo aan Taariikhda dib loo arki doonin, Xasan Aadan Cimriga Allah ha u barakeeyo, Sahra Axmed ilaahay ha u Naxariisto, Abwaan Xasan Ganey Abwaan Qani ku ah Dhaqanka Iyo Suugaanta Caafimaad ku noolaw.

  • @amiinkhasiimhaji283
    @amiinkhasiimhaji283 11 місяців тому +7

    Markastoon dhageysto waxaad modaa inaan hore u dhagaysan taasi waxayna ka marag kacaysaa inay tahay heestani wax lagu faro yareystey😊

  • @gedefletv6049
    @gedefletv6049 3 роки тому +20

    Xasan ganay waa abwaanka xaga dhaqanka ugu haysta

  • @maxdar11
    @maxdar11 2 роки тому +5

    Heestan intaan mobile qadaafi ah ku shubtay bari ayaan school kii u jaray si aan dibada ugu soo dhagaysto xaafadana waxaan isaga dhigay inaan school kii tagayo waan xasuusta markay 10:15 subaxnimo tahay ayuu dabkii iga dhacay anooo qudhac dhaadheer dhex fadhiya oo ku dhagaysanaya xusuus

  • @AbdalleXareed
    @AbdalleXareed 12 днів тому +1

    Xasuus baan galay 16:00/5/6/2021 anigu badiyo juga galab galbaha kamida dhageysanaya waxa itimi gabar ari badiya radinaysa hestan wan ka helay tiri memory ugu shubay wayo wayo

  • @samawademaxamed46
    @samawademaxamed46 24 дні тому +1

    Caawa waxaan joigaa magaaldii heestan loo qaaday Sayla❤ magaalada ayuubka❤

  • @omarsuliaman1448
    @omarsuliaman1448 Рік тому +3

    Waxa ii farxad ah in aan Mar Nolosheyda ka mida tegay Magaalada "Sayla" , Waa Degaan Dabiici ah Kayn jiq ah leh Beeraha iyo xoolaha bay Caan ku tahay. Waa nala Casuumay sidii Dhaqanka somalidu ahaa hilib , Caano & Jaad baa Nagula Casuumay. Dadkaasi Waa Gob Reer sheikh isxaaq ka mida.

  • @mohamedabdi4603
    @mohamedabdi4603 Рік тому +7

    Qof badiyo kuso dhaqmay Lee hestan sifican u fahmi kara🥰🥰🥰👏👏👏

    • @abdullahiabbey
      @abdullahiabbey 10 місяців тому

      Mel idaha Seel u Leh
      Riyahana salol u Leh 😅
      Ciyalka eri carbdedka mafahmi Karaan waina badiya kuso Kortay leee😂😊

  • @Abdirahimofficialy
    @Abdirahimofficialy 20 днів тому +1

    Sange muxuu barwaaqo iyo qurux isku darsaday
    Bal ila dhuux erayada
    Soddan guure daaqoo
    Wali aan sedyari arag
    ❤❤❤❤❤❤❤❤

  • @korontostudio5448
    @korontostudio5448 Рік тому +4

    Erayga Qaraami markaa maqlo heestaan lee igu soo dhacdo ❤

    • @deeqzi
      @deeqzi 4 місяці тому

      Heeskanu ma aha qaraami waa hees musig caadi loo tumay oo riwaayad ka mid ahayd

  • @hamseismail4498
    @hamseismail4498 11 місяців тому +2

    Gabadh aad is jeceshihiin oo aad waliba is ogtihiin lkn midiba midka kale aanu u sheegan karin dareenkiisa.
    Hadana aad isku aragtaan degmada sayla oo barwaaqo ah.geela iyo xooluhuna magaalada dhinac kasta ka marayaan.ayaan heestan ka dhagaysanaynay meherad shaah lagu cabo.
    Waayo waayo iyo xasuus🙏

  • @axmedwarsame-c6o
    @axmedwarsame-c6o Рік тому +1

    waxaa heestan sameeyay abwaanka wayn ee dhaqanka soomaalida aad u yaqaana waa (xasan x c/laaha x xasan GANEY)

    • @axmedwarsame-c6o
      @axmedwarsame-c6o Рік тому

      Waxay ku jirtay rawaayadii Ga;beed waa la (xoreeyay waarso gaagixisaya)

  • @redback043
    @redback043 Рік тому +8

    Asagaa suuridiisii leh wiil irir samaale 🙏 respect Xasan Aaden Samatar saxansaxo udgood badan 👃sanka kuula raacaa 🌼🌼🌼🌺🌺🌺🌸🌸🌸💮💮💮🌹🌹🌹🌷🌷🌷🌻🌻🌻🌸🌸🌸🌺🌺🌺🏵️🏵️🏵️💐💐💐🌼🌼🌼🌹🌹🌹👍

    • @CarabShiikh
      @CarabShiikh Рік тому +1

      horta qabyaaladu hakuu dambaysee afsoomaaliga soo baro marka hore dadkaan dad qabiil maahee waa hobalo qaran e asaaga kulahaa jaahil yaa jaahil

    • @MaxmmedCilmi-op4pj
      @MaxmmedCilmi-op4pj 5 місяців тому

      5:04

  • @ahmedabdullahi5914
    @ahmedabdullahi5914 4 місяці тому +1

    Waa hees Dhaqan oo si farshaxan ah loo sameeyay waaaaw waleee afkeenu waligii wuu jirayaaaa

  • @AdamAbdirashid123
    @AdamAbdirashid123 9 місяців тому

    Heestan waxan dhagaystay aniga oo isle dhulka hooyo iskaga tag lkn markaan dhex maquurtay nimcada taala dhulkeena hooyo ayaan dibka uga gocday go,aankaygii alle hawnaxriisto labda fanan ee xasan adan iyo sahra axmed.❤

  • @abdulaahiwadani3868
    @abdulaahiwadani3868 9 місяців тому +2

    Subax hore oo Jumca 08-03-2024 ayaan Dhageysanaa Heestan aniga oo Jooga Dhuusamareeb Somalia

  • @xasanmagafe5780
    @xasanmagafe5780 2 роки тому +15

    Iidoor xikmad dhaqan iyo dhan walba soomaali iyagaa ugu heesay.

    • @fadumosheikh5818
      @fadumosheikh5818 2 роки тому

      xasan adan samatar
      ma idoor uhaysata
      😆

    • @sabirabdi2913
      @sabirabdi2913 2 роки тому +1

      @@fadumosheikh5818 ninka heesta sameeyay baa idoora

    • @fadumosheikh5818
      @fadumosheikh5818 2 роки тому +2

      @@sabirabdi2913 reer sheekh isxaaqdhe

    • @abdikarimfeytin312
      @abdikarimfeytin312 2 роки тому +2

      Magac iidoor Ogaadeenka oo kaliya uun baanu ka ogolnahay. Cagdheerna anaga oo qudha ayey naga ogol yihin ogaadeenku 😂

  • @SareyFarah
    @SareyFarah Рік тому +7

    Sanka kuula raacaa❤Fan waa fankii hore ❤Gold voices legends Hassan Adan Samatar and sahro Ahmed jamac 😊❤11-08-2023 Friday❤❤

  • @searchrightthings.947
    @searchrightthings.947 Рік тому

    Erayada abwaan xassan ganey ilaahey ha caafiyo isaga muslimka kalabe, inta dhimateyna ilaahey hawnaxariisto anigama haynooga daba naxariisto

  • @mohamedshakaal1545
    @mohamedshakaal1545 Рік тому +4

    Gugii iigu barwaaqada badnaa waayahan ayaan ku dhagaysanayaa Dooxadii xagar asqo duleedka degmada Qardho oo biyuhu jiifaan degsiimaduna teelteel tahay dhawr tuldood oo i ag daaqaya habeeda kasoo haadaysa, geed xagarka iyo xamurka iyo saxansaxada carafteeda ayaan ku dhagaysanayaa.
    27. May. 2023.
    Eeboow qaadirow qafuurow Maqfiro haynoo Diidin aamiin.

  • @Rabitaloudaa-t9l
    @Rabitaloudaa-t9l 9 місяців тому +1

    amintu waa habenimo walib 3:57 19/mar/2024
    waxay ku baxaysaa cod hoose daaqad ayaa i furan waxa iga soo galaysa laydh gos’gos ah marka ay isoo gadhona aadba moodo in ay tahay nuqul kamida heesta waxa yana jawiga ila weheliya xaaskayga oo aan ku tiirsanahay aduun waa hadhkaa labadisa galine waxaan rabaa inan farintan soo eego malmo malmahan ka qurux badan insha allah

  • @diiriyeoomaar816
    @diiriyeoomaar816 5 місяців тому +3

    Wlhi nin soomaali inay midowdo iga jeceli inaanu jirin haddana markaan arko xumaanta iyo nacaybka reer koonfurku uqabaan reer Somaliland ayaan xanaaqaa oon somalilanimada ku dhintaa.
    Soomaali meelay joogtaba nabad iyo Barwaaqo ayaan urajaynayaa

  • @jamaal_mouze
    @jamaal_mouze 5 місяців тому +2

    Cigaalkiina loo suray❌️
    Cigaalkiina loo sudhay✅️

  • @azhrafadnaan8139
    @azhrafadnaan8139 Рік тому +1

    Ereyada miisaanka culus ee cajiibka maskaxday kaso baxeen ayaa cajiib ahyd, Abwaan xasan ganey wuxu ahaa dhaqan yaqaan iyo waliba dhul yaqan alle ha barakeeyo cimri dherer iyo cafimad ban u rajaynaya
    Sido kale waxa sii macaneyey laxanka cajiibka ee saran heesta iyo codka sahra Axmed AUN iyo xasan baashe.
    Wxn dhagaysaya 04/12/23 .❤

  • @abdullahi77.
    @abdullahi77. Рік тому +6

    Heestaan 2023 baan dhageysanaya xili heesaha dambe aan macno kasoo waayey ❤
    Legend Samatar ❤❤❤❤

  • @mowliidbashir5533
    @mowliidbashir5533 Рік тому +8

    Alla heestaan maxaan ku marqaamay🥰🔊🎵🎸

  • @daarulkhayr
    @daarulkhayr 2 роки тому +6

    Heestan waxan dhagastay 2017
    Waxaan kujiray sodaal dheer moyaale iyo gode waxaan daaratay makaan narayo buurta
    Gaaluun waxaan kusocday 80 what night

  • @zaamnews4717
    @zaamnews4717 2 роки тому +31

    heestan waxa aan dhagaysanayaa maalin axada 14/3/2022 : 2:9
    waxa aan ka soo rawaxay jaamacada admas university faraceeda magaalad hargaysa
    waxa aan qorayaa assignment database ah waxa aan cabyaa cup bun ah + xasan adan iyo sahra ahmed
    jawi kale ayaan dareemayaa waxaana ka helay awood dheeraada oo aan assignment ku qoray waqti kooban

    • @mubaarikjamac311
      @mubaarikjamac311 2 роки тому

      🤣🤣🤣🤣🤣🤣🤣

    • @zakiisack815
      @zakiisack815 2 роки тому

      Legend 🤣🤣🤣

    • @hamseaxmed8866
      @hamseaxmed8866 2 роки тому

      9l99l9l9l9l9l9l9l9ll9l9jl9l99jhk9ll9hll99l9lj9ll9l9l9l9lll9l9l9lll9l99lj9l9l9l9l9ll999l9l9l9ll999jlhl9jl9k9l9ljj9kh9llj9jhjj9jl9999ll999l99l9lll9l9lll9l9j9jljjlj9hl9l9l9lj9l99l9l9l9l9l9l9l9lljjll99l9jjllll9jhl99j99llljhjljj9jhhjl9j99l9jjjljhlljhl9lljlhlllhjjlhlllk9hhhjjllll99llk9hjhk99j9ll9lllljjhj9lhl9l9ljll9ljl9ll9ljgjhj9hl999999lll9ll9l9llll9lllll9ll9l9j9hll9lj9lj9hl9ll9ll99llll9l9l9l9l9ll9lll9l9lll9lllhllll99ll9999lll99l99ll99ll999999l99999999999l9999l99999ll999l999l99ll999l99l99999999999999999999999999999999999999999999999999999999999999999999999999999999999999999999999999999999999999999999999999999999999999999999999999999999999999999999999999999l9l9

    • @nadrahnourahnalka3487
      @nadrahnourahnalka3487 2 роки тому +4

      🤭

    • @waraabecabdiaxmed1620
      @waraabecabdiaxmed1620 Рік тому +1

      😅😅😅😅🤣🤣🤣 (NIN BA WAA DHARAARTII) intaas kadib waxa aanu nahay laba waa habeen jimce soo geleyo 4/5/2023 saacadda 9 :49 :45 pm waxa hortayada yaalla geed qaad ah oo soo qaadaney 2: 00 pm, 2 sprite ah 2 biyo ah oo dasani ah 1 litre ah falaas shaaha, waxa aanu ku jirnaa jawi khayaal marqaan baan xigigaha tiriney, wxy igu celisay heestani waayo dahabi ah, barwaaqadii miyiga noloshiisii waayadii hore ee dalka gaalku iman, saan cadaaluhuna horkicin, ee talada xeerbeegtidu haysay.

  • @apdirahman1433
    @apdirahman1433 16 днів тому

    Wooooooooof old is Gold 🥇 alla maxay Hees dhaaftay 🎉🎉🎉❤

  • @SuugaanDhaadhiSuugaanDhaadhi
    @SuugaanDhaadhiSuugaanDhaadhi 2 роки тому +3

    Waa mid ka mid ah heesaha dhaqanka
    kuwooda ugu mcn waa maskaxdii mualif
    kii caanka ahaa ee abwaan Hassan Ganney.

  • @abdihanad
    @abdihanad 2 роки тому +3

    Waxaa dhagaysanaya 17 dec dhamaadka sanadka 2022 habeen sabti ah jimco sii baxayso mogdishu somalia.

  • @jazz8931
    @jazz8931 2 роки тому +6

    Somaliland weli wey nacibyin somalia but still love hasan samatar

  • @caalamiboy3510
    @caalamiboy3510 3 роки тому +21

    Fanaaniinta raga waxaan ka qaadan laha hassanow eedan dumarkana sahra axmed. 18-10-2021 from tookiyo

  • @hassanb8172
    @hassanb8172 11 місяців тому +1

    Allah ha u naxariista dambigeeda Allah dhaafo,

  • @bagalxaranbaa1187
    @bagalxaranbaa1187 2 роки тому +1

    Walaahi waxeey ahaayeen mucjiso soo martay fanka Soomaaliyeed, kan heesta curiyay iyo kan laxanka saaray iyo 2 fanaan ee qaadaya waaaw. Umaleeyn maayo in eey dib noosoo mari doonaan allaha xafido dhamaantood. Murti ayaa ku dhamaatay iyo erey suugaaneed.

    • @calidaamey473
      @calidaamey473 2 роки тому

      Dib ma lo arki dono

    • @abdikarimfeytin312
      @abdikarimfeytin312 2 роки тому +1

      Ereyada: Abwaanka dhaqan yaqaanka ah “Xasan xaaji Cabdilahi. Ganey,
      Laxanka macaan ; xasan adam Samatar
      Codka. Isla Xasan adam
      Iyo AHN. SAHRA Ahmed

  • @abdullahiyusufwarsame5393
    @abdullahiyusufwarsame5393 3 роки тому +11

    Allaha caafiyo hassan aadan sahrana allaha unaxariisto heestaan waa heesaha aan ugu jclhy sahro iyo hassan wada qaadaan geel iyo faras ay isku tilmaamaayaan

  • @MOOLIF00
    @MOOLIF00 2 роки тому +8

    Anoo waligey reer baadiya ahaa ayaan hadana wada fahmeynin heestan. Cajiiib

  • @MaxamedCanbuur
    @MaxamedCanbuur 10 місяців тому +2

    Heestu waa farshaxan qof sawiri yaqaan hadu jiro indhaha ku caafimadi laha 😂😂

  • @MahadHassanMohamed-q9d
    @MahadHassanMohamed-q9d 21 день тому

    Waaaw waayo waayo. Sahro axmed alle haunxristo hoyadii fanka

  • @vamranv
    @vamranv 2 роки тому +5

    6:06 sagal gaaxday
    7:07 kala soocday dhibicii
    7:30 madow suul
    7:46 ku surmiday saraar

  • @XuseenMaxamed-b8h
    @XuseenMaxamed-b8h Рік тому +2

    Heestaan cadale ayaan kudhagaysanaa waxaan fahansiinayaa sxbkay idoor heestu kala rogeeda marqaan wanaagsan 2023 12 6

  • @sadiq07
    @sadiq07 2 роки тому +6

    Saxan saxa udgoon bdn sanka kuula raacaaa 🙆👌👌

  • @mohamedabdinasir9733
    @mohamedabdinasir9733 3 роки тому +20

    Hamaynkii iigu horaysay heestaan waxay ahayd 2004 dhamaadkeedii waxaan xasuustaa anigoo cunug yar ah ayaan waxaan raacay niman waawayn oo aroos meel miyiya laga dhisaayo aadaya way iska kay reebi karwaayeen markaa maraanu arooskii tagnay ayaaa waxaa la tuntay gaaf intii loo fadhiistay ardaagii gurigii arooska hortiisa ah mid ka mida ragaan galabta soo raacay baa la kiciyey oo la dhahay hees noo qaad markaas buu gabdh isna soo kiciyey heestaan ayay wada qaadeen xasuusteedii iyo quruxdii midhahe heesta ee miyir ka qaadka ahaa ee xusuustayda ka bixi waayay ayaa ahaaa iyo waliba ninka qaadayey heestaas oo cod aaan caadi ahayn noogu cawaysiiyey waxanaa ka mid ahaa
    Sayloo guyaal badan
    Soo baxa kaliishii
    Seelseelna loo degay
    Sannad geelu badi dhalay
    Oo sidigtii Laalays
    Nirguhu aanay socod baran
    Reeraha sintoodiyo
    Kaymo saar leh loo dhigay
    Oo igadh mid yari sabo
    Maqaar lagu salaaxay
    Saameeshay gaawaha
    Oo baarqab soohani
    Isagoo ah laba-sabar
    Soofeeyey micidoo
    Ka sanqadhiyey doobtii
    Salaaddiina roorsaday
    Ugabkii u saniyo
    Surmo dheer la tiigsaday
    Saqdii dhexena roob helay
    Subixii bariisada
    Sidoodaan jalleecada
    Saxansaxo udgoon badan
    Sanka kuula raacaa
    Xiligaasna wXay ahayd xili barwaaqo ah xuuus aan dhamaan hada oo ay tahay 2021/10/27 waxaan ku dhagaysanayaa Caasimada umada soomaaliyeed ee muqdisho

    • @somali7851
      @somali7851 3 роки тому

      Kk Caruur baa tahay sxb 50sano ka hor ayaan dhagaysan jirny

    • @mohamedabdinasir9733
      @mohamedabdinasir9733 3 роки тому +2

      @@somali7851 1978 ayaa heestan la qaaday waxayna ka mid ahayd Riwaayadii Galbeed waa la xoreeyey ee uu curiyey Abwaan Xasan ganey mana jirto 50 sano ee waa 43 sano
      Mid kalee meesha taalaana waxaa weeye anigu xili fogba ugama jeedin ee meeshaan ku dhagaystay iyo markii iigu horaysay uun baan sheegay

    • @osmanb8446
      @osmanb8446 3 роки тому +1

      @@mohamedabdinasir9733
      Waa sidaas, 1978 ayey markii u horaysay soo baxday, anagaa berigaas ku dhegaysaney rikoodhadii Seenyada ahaa iyo National Panasonic gii ay soo waaridi jireen jannaalayaashii Sacuudiga iyo khaliijka kale kasoo fasax noqon jiray.

    • @farhanyusuf6133
      @farhanyusuf6133 2 роки тому

      Masha allah

  • @hassenhero1745
    @hassenhero1745 7 місяців тому +1

    Aabaha fanka somalia 😊

  • @SuugaanDhaadhiSuugaanDhaadhi
    @SuugaanDhaadhiSuugaanDhaadhi 2 роки тому +8

    Sayloo guyaad badan
    Soo baxa kaliishii
    Seel seel na loo dagay
    Sanad geelu badi dhalay
    Oy sidigtii Laalays
    Nirguhu aanany socod baran
    Reeraha dushoodiyo
    Kaymo sare Loo dhigay
    Oo igadh mid yari sabo
    Maqaar Lagu salaaxay
    Saameeshay gaawaha
    Oo baarqab soohani
    Isagoo ah Laba sabar
    Soofeeyey micidoo
    Ka sanqadhiyey doobtii
    Salaadiina roorsaday
    Ugubkii u saniyoo
    Surma dheer La tiigsaday
    Saqdii dhexena roob helay
    Subaxii bariisada
    Sideedaan jaleecada
    Saxan saxo udgoon badan
    Sanka kuula raacaa
    Sange subag idaad iyo
    Sumal badhidii Lagu shubay
    Ooy sabada ceelkiyo
    Sohdu tahay Agtiisoo
    Loogu dhaansho sacabada
    Oo sudiyo hawd sare
    Sadex guure daaqoo
    Weli aan sed yari arag
    Oo seeto iyo dabar
    Labadaba ka saahiday
    Oo salow dagaaliyo
    Sidii geyn saraayaha
    Oo sararta naaxdiyo
    Timuhu ay isku seexdeen
    Oo sayn gargoortii
    Loo salaaxo guudkoo
    Saxarkii ku duuliyo
    Looga maydho siigada
    Loo saaro Kooraha
    Cigaalkiina Loo sudhay
    Sara joogle iyo muuq
    Adaa suuradiisa Leh
    Sagal gaaxday
    Roob subax
    Seerma waydo soo guray
    Waaguna ku saro kacay
    Cad ceedu La siman tahay
    Nuurkuna Sabootiyey
    Oo waql sindanab iyo
    Guulaamo socotiyo
    Kala soocday dhibicdii
    Oo midab sibaakhiyo
    Cadaan wada siraatiyo
    Madow suul dhalaal xiga
    Sadexdaa miduun yahay
    Qof suureeyey kala garan
    Oo beel sanaagiyo
    Ku surmiday saraar godan
    SaadaaLinaysoo
    Bal halkuu ku simo iyo
    Sugayaan halkuu helo
    Subixii bariisada
    Sidoodaan jaleecada
    Saxan saxo udgoon badan
    Sanka kuula raacaa
    Dhulka saacu wada gaadh
    Waanu kala sad roonyee
    Meel idaha seel u leh
    Riyahana salool u leh
    OO geela saar u leh
    OO dirir sagaariyo
    Sagal gororkuna helay
    Sagayaa xareedaa
    Biyuhuna sun sumayaan
    OO saawa saawiyo
    Saxal cudur lahaynoo
    Salka looga dhigay nabad
    OO sararta naaxdiyo
    Simantahay dureemadu
    OO sebiga caanihii
    Lagu siiyey golihii
    Habluhuna sibraar iyo
    Dhiilo saabka loo tolay
    Sinta bidix ku qaadeen
    Subaxii bariisada sideedaan
    Jaleecada saxan saxo
    Udgoon badan
    Sanka kuula raacaa.

  • @Waayeelka124
    @Waayeelka124 2 роки тому +1

    Habeenku waa fiid Hore oo ku beegan 8:50 bishuna waa dabaqaadyadii sanadka 2022.
    Waxaan Fadhiyaa Meherad shaah Kululna Gacantaan ku hayaa,waxaa dheegagayga Fadhiya rag aanu fadhiga isla Fadhino, habeenku waa qabow cirku waa madow falaadhaha xidigaha baa cirka ka dhex iftiimaya.

  • @MaxamedFabio-z6i
    @MaxamedFabio-z6i 2 місяці тому

    Heeatu u horeesey an ka qaado aroos miyi waa xasusta 2019 ano 15 jira😮❤😊

  • @hafsadahir1707
    @hafsadahir1707 4 місяці тому +1

    Heesaha qaar markaan dhageesto waxaan dareemaa inaan afka soomaaliga SI fiican u garaneen. Wa inaan afjeena nooleena oon buug ka qornaa

  • @IsmailIsmail-on3pb
    @IsmailIsmail-on3pb 3 роки тому +12

    SAYLA waa deegaanka Hargeysa, waa dhul duud ahaan jiray oo xooluhu/geelu daaqi jireen

    • @sakariyeabdi9046
      @sakariyeabdi9046 2 роки тому

      Sayla magaaladaydii

    • @abdihashi6225
      @abdihashi6225 2 роки тому

      @@sakariyeabdi9046 ta bari mise ta galbeed

    • @muruq
      @muruq Рік тому

      ​@@abdihashi6225 waa tan galbeed ee ayubku dago

  • @mohamedaliran
    @mohamedaliran 29 днів тому

    Illaahay ha kuu naxariisto Aamiin

  • @Naasiraxmed-h6y
    @Naasiraxmed-h6y 6 місяців тому

    ❤❤❤❤❤ 4:06

  • @MursalNuunow
    @MursalNuunow Рік тому

    Cajiib cajaaib best song in xasan aadan samatar & sahra axmed jaamac xili waa xiligii hore dadna waa dadkii hore fana waa fankii hore ALLAH unaxariisto hooyo sahara axmed jaamac janada Allaha ugu bishaareeyo 😢😢😢😢😢

  • @haawodagan5472
    @haawodagan5472 3 роки тому +28

    Sange subag idaad io
    Sumal various lagu shubay
    Ooy sabada ceelkiyo
    Sohdu tahay agtiisoo🙆👌👌
    Loogu dhaansho sacabada
    Oo sudiyo howd sare
    Seddex guure daaqooo
    Weli aan sadyari arag🙈
    ................. salka jooga io muuqa
    Sanku neefle keligaa
    Adaa suuradiisa leh👏❤ qurux la suureyey oo waliba sifooyin ashqaraar ah lagu dhigay❤❤❤❤ waa jimco 15oct 2k21 xiliguu waa curashada roobka deyrta oo ka da,aya gobolada qaar uu ku jiro kaan joogo👍🙏🙏

    • @mowlidfarah3238
      @mowlidfarah3238 3 роки тому +1

      Haawo dagan ma umaleysa inaaa meeel qura wada joogno balse aynu is aqoon 😉

    • @haawodagan5472
      @haawodagan5472 3 роки тому +1

      @@mowlidfarah3238 laga yaabee wlle anigu shabeloyinka ayaan joogaa🙏

    • @xuseendhangub9704
      @xuseendhangub9704 3 роки тому +2

      Riwayad waxa Alif Abwankii weyna ee xasan geney Riwayada magaceda waxa la yidhahad GALBED WAA LAXOREY WARSA GAGIXISAY waxan ku dawaday tiyetaarka hargeysa waxa xidig iyo xidg ka Ahaan xasan Aaden iyo AHUN sahra Axmad jamaac waxey Aheyd RIWAYAD Qaliya waxan dhigay hobaladii waberi hargeysa

    • @haawodagan5472
      @haawodagan5472 3 роки тому +2

      @@xuseendhangub9704 c xasan ganey AUN mcnlinkii jaceylka aad baan u taageeraa suugaanta io riwaayadaha uu lahaa abwnku🙏🙏 nasiibayaad u yeelatay in aad live u daawato balse aniga io qaar ila mid aha y tube uunba ka raacdeynaa🚶‍♀️ alle ha u naxariisto dhamaan intii dhimaty🤲🤲

    • @xuseendhangub9704
      @xuseendhangub9704 3 роки тому

      @@haawodagan5472 wll xasna ganey mu dhiman wuxuu degana Hargeysa Anigu wll waxa Live ku dawaday Riwayado badana waxana kalo Live iyagan ku Arkey fanaanin badana oo dhinten AHUN

  • @alaskafingaflip6531
    @alaskafingaflip6531 2 роки тому +5

    Dhulko saacu wada gaadh waanu kala sed roonyee meel idaha seel u leh riyahana salool u leh aaxsan erayo allow kunaxariso 😥😥😥😥😥

    • @muusaguled4250
      @muusaguled4250 Рік тому

      Heestan gabay aan horey u akhriyay bey meel meel ka shabahdaa sida seel ule salol ule saar ule

  • @SidOmar-ty1nc
    @SidOmar-ty1nc Рік тому +1

    Jawi mcne oo quruxbdn roobna da aayo xili hawen ah ayaan hestaan dhageystay ilaa subixi kama daalo hestaani m.a inta iga dambeyso like

  • @Nuuriye_channel
    @Nuuriye_channel 2 роки тому +5

    Buuga somaliga form four intii ku aragtay like saara

  • @CcasiisXasan-d5u
    @CcasiisXasan-d5u 2 місяці тому +1

    Sagal gaaxday roob sugaa sarmaweyday waaguna Kasara kacay sarjoog nin dhererkii 17 October 2024 haben khamiis siì baxyso jimcana so galeyso hadad ika dambeyso slmn❤

  • @9SLD09
    @9SLD09 2 роки тому +5

    Heestan waxaan dhagaysan jiray xilgii aan collegeka dhigan jiray 2019 hadana waaan dhagaysanayaa ax yaaa heeeees 2022 bishii 12 26 bari maraysaa coming 2023 saqdii dhexana roob helay subaxii bariisada sideedaan jaĺeecada sanka kuuula raacaaa🥀😭🥂🎧🎧🎧🥀🎧🌹🎧🎧🎧🎧🥂🥂🥂🥂🥀

  • @HaykalHassan-l3u
    @HaykalHassan-l3u 4 місяці тому +1

    heestaan cajaaib waaye ❤

  • @hassanb8172
    @hassanb8172 11 місяців тому

    Barwaaqada ay ka shakeeynayan iyo jaceyl ka saxda ah ee labada qof looga baahan yahay iney isku jecladan tusaalaha ay ka bixinayan wax loo dhiga la waaaa
    Allahuow labaduba u dambi dhaaf.

  • @LibaaxDhunyare-fe2sz
    @LibaaxDhunyare-fe2sz Рік тому +1

    Hooyo sahra axmaad hooyo😢😢 allha kuu naxariito😢😢

    • @maxamedshacraawi
      @maxamedshacraawi 5 місяців тому

      ᴀᴀᴀᴍɪɪɴ ʏᴀᴀᴀ ʀᴀʙɪ ɪʟʜᴏᴡ ᴜᴅᴀɴʙɪ ᴅʜᴀᴀᴀғ❤❤😭🤲🤲🤲

  • @AxmedAbdiladiif
    @AxmedAbdiladiif 9 місяців тому +1

    Yaa salam ❤

  • @samriye
    @samriye 4 місяці тому

    Woow xasan adan iyo sahra axmed woow alfnaan heesyan waxaykufadhidaaa micbo wayn waxaana sameeyey abwaAn xasan ganatn waxaanay kashrkenaysaa yaaaa fahmikara wixiii indheergarad

  • @abdihassan3836
    @abdihassan3836 8 місяців тому +1

    Abwaan Hassan Ganey. Sahra Ahmed AUN waqigii aan ardayda ka ahayn Somalia , heesaha Sahra waan ku nafi Jiray.

  • @team27_asad_hagio
    @team27_asad_hagio 4 місяці тому +1

    Who watching 👀 in 2024❤

  • @guleedmaxamed9203
    @guleedmaxamed9203 Рік тому +3

    Dhaqan-kiyo quruxdiisa♥️

  • @mohamedxussen-fu3yc
    @mohamedxussen-fu3yc 7 місяців тому

    Oo seeta iyo dabar labadaba
    Ka saahiday oo
    Salaw dagaaliyo
    Cidi gayn saraayaha.
    Waa sidaas sxb inta kale waa sax erayada mahadsanid

  • @Abdisalanmohamoudahmedilkacase
    @Abdisalanmohamoudahmedilkacase Рік тому +30

    Allh hawnaxaristo edaday sahra axmed jamac aaaaaaaaaamiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin yaaaaaaaaarabi

    • @mohamedqaray847
      @mohamedqaray847 Рік тому +4

      (Wcb)2 viking ppe23/24elite(eagle-eyed).

    • @diiriyemaxamed6146
      @diiriyemaxamed6146 Рік тому

      ​@@mohamedqaray847😅😊😅😊😊 4:26 😊

    • @xasanaden5840
      @xasanaden5840 11 місяців тому

      ❤❤❤​@@mohamedqaray847❤❤

    • @abdiazizIsmail-ec6zh
      @abdiazizIsmail-ec6zh 9 місяців тому

      ☻︎😊☻︎😊😊😊😊😊ت︎😊😊😊😊😊😊😊😊😊😊😊😊😊😊😊😊😊😊😊😊😊😊😊😊😊😊😊😊😊😊😊😊😊😊😊😊𓀡😊𓀡♕︎𓀡😊𓀡😊😊😊𓀡😊😊𓀡𓀡𓀡𓀡𓀡😊𓀡𓀡𓀡𓀡𓀡𓀡𓀡𓀡𓀡𓀡𓀡𓀡𓀡𓀡𓀡𓀡𓀡𓀡𓀡𓀡𓀡𓀡𓀡𓀡𓀡𓀡𓀡𓀡𓀡𓀡𓀡𓀡𓀡𓀡𓀡𓀡𓀡𓀡𓀡𓀡𓀡𓀡𓀡𓀡𓀡𓀡𓀡𓀡𓀡𓀡𓀡𓀡𓀡𓀡𓀡𓀡𓀡𓀡𓀡𓀡𓀡𓀡𓀡𓀡𓀡𓀡𓀡𓀡𓀡𓀡𓀡𓀡𓀡​@@mohamedqaray847