MAXAMED & FAADUMO - CULUSAA ALLAHAYOW

Поділитися
Вставка
  • Опубліковано 11 вер 2024
  • MAXAMED AADAN DUGSIIYE & FAADUMO AXMED
    CULUSAA ALLAHAYOW
    DJIBOUTI, JABUUTI, SOMALI
    #united states, #united kingdom,# Canada, #Netherlands, #France, #Italia, #China, #south Korea, #mexico, #germany, #folk music, #中国, #日本, # 대한민국, #한국, #日本
    united states, united kingdom, Canada, Netherlands, France, Italia, China, south Korea, mexico, germany, folk music

КОМЕНТАРІ • 161

  • @alexlegrand6669
    @alexlegrand6669 6 років тому +100

    Culusaa allahaayoow
    Naftu caato badanaa
    Arimuhu cuyuubanaa
    Ciil kaambi weeynaa
    Ma dhulkaan colownoo
    Cirkanaa igu soo dumay
    Waa maxa cidhiidhigu
    Calaf lama hor joogsadoo
    Anna kuuma cadhaqaboo
    Ciil kaambi ha u dhiman
    Talo Waa calool adayg
    Hadii wacadkii caariday
    Anna caashaq ha i dilo
    Adna caano iyo nabaad
    Cimrigaa ku nooloow
    Waxay daruuri curataa
    Kolkuu caadil shubayee
    Dhirtu waxay cusbaataa
    Eey curubta saartaa
    Kolkay ciidu qooyday
    Xididadu cabaan bay
    Bixisaa caleentee
    Waa hadal caqliga galaa
    Ama laysku celiyee
    Waxse Caawa ii daran
    Taladan cayn wareegtee
    Anna culuq ilaahiyo
    Caynaan Oo ii maqan
    Adiguna caqiibiyoo
    Caafimaad ku nooloow
    🌷🌷🌷🌷🌷🌷🌷
    Calooshuna kumay niciine
    Cidna kaama raacine
    Soow nabadii ceel iyo
    Cunsur aabo kuma ridin
    Anna soow canaan iyo
    Cadho waalid kama baqan
    Miyaan tiisi caariday
    Ubad Waa la celiyaa
    Cudud loogu faanaa
    Caashaqa ku weerara
    Ayaa loo la cawdaa
    Hadii wacadkii caariday
    Anna caashaq ha ii dilo
    Adna caano iyo nabaad
    Cimrigaa ku nooloow
    Nin canaan ka yaabee
    Ceesaan ma doojee
    Caadada dadkeenuna
    Inay cidhib la’aan tahay
    Jacaylkii cabliyo heley
    Ee dilay cilmiyo hodan
    Sow laguma caayeeyn
    Amba igu cuslaayoo
    Sidii caamir loo heley
    Ciirciiris baan ehee
    Adigana maku cuskaday
    Anna culuq ilaahiyo
    Caynaan Oo ii maqan
    Adiguna caqiibiyoo
    Caafimaad ku nooloow

  • @CSeerbiya
    @CSeerbiya 5 років тому +74

    Taariikh Faneedka Faadumo Axmed Dhimbiil (1948-2018) Waxa Qoray Cumar Seerbiya
    Faadumo Axmed Dhimbiil sannadkii 1948 ayey ku dhalatay xaafadda lixaad ee Jabuuti ka dibna iyada oo 19 sanno jir ah oo aanay cidina fanka ku aqoonin ayey tagtay Xamar sannadkii 1967, waxayna la kulantay kooxdii Xabadi keentay ee ka timi Yementa Waqooyi, waxayna intii ay Jabuuti joogtay ee Xamar ka hor ka mid ahayd dhallinyarada gobonimo doonka ah .
    Kooxdan Xabadi keentay la dhihi jiray oo ahaa Abwaanno ka soo cararay dagaaladii ka socday waqooyiga Yeman waxa ka mid ahaa Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi, Jaamac Saleebaan Tubeec, Maxamed Jaamac Ilkacase iyo Maxamed Siciid Baandey.
    Kooxdan ayaa Faadumo Xamar ku soo dhaweysay waxayna isla sannadkaasiba (1967) ay kooxda la meteshay Riwaayaddii Reer Ba'oow yaa ku leh? , ee sheekadeeda uu lahaa Abwaan Hadraawi halka heesaha ku jiray badankoodana uu lahaa Maxamed Jaamac Ilkacase .
    Riwaayadda waxa jilayey , Faadumo Axmed Dhimbiil iyo Cabdiraxmaan Xasan Sheekh (Abuuraas) oo isku ahaa Arbaha koowaad iyo Qalanjada Koowaad , Maxamed Siciid Baandey, Asli Khayre Gabboon iyo Jaamac Dubad Xiiray, waxayna kooxdu ka bilawday Balcad, Gaalkacayo, Qardho , Burco ilaa ay ku soo laabteen Xamar. .
    Heesaha riwaayadda ku jiray ee ay Faadumo Axmed Dhimbiil qaadday waxay ahaayeen labada hees ee erayadooda uu lahaa Maxamed Jaamac Ilkacase laxankana uu saaray Jaamac Saleebaan Tubeec ee kala ah “Maahee Khadraay” oo ay la qaaday Cabdiraxmaan Abuuraas balse markii Xamar lagu soo laabtay la siiyey Sahra Axmed Jaamac iyo Maxamed Nuur Giriig waxayna noqotay heestii u horreysay ee ay Sahra qaaddo, iyo weliba heesta kale ee “Hiddo” oo ay dadka qaarna ku yaqaanaan “Mays heli karnaa?” waxaana riwaayadda dhexdeeda kula qaaday Maxamed Siciid Baandey markii dambena idaacadda waxa looga duubay Faadumo iyo Maxamed Nuur Giriig oo aan isagu riwaayadda ku jirin.
    Markii ay dhagaha bulshada gaadheen heesihii ay qaadday Faadumo waxay noqotay gabadh fanka dhexdiisa aad looga tixgeliyo intii ay joogtay Xamar iyo Soomaaliyaba .
    sannadkii 1972 Faadumo Axmed waxay ka mid ahayd koox fannaaniin ah oo isugu jiray kuwa ka soo jeeday Jabuuti iyo kuwa Soomaaliya ka tagay kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Cabdi Aadan Xaad(Qays) , Xaliimo Cabdi Odawaa (oo ay dad badani ku garan karaan heestii ma naftaydaan Mindi geliyaa?) , Maxamed Aadan Dugsiiye, Cabdi Ibraahim Geeddi ( Cabdi Bow-bow) oo isagu ka mid ahaa dadkii fanka Jabuuti dhidibada u taagay iyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Abuuraas.
    Isla sannadkaasi 1972 waxay Faadumo Axmed Dhimbiil ka qaybqaadatay riwaayaddii ‘Muuse Iyo Maryan” ee uu allifay Ibraahim Aw Saleebaan (Ibraahim Gadhle) oo Jabuuti loo yaqaanay magaca Cumar Cabdi Aw-Maxamuud oo ahaa magacii uu dhalashada ku qaatay., waxaana riwaayaddaasi ku jirtay heesta aadka loo jeclaysto ee “Culusaa Allahayow” ee uu laxanka lahaa Cabdiraxmaan Cali Xirsi , ayna wada qaadeen iyada (Faadumo) iyo Maxamed Aadan Dugsiiye.
    Sannadkii 1976 Abwaan Ibrmaahim Gadhle ayaa curiyey riwaayad la odhan jiray “Halgankii umadda iyo hoog isticmaar” oo ka hadlaysay in dadka reer Jabuuti xornimo ka rabaan gumaystaha Faransiiska. Dowladda Soomaaliya ayaana lacagta riwaayadda bixisay , waxaana riwaayaddan oo lahayd sidoo kale qayb Canfari ah oo uu ku darsaday Abwaan Axmed Laacde, laga dhigay Soomaaliya iyada oo laga soo bilaabay Borama ilaa Beledxaawo, waxayna riwaayaddu socotay muddo 71 habeen ah , waxayna kooxdu ka koobanyd ahayd 30 qof .
    riwaayaddan waxa ku jiray heeso ay ka mid ahayd heesta “ Ragga kaan ka eegtow Ama Ilwaad” oo ay wada qaadeen Faadumo Axmed Dhimbiil iyo Cabdinuur Alaale, waxaana heestan erayadeeda lahaa Xuseen Jig-jigaawi halka uu laxankana saaray Cabdinuur Alaale Xirsi, sidoo kale heesta , Nuur Dalaacow dib miyaad u soo noqon , waxa erayada Faadumo u dhiibay Xuseen Jigjigaawi laxankana isla Cabdinuur Alaale ayaa saaray.
    Sidoo kale isla riwaayaddan Ibraahim Gadhle waxa ku jiray gabayga caanka noqday ee” Afrika” oo ay ku luuqayso Faadumo Axmed Dhimbiil, heesta Allahayow dadkaygii ayey sidoo kale ka qaaday Faadumo riwaayadda .
    Faadumo iyo fannaaniintii ay wada socdeen oo ay ka mid ahaayeen Nimco Jaamac Migil , Cali Cabdi Dawaale iyo Abwaan Aadan Tarabi Jaamac waxay yimaadeen Xamar, waxayna riwaayaddii ka dhigeen Shaleemo Banaadir , iyaga oo booqday Jaamacadda Lafoole oo ay kula kulmeen Abwaan Maxamed Ibraahim Hadraawi iyo Maxamed Xaashi Dhamac Gaarriye ka dibna waxay ku laabteen Jabuuti.
    Sannadkii 1978-kii waxa raadyaha Jabuuti laga shaqaalaysiiyey Kontan qof oo iskugu jira qaybaha kala duwan ee fanka oo ay ka mid tahay Faadumo Axmed Dhimbiil oo sidoo kalena la shaqayn jirtay kooxdii Gacan Macaan oo uu guddoomiye ka ahaa Abwaan Aadan Faarax Samatar laga soo bilaabo1971.
    Faadumo Axmed Dhimbiil waxay qaadday heeso aad u tiro badan oo badankooda caan ka dhex noqday bulshada sida Heesta Gaaraabidhaan oo uu erayada lahaa Abwaan Xuseen Aw-faarax Dubad horena ay u qaaday Xaliimo Cabdi Odawaa balse ay ku caan baxday Faadumo iyo heesta Tufaaxii aan tirsaday oo iyaduna ku jirtay riwaayaddii “Hanweynaa Ma Huryaa” ee uu lahaa Abwaan Xasan Cilmi Diiriye , waxana sidoo kale heestan hore u qaaday Xaliimo Cabdi sannadkii 1974 . laxankana Cabdiraxmaan Cilmi Xirsi ayaa saaray.
    Faadumo Axmed sidoo kale waxay qaaday heesta “Qaniiyada Abeesadu” oo uu erayada iyo laxankaba lahaa Axmed Xuseen Jigjigaawi . isla Faadumo ayaa Maxamed Nuur Giriig waxay wada qaadeen heesta”Soo mar “ oo uu erayada lahaa Cali Cilmi (Cali Aflow” halka uu laxankana saaray Maxamed Cali Nahaari (Maxamed Nahaari).
    Faadumo Axmed Dhimbiil sidoo kale waxay aad ugu wanaagsanayd ku luuqaynta laxannada qaraamka ah , waxaana xusid mudan in 1974 uu Maxamuud Ismaaciil Xudaydi uu Jabuuti ugu tumay Faadumo heesta laxanka Rogaal .
    Faadumo Axmed Dhimbiil dhawr iyo sagaashankii ayey Jabuuti ka dhooftay waxayna tagtay dalka Holland ka dibna Ingiriiska ayey u wareegtay .
    Sannadkii 2004 ayey Jabuuti ku soo laabatay, intii ka dambaysay waxay u badnayd Ingiriiska , 24-ka bishii May 2018 ayey Faadumo ku geeriyootay dalka Turkey-ga waxaana 25 Bisha May lagu aasay magaalada Jabuuti .
    Taariikhda Faadumo Axmed Dhimbiil waxa iiga waramay dad ay ugu horreeyaan, fannaanka Cabdinuur Allaale Xirsi oo sidoo kale ah Qoraa Suugaanta ururiya laga soo bilaabo 1971-kii, Jaamac Saleebaan Tubeec ayaa isna iiga waramay markii ay Soomaaliya timi 1967 iyo bilawgii fankeeda , waxaan sidoo kale dhageystay Waraysi laga qaaday Faadumo mar ay dalka Jabuuti joogtay.Waxaana iga xasuusin ah inay jiraan heeso badan oo ay qaaday Faadumo kuwaasi oo aanan qoramadan ku sheegin.
    Waxa Qoray Cumar Seerbiya
    23 , Febraury ,2019. Muqdisho Soomaaliya

    • @faationline4843
      @faationline4843 4 роки тому

      Allah ha u naxariisto

    • @daheraden5087
      @daheraden5087 4 роки тому +2

      Great job bro !!! Hawl fudud maaha runti hawshan aad gashay ilaahay ha kaa jazai siiyo runtii !!! Fadumo axmedna ha u naxaristo

    • @YHBDJIB
      @YHBDJIB 2 роки тому

      Many thanks for your job

    • @maxamadqadiibmacalin1707
      @maxamadqadiibmacalin1707 Рік тому +2

      Sxp top man ayaad tahay mahadsanid 100% fanaanadana allaha unaxariisto waa haldoor aan leheli doonine😢

  • @daheraden5087
    @daheraden5087 4 роки тому +22

    Proud to be djiboutian !!! Kuma reer jabuuti ah farta taag!!!!
    Que tout djiboutien me file un pouce bleu!!! Fier de ma patrie .la terre des hommes fiers.....
    Je suis djiboutien et vis actuellement en Allemagne
    Les djiboutiens sont les meilleurs en tout et ce, partout.....thanks god!!!!

    • @bandjirbarwakoomar8696
      @bandjirbarwakoomar8696 Рік тому

      Camarade souviens toi du El KEF et de la galère du retard de la bourse oups la retraite 🤣🤣🤣🤣 merci à ces artistes au voix d'or.

    • @araleabdi56
      @araleabdi56 5 місяців тому

      Wax jabuti la dhaho ma jirte you are part of somalia

  • @mukhtarabibsuldan21
    @mukhtarabibsuldan21 4 роки тому +10

    culusaa alahayoow 😢😭
    ilaahow intii culays dareemysa fudayd ugu badal ilaahow faraj khayr qaba noo fur

  • @abdinaasirjaamac2272
    @abdinaasirjaamac2272 5 років тому +15

    Heestan waa raadin jiray lakin caawa helay like ii saar hadaa aaminsantahy in jacaylku wax jirayahay

  • @faationline4843
    @faationline4843 4 роки тому +9

    2019/bishii 1ilaa bishii 8 ayaaan xalad daran Oo bilaa xoriyad ah kujiray markaasan dhegaysan jiray waanka baxay wakhtigii adkaa Lkn wayska xasuustaa heestan

  • @yaasmiinyuusuf7110
    @yaasmiinyuusuf7110 6 років тому +15

    Nin cannaan ka yaabi
    Ceesaan ma doojee
    Caadada dadkeenuna
    iney cirib la'aan tahay
    Jacaylkii cabliyo helay
    Ee diley cilmiyo hodan
    Sow laguma caayeeyn
    Faadumo ahmed dhimbil allah ha u naxariisto waa hees dareen leh oo cajiiba walaalaha jabuuti raxmaanku ha idiin dhawro

  • @aydrousmahmud638
    @aydrousmahmud638 3 роки тому +5

    Hadii Wacadkii Caariday
    Ana Caashaq Hay Dilo
    Adna Caano Iyo Nabad
    Cimrigaa Kunoolow....
    Dhamaantiin wang iyo guul bn idiin rajynayaa

  • @osmanyussuf7069
    @osmanyussuf7069 3 роки тому +5

    Ceeblaay jabuutay
    Taan caano iyo nabad
    Caruurnimo kunoola
    Cimriga hawaaree
    Cabsi baaba joogtee
    Yuun cadow kuso galin

  • @mohamedosmanadan3606
    @mohamedosmanadan3606 6 років тому +40

    Culusaa Allahayoow
    Nafta caato badana
    Arimuhu cuyubana
    Ciil kaambi weeynaa
    Madhulkaan colowno
    Cirkana igusoo dumay
    Waamaxaay ciriirigo
    Calaf lama hor joog sado
    Ana kuuma caraqo
    Ciil kaambi ha udhiman
    Talo waa calool adeeg
    Hadii wacadki cariday
    Ana caashaq ha idilo
    Adna caano iyo nabad
    Cimrigaa ku nooloow
    Waxeey daruuri curataa
    Kolkuu caadil shubayee
    Dhirta waxeey cusbaata
    Eey curugta saartee
    Kolkeey ciida qooydeey
    Xididao cabaan beey
    Bixisaa caleeyn tuyee
    Waa hadal caqliga
    Ama leeysku celiyee
    Waxse caawa iidaran
    Taladan ceeyn weergte
    Ana culuq ilaaheyo
    Ceeynaano ii maqan
    Adiguna caqiibiyo
    Caafi maad ku nooloow
    👁👁👁👁👁👁👁👁👁
    Calooshuna kumeey nicin
    Cidna kaama raacine
    Soow nabiyo celiyo
    Cusuraabo kuma ridin
    Ana soo canaan iyo
    Cara waalid kama baqan
    Miyaan tiisa cariday
    Ubad waala celiyaa
    Cudud loogu faana
    Cashaqa ku weerara
    Ayaa loola cawdaa
    Hadii wacadki cariday
    Ana caashaq ha idilo
    Adna caano iyo nabad
    Cimrigaa ku nooloow
    Nin canaan ka yaabin
    Ceeysaan ma doojee
    Cadada dad keenuna
    Ineey cirib la aan tahay
    Jaceylkii cablo iyo helay
    EE dilay Cilmi iyo hadan
    Soo laguma caayin
    anba igu cuslaayo
    Sidii caamir loo helay
    Ciirciiris baan ehee
    Adiguna maku cuskaday
    Ana culuq ilaaheyo
    Ceeynaano ii maqan
    Adiguna caqiibiyo
    Caafi maad ku nooloow
    👀👀👀👀👀👀👀👀👀👀

  • @HassanAhmedAhmed
    @HassanAhmedAhmed 5 років тому +6

    December 2018 ayaa wali dhagaysta heestan???????? Cajiib waa dhaxal gal iyo xigmad waligeed jiri doonta. Fier de nos artistes :)

  • @ismaacilcalimuxumed2641
    @ismaacilcalimuxumed2641 Рік тому +1

    Ereyadii ibraahim saleban harun
    Laxanki maxamed adan dugsiye
    Riwaayadi halgankii umada iyo hoog isticmaar

  • @shaafijeyte9021
    @shaafijeyte9021 5 років тому +7

    Waayo waayo iyo heesihii hirgalay ee reer Jabuuti.
    Ereyadii AUN Ibraahin Garle, codadka Max'ed Aadan Dugsiiye iyo Faadumo Dhimbil AUN.

    • @abdirahmanhussein1899
      @abdirahmanhussein1899 4 роки тому

      Jabuuti hesaheedo ma faransiis baa kuwa ugu badan koonfurta lagu samyey

    • @awaliali5650
      @awaliali5650 2 роки тому

      Waar beenta dadka daa heestan AHUN ibraahin garle ma laha erayadee.
      Waxaa iska leh AHUN abwaan Xasan Cilmi oo ku magac dheera xasan Gadhle.
      Oo ahaa abwaan reer Borama ahaa markii dambana u guuray jabuuti

  • @hodanmohamud5377
    @hodanmohamud5377 5 років тому +15

    9/4/2019😭💔 9:58 pm😭😥 wlhi aney iga hadle allow adan cirsi ka raba💔

    • @aydarusfaysal9817
      @aydarusfaysal9817 5 років тому +1

      16/062019 11:38 wll alle muradkaaga hku sakhiro ameeeen

    • @hodanmohamud5377
      @hodanmohamud5377 5 років тому

      @@aydarusfaysal9817 amen dhamanten

    • @raagedirir9171
      @raagedirir9171 3 роки тому

      @@hodanmohamud5377 wakhtiga wanaagsan wuu imanaya sis

  • @karamoige5268
    @karamoige5268 6 місяців тому +2

    What a amazing song.!😮
    Old is gold,AHUN Dhamaantood.
    Still listining 23/02/2024.🎻🔥

  • @sultanhufane1051
    @sultanhufane1051 4 роки тому +4

    Heesta ugu macaan ay isla qadaan Maxamad Aden Dougsiyeh iyo Fadumo Ahmed Dhimbiil

  • @nimcowabari7444
    @nimcowabari7444 3 роки тому +2

    😍😍😍😍😍😍 walhi marwalba wan dhagaysta wan jecelAhay maxamed adna dugsiye & fadumo axmad dhinbil 💖💖💖💖💖💕💕💕💕💕💕💕💕💕

  • @fadxidinmaxamed5143
    @fadxidinmaxamed5143 5 років тому +9

    Talo Waa Calool.Adayg Si Bay ii Tabanysaa hestani😭😭

    • @khadarmohamed4812
      @khadarmohamed4812 4 роки тому

      Nin talo Ku ciirtay isagoo Fara mdhan uunbaa dareemi kara

  • @munoabdiqadir6109
    @munoabdiqadir6109 4 роки тому +3

    Waa waxa i haysta in ka badan
    20 sano aniga oo tayda la
    Yaaban baan hadana waxaan
    Ku dhex noolahay umad xusaada
    Oo cayr wada ah rabana cid tooda
    Daryeesha

  • @amiirnour8627
    @amiirnour8627 Рік тому +1

    Laxanka anaa saraay allaH💟

  • @barwaaqoinamire8909
    @barwaaqoinamire8909 2 роки тому +2

    Ma dhulkaan colowno cirkana igu so dumaye waa maxay cidhiidhigan😔😓
    Xalada ku suganahaye weeye allawo iga saar yaa raxmaan🤲allawo nolosha manta bilaabayo I qurxi ilahayawo ku nastaa waan daaley allawo sanadkaa noloshi adkeyde kaga gudbaa 😊

  • @osmanyussuf7069
    @osmanyussuf7069 3 роки тому +2

    Allah yacizak Dugsiye iyo Fadumo Axmad

  • @HalimoAbubaker
    @HalimoAbubaker 9 місяців тому

    Allah hou NARISTO FATOUMA Ahmed Allah ACCUEILLE au VALLEY FIRDAWS HAALAAH AMINE ALLAH ALLAH

  • @rukhiyamohamed1520
    @rukhiyamohamed1520 4 роки тому +3

    Axya hess Allaha no daa wadankayagi Djinouti

  • @jaamacsiciid4794
    @jaamacsiciid4794 4 роки тому +2

    30/06/2020 yaa ila dhgaysnaya

  • @bukhaariyare3139
    @bukhaariyare3139 6 років тому +4

    Waa waxa i haystee 😢😢

  • @zeramoudofficial5175
    @zeramoudofficial5175 4 роки тому +2

    04/9/2020MALIN ZABTIYAH DHAGAYSANAYAH MAR AAN UMUJINAYAY KALGACAYL MARWADAYDAAAA AN ADUNKA UGU JECELAHY
    XAZUUZ GARA AYAY ITHY

  • @lilboss5452
    @lilboss5452 6 років тому +5

    Rtd ayaan ku xasuusta Djibouti allow dhowr iyo ciyaal xaafahaygi heron plateau ba

    • @daheraden5087
      @daheraden5087 4 роки тому

      T'as quel âge?? je fréquentais le plateau et y jouais au basket quand j'étais jeune!!

  • @maxamedboobe
    @maxamedboobe 4 роки тому +2

    Khamiis 10 kii bishii 09 burco

  • @filsanmaxamed3593
    @filsanmaxamed3593 6 років тому +5

    ilove faadumomaxamed

  • @ubahibrahim1840
    @ubahibrahim1840 6 років тому +4

    Esha calaa hesdhe Ana culuq ilahiyo caynano imaqan adiguna caqidiyo cafmad kunolow

  • @nimcaanmohameddinimo8766
    @nimcaanmohameddinimo8766 4 роки тому +6

    All time block boster song 🎵 🎶 👌 ❤

  • @apdirahmanqalas3215
    @apdirahmanqalas3215 2 роки тому +1

    Waaa maxay cidhiidhigu 🥺💘

  • @xamdanuuraabshir9393
    @xamdanuuraabshir9393 5 років тому +4

    Culusa allahayow 😢

  • @Qofnaba.
    @Qofnaba. 5 років тому +4

    adna caano iyo nabad cimriga ku nolaw

  • @khadarmohamed4812
    @khadarmohamed4812 4 роки тому +1

    9/7/2020 maalin khamiisa Uma dhagaysanayo heesta wakhti xun ooon Ku jiro balse waa dookhayga heetani qisaa iiga dhadhanta dad badan la kulantay

  • @gurayjaaj2759
    @gurayjaaj2759 6 років тому +3

    wah waah waxa aya laga dhaha hees wayo wayo

  • @yaasmiinabdi3043
    @yaasmiinabdi3043 2 роки тому +1

    Feb/ 4 /2022 /friday.
    Talo waa calool adayg😰😰😰😰

  • @xildhibaannuurafarah3754
    @xildhibaannuurafarah3754 2 роки тому +1

    Hadii wacadkii cariiday
    Ana cashaq hay dilo
    Adna cano iyo nabad
    Cimriga ku noolow
    Waxay ii tahay xasuus itoobiya aan ku dhegaysan jiray 1994

  • @cisman8518
    @cisman8518 5 років тому +3

    Allaha una xariisto

  • @ahmednoor3045
    @ahmednoor3045 5 місяців тому

    Waqti hore

  • @osmanpilote9726
    @osmanpilote9726 6 років тому +7

    Culusa allahayow naftu catoo badan ma dhulkan colawno cirkana iguso dumay waa maxay cidhidhigu axxxx intaba igu socotaa

  • @iloveyouhooyomcn9562
    @iloveyouhooyomcn9562 6 років тому +5

    Yaa salam ax hees Djibouti jano

  • @anisali2266
    @anisali2266 6 місяців тому

    Culusaa allahayow

  • @housseinfana5065
    @housseinfana5065 6 років тому +2

    Superbe chansons

  • @mig2183
    @mig2183 6 років тому +4

    Merci

  • @mirandabella8684
    @mirandabella8684 6 років тому +7

    Ubad waala celiyaa cudud logu faana cashaqa ku weeraraa aya loola cawda😓😓😓😓😓

    • @osmandjama9997
      @osmandjama9997 5 років тому

      Axxxxx

    • @daheraden5087
      @daheraden5087 4 роки тому

      Waa run walaahi!!! Ax!!! Que dieu ait miséricorde de son âme!! God bless her and has mercy of her soul

  • @calimaqdis5952
    @calimaqdis5952 Рік тому

    Eraydii abwaan ibraahim gadhle

  • @liitoofficial4283
    @liitoofficial4283 5 років тому +2

    Waa.heestan.marka.maqalo.

  • @nawaadxusen9879
    @nawaadxusen9879 4 роки тому +2

    fadumo 😍👏

  • @garbomedia4638
    @garbomedia4638 10 місяців тому

    Talo waa callool adeeg

  • @mohamedosmanadan6864
    @mohamedosmanadan6864 Рік тому

    Heesaha Soomaaliyeed ee aad Copyright ku xeri iska daay oo hadda ka fur heestan Copy right ka aad ku xirtay

  • @rakaab5540
    @rakaab5540 5 років тому +2

    Top!

  • @miskimohamed4397
    @miskimohamed4397 6 років тому +2

    Esh qiyaasaq.caleyk

  • @nourhassan1524
    @nourhassan1524 2 роки тому +2

    Wow🎻🎻

  • @munadugsiiya5098
    @munadugsiiya5098 2 роки тому

    Culusaa alahayow naftu caato badanaa arimuhu cuyubanaa ciil kaanbi waynaa ma dhulkaan colowno cirkana igu so dumay wa maxay cidhidhigu day Wednesday 16 June 2022 Malin xasuus mudan lkn sidan rabay may noqoty Thursday night sidaan rabay oo safar dheer oon ka galay awgiih gushiih baa I racday

  • @MohammedIsmail-tz7ku
    @MohammedIsmail-tz7ku 6 років тому +3

    Waaaaaaaaw

  • @abdisameduk2278
    @abdisameduk2278 4 роки тому +3

    Nice

  • @ista6776
    @ista6776 5 років тому +2

    01/03/2019😍

  • @user-yf5cb8sb3f
    @user-yf5cb8sb3f 10 місяців тому

    What a song ❤😊.

  • @ahmedomer4953
    @ahmedomer4953 2 роки тому

    Unforgettable song 🎵 ♥ ❤ 💕

  • @SacidcaliCali
    @SacidcaliCali 5 років тому +1

    Culasa allahayow naftu cato badan arimaha cuyubana cilkabi weyna maa dhulka colowno cirka igo sodumay ax wlahi hestan sibey iitabatay 😭😭

  • @narmanasli7893
    @narmanasli7893 6 років тому +2

    Caleyk cakeyk

  • @mohamedcarablo6487
    @mohamedcarablo6487 6 років тому +1

    Axyaa qaraami

  • @HousseinartYoussouf
    @HousseinartYoussouf Місяць тому

    ❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤

  • @RoblehR.a.j.
    @RoblehR.a.j. 6 місяців тому

    Gallery's

  • @abdishakurmahamed8674
    @abdishakurmahamed8674 Рік тому

    cassava ku werara Aya Lola carara waw aaaaaaaaa

  • @sayidka.6122
    @sayidka.6122 4 роки тому +1

    17 october 2019.
    01:06.👍🏾

  • @kenansavli2376
    @kenansavli2376 3 роки тому +1

    Talo waa calool adayg

  • @qooryarestudio
    @qooryarestudio 4 роки тому +1

    Ubad waa laceliyaa
    Cudud loogu faana
    Caashaqa kuwerara
    Ayaa loola cowdaa sorry😭😭😭😭😭

  • @xaqsoocmedia8262
    @xaqsoocmedia8262 3 роки тому +1

    Talo waacalool adayg

  • @aamirmatiasofficial5353
    @aamirmatiasofficial5353 5 років тому +2

    Nimcaan oo qaadaya ayan kaso arkay

  • @abdiqadir229
    @abdiqadir229 3 роки тому +1

    Calooshuna kumay
    Nicin cidna kaama
    Raacin saw nabad ii
    Ceel kuma ridin
    Kkkkk ...aniga waxaan
    Ka amaan la.ahay
    Noocaas oo kale

  • @user-xp5ky6wj7f
    @user-xp5ky6wj7f 10 місяців тому

    7:05

  • @awalehmoussab9621
    @awalehmoussab9621 10 місяців тому

    D'apres Rachid hachid lettre de gabod😂

  • @mohamedhassan6392
    @mohamedhassan6392 3 роки тому +1

    Ah

  • @nagmaaydarus9364
    @nagmaaydarus9364 Рік тому +1

    Ma dhulkaan culoownoo
    Cirkanaygu soo dumay
    Waa maxay cidhiidhigu
    Wakhti kale ayaan halkan soo bookhan doonaa insha allh😢

  • @aydarusfaysal9817
    @aydarusfaysal9817 5 років тому +1

    16/06/2019 11:43AM ✌️🙏👍

  • @sadoyusuf2885
    @sadoyusuf2885 3 роки тому +1

    Talo waa calool adayg waa erayo qiimo leh hada lagama yabo in la helo erayo micna samaynayaa

  • @mehdihuffaneh1584
    @mehdihuffaneh1584 5 років тому +3

    yaa dawanaya heesta wali 11/2/19
    waxay daruri curataaha marku cadul shiba ee dhirtu waxay cusbata ooy curabtasaarta

  • @apdymawel5237
    @apdymawel5237 3 роки тому

    Weliga cidhiidhi ma dareentay?!

  • @theintelligenceofxavi2950
    @theintelligenceofxavi2950 4 роки тому +1

    cajiib

  • @gouledomar447
    @gouledomar447 4 роки тому +1

    Mnchal

  • @zuhaipomer8903
    @zuhaipomer8903 7 років тому +2

    Danke

  • @ugbaadshanle
    @ugbaadshanle 3 роки тому +5

    𝐂𝐮𝐥𝐮𝐬𝐚𝐚 𝐚𝐥𝐥𝐚𝐡𝐚𝐚𝐲𝐨𝐨𝐰
    𝐍𝐚𝐟𝐭𝐮 𝐜𝐚𝐚𝐭𝐨 𝐛𝐚𝐝𝐚𝐧𝐚𝐚
    𝐀𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐮 𝐜𝐮𝐲𝐮𝐲𝐛𝐚𝐧𝐚𝐚
    𝐂𝐢𝐢𝐥 𝐤𝐚𝐚𝐦𝐛𝐢 𝐰𝐞𝐞𝐲𝐧𝐚𝐚😔
    𝐌𝐚 𝐝𝐡𝐮𝐥𝐤𝐚𝐚𝐧 𝐜𝐨𝐥𝐨𝐰𝐧𝐨𝐨
    𝐂𝐢𝐫𝐤𝐚𝐧𝐚𝐚 𝐢𝐠𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐝𝐮𝐦𝐚𝐲
    𝐖𝐚𝐚 𝐦𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐜𝐢𝐝𝐡𝐢𝐢𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐧𝐮😢
    𝐂𝐚𝐥𝐚𝐟 𝐥𝐚𝐦𝐚 𝐡𝐨𝐫 𝐣𝐨𝐨𝐠𝐬𝐚𝐝𝐨𝐨
    𝐀𝐧𝐚 𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚 𝐜𝐚𝐝𝐡𝐨𝐪𝐚𝐛𝐨𝐨
    𝐂𝐢𝐢𝐥𝐤𝐚𝐧𝐛𝐢 𝐡𝐨𝐰 𝐝𝐡𝐢𝐦𝐚𝐧
    𝐓𝐚𝐥𝐨 𝐰𝐚𝐚 𝐜𝐚𝐥𝐨𝐨𝐥 𝐚𝐝𝐚𝐲𝐠🥺
    𝐇𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝐰𝐚𝐜𝐚𝐝𝐤𝐢𝐢 𝐜𝐚𝐚𝐫𝐢𝐝𝐚𝐲
    𝐀𝐧𝐧𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚𝐪 𝐡𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐥𝐨
    𝐀𝐝𝐧𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐧𝐨 𝐢𝐲𝐨 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝
    𝐂𝐢𝐦𝐫𝐢𝐠𝐚𝐚 𝐤𝐮 𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐨𝐰 💔🤲
    05/12/2020

  • @juweriyaadawe4989
    @juweriyaadawe4989 7 років тому +9

    Adna caana iyo nbd cimriga ku nolow akhi😢😢

  • @bilantaher5835
    @bilantaher5835 Рік тому

    Pop

  • @suhaybabdixakiin
    @suhaybabdixakiin 2 роки тому

    Still

  • @alijamac1804
    @alijamac1804 Рік тому

    Xamud

  • @axmeddeeq7314
    @axmeddeeq7314 Рік тому

    Sooewrjiy

  • @simaaciilmadoobe3327
    @simaaciilmadoobe3327 6 років тому +1

    reer Djibouti beri. horay heesaha reer Somalia blaa been inay bililiqaystaan heestani waxan ka mid ahayd heesihii riwaayadii. duni aakhir seben ee. hoobaladii waa beri dhigeen ka waran

    • @saaycn5473
      @saaycn5473 6 років тому +5

      abdi mohamed qof kaste ayaa garanaaya, heeskan waa original ee maaha copy. Beenta si ula Kas ah ayaad u sheegaysaa si comment kaagu jawaab u helo.

    • @munahabone3963
      @munahabone3963 6 років тому +5

      waxaa iga yaabiyay soomalida aan reer djibouti ahayn meel kaste dood, iyo hadal ayna iska hubin umbay la soo boodan, mise been ay iska garanayaan bay marsiisanayaan ? waan garan wayey, imisa heesood oo reer djibouti leeyihin bay xadeen oo waliba dafiraad indhaha lagugu jiidi. Bal maxamed aden uu noolyahay oo waliba heestan uu kahad lee wax ay iyagu run moodaan umbay dad runta is og iney u sheegaan donaan. dagalkii baa madaxa ku wada dhiftay malaha. Ilahow u gargaar Amine

    • @iloveyouhooyomcn9562
      @iloveyouhooyomcn9562 6 років тому +1

      abdi mohamed hhhhhhhhh af nol unba hadla iska hadal kkkkkk

    • @moustassamatar5140
      @moustassamatar5140 6 років тому +1

      abdi mohamed .. dogoon beenlo war heesta waa ha luu go heesay wabari oo jiriin tuugiin heesa has waa reer somalia

    • @jamalali3175
      @jamalali3175 6 років тому +1

      abdi mohamed reer somalia xagey fanaaniin ku lahaayeen hal nin oo fanaana oo reer somalia lamahayo fanaaniinta oo dhan soomaaliland ayey kasoo jeedeen siiba rer hargeisa ayey ubadnaayeen adeero soomaali waa hore ayey kala guratay nin kasta wixii uulayimid dibuu ula laabtay hadaad wax aad adigu alifatay somali kaaga maqanyahy ka dooni hadii kale haadkaaga hayso haka bixinii yaad jar kadhicinee

  • @alijamac1804
    @alijamac1804 Рік тому

    X

  • @moussaahmed3621
    @moussaahmed3621 3 роки тому

    P

  • @horiyoningeeyahaguursado2387
    @horiyoningeeyahaguursado2387 6 років тому +2

    Culusaa allahayow 😭😭😭😭

  • @welcometodjibouti
    @welcometodjibouti 7 років тому +3

    Merci