Buug | Sideed Hanti Ku Yeelan Kartaa | Buugaan Adiguu Kugu Socda |

Поділитися
Вставка
  • Опубліковано 12 вер 2024
  • Soo Koobidda Buuga
    The Psychology Of Money
    Waa Buug uu qoray Morgan Housel Kaasoo Markii ugu horreysay la daabacay Sannadkii 2020.
    Wuxuu si dhaqso leh ku noqday mid ka mid ah Buugaagta ugu iibka badan Ee Ka hadasha Sida Shaqsigga uu Ku Maareyn lahaa Dhaqaaligiisa.
    Muhiimadda Buugga:
    Dadka badankiis waxay ka sheegtaan dhibaatooyin Lacag yari Sababtoo ah Ma awoodaan inay xakameeyaan Dareenkooda Wax soo iibsashadda.
    Waxeyna inta badan qaataan go'aamo qaldan iyagoo raacaya Naftooda sida inay soo iibsadaan waxay ayaga u baahneen kaliya dad kale ay ku arkeen.
    Arintaasna waxaa ka Faaideysta Shirkadaha Waxa soo Saara
    Waxeyna mar walba isku dayaan lacagaha aad Mudo bil ah soo shaqeyneysey inay Daqiiqad kaaga qaataan ayagoo isticmaalaya Farsamooyinkaan ah Modelkaan mar kale masoo noqonaayo, waxaa la sameeyey qiimo dhimis boqolkiiba intaas ah iyo wax yaabo noocaas ah.
    Waxbadan oo Arintaan ku saabsan
    waxaa ka hadley Qoraaga Buuga.
    Qoraaga buugan wuxuu buugiisa ku biloowey isbarbardhiga Bulshadda ayaa Ah mid ka mid ah Sababaha ugu Weyn Ee Heysta Shaqsi kasta Maanta
    Asagoo wax walba usoo gata Hebel ayaa soo Gatey.
    Waxaa jirta Sabab kale Oo iyadana kugu qasbeysa inaad si deg deg ah wax aadan rabin kusoo gadato Sida in laguugu Qanciyo Agab gaar ah inuu kuu xalinaayo dhibaato adiga ku heysata
    Sidaasna adiga aad ku dalbato alaabtaas mudo kadibna waxaad ogaaneysaa inaadan u bahneyn Agabkaas oo Dhan Lacagtana inay si Maalaayacni ah kaaga baxey.
    Ka fikir Marka Yaa Qasaarey yaana Faaiidey?
    Dabcan Adiga Qasaarey Oo lacagtii aad kusoo rafaadey si Sahlan kaaga Baxdey.
    Shirkadda alaabtaas soo saartey ayaana Faaidey Oo Lacagta aad bil Soo Shaqeyneysey Gacanta ku Dhigtey wiliba si dhib La'aan ah.
    Marka uu Caqligaaga ku Fikraayo Bulshadda Sidaan ayey sameysey Anigana waa inaan sameeyaa
    Arintaasi adiga ayey dhibaato kugu tahay Maxaa yeeley lacagtaada ayaad meel cidlo ah ku bixinee.
    Qoraaga Buugan wuxuu Buugiisa Ku Dhahey Dadka waxey la Cajabaan Waxaad adiga heysato Ee Ma ahan Shaqsiyadaada.
    Sidaa darteed waa inaad kala saartaa waxa adiga si Shaqsiyan Qiimo kuugu yeelayo iyo wax si been been ah Qiimo kuugu yeelaayo Qiimaha dhabta ahna siiya waxaad adiga xiran tahay.
    Adiga Qiimahaaga Dhabta ah Waa Shaqsiyadaada, Akhlaaqdaada, Dhaqankaaga Wanaagsan, Runtaada iyo Guulaha aad gaartey kuwaan ayaa ah Waxa Adiga kaa dhigaya Shaqsi Qiimo leh Ee Ma ahan Waxa qiimaha kuu yeelaya Alaab aad adiga Suuqa kasoo iibsatey.
    Mid ka mid ah hababka ugu wanaagsan ee uu soo jeediyay qoraaga Buuga ayaa ah in aan Xadidno Qarashaadka aan bixineyno
    Tusaale:-
    Dakhligga Bishii kusoo gelaayo Boqolkiiba 70% waxaad ka dhigtaa wax yaabaha muhiimka ah sida Kiradda guriga, korontadda, biyaha, iskuulka, Caafimaadka iyo waxii kaloo daruuri ah.
    Boqolkiiba 20% waxaad meel u dhigtaa Maalgashi Hana isku dayin inaad wax ka bixiso.
    Boqolkiiba 10% kadhigo waxyaabaha baashaalka ah ama aan muhiimka aheyn
    Hana isku dayin inaad ka gudubto.
    Nidaamkan wuxuu kaa caawin karaa inaad iska ilaaliso daymaha Oo aadan Qaadan Wax deyn ah wuxuuna kuu Fududeynaa inaad had iyo jeer haysato wax kugu filan si aad u maalgashato Mustaqbalka.
    Maalgelinta waa habka ugu fiican ee aad uga faa'iidaysan karto lacagahaaga.
    Tusaale ahaan, haddii aad Maalgashato $100 dollar bishii adoo gadanaayo Saami Ganacsi Saamigaas aad gadateyna Sanadkii aad ka heleyso 6% .
    30 Sano kadib waxaad heleysaa lacag gaareysa $97,491 dollar.
    Inaad lacag yar Maalgashi ku sameysato Dakhligga maanta kusoo galaayo wax saameyn ah kuma yeelaneyso Mustaqbalka aad ayey kuu anfaceysaa.
    Mid Ogow inaad Lacag Maalgashato iyo
    Inaad Lacag Keydsato Farqi weyn ayaa u dhaxeeya insha allah Mowduucaasna Muuqaal ayaan kasoo Sameyn doona.
    Fiiro gaar ah
    Hantidda waxaa lagu keena Fikir
    Faqriga waxaa keena Fikir
    Hantidda waxaa lagu kasbadaa Caadooyin
    Faqrigana waxaa keena Caadooyin
    Qeybta ugu danbeysa ee Buugan Qoraaga Wuxuu ugu hadlay
    Marka aad lacag fiican aruuriso kadibna aad u dhaqanto sida ay u dhaqmaan dadka Faqiirka ah lacagtaas aad aruurisey Meel cidlo ah ayey kaaga bixi doontaa adigoon wax faaiido ah ka sameyn.
    Sidaa darteed hadii ay Fursad ku Soo marto ama Nasiibkaaga uu ku saacido oo aad lacago fiican hesho Fursadaas ha isaga ciyaarin ee Samey Maalgashi si aad Mustaqbalka ugu Faaido.
    #caawiye
    #dhiirigelin
    #motivation
    #support
    #success
    #subscribers
    #like
    #share
    #comment

КОМЕНТАРІ • 8