gabaygii baxnaano || maxamuud cali beenaleey
Вставка
- Опубліковано 7 лют 2025
- Waxaa gabayo wax kasheeg iyo xifaalo ah isu marin jiray baa layiri laba jifo oo wada dhalatay abtirsiiamda aan ku kala fogayn.
Markay muddo gabayadaasu socdeen ayay lababadii mid kamid ah waxa ay maleegeen shirqool ay maxamuud cali beenaleey oo aan labadooda midna ahayn gabayada kusoo galiyaan oo waliba ayaga uu ula jaal noqon lahaa.
Nin la oran jiray gaanni madoobe ayaa tiriyay tix gaaban oo uu kadhigay inay soo tiriyeen raggi kale ee ay is hayeen tixdaas oo dulucdeedu ahayd xittaa ina cali beenaleey haduu idin soo raaco waxba idinku kordhin mahayo. waxayna ahayd sidatan:
Inta Bari degtiyo Reer Warfaa, ha is bahaysteene
Ballan qabaha Doolaal Jiciir, haysku biirsheene
Bar hadduu u tari beenaleey ha isku badiyeene
Markii loo mariyay gabaygaa maxamuud wuu layaabay oo wuxuu isyiri sidee macquul kutahay nimankaasu inay gabaygan soo mariyaan oo adigoo aftahammadaada ay ogyihiin arrintana aan shuqul kulahayn kuugu soo bareereen . markaas buu hadana shakiyay oo wuxuu is yiri amay shirqool tahay oo aysan nimakaasu gabaygaa marin oo lagu masa bidayaa.
Wuxuu kabaqay isaga oo aan waxba hubsan hadii uu gabaygaa kajawaabo inuu qolo aan waxba kagalabsan kaduldhoco hadhow markay xaqiiqadu soo baxdana uu ishaaraamo kana qoomameeyo.
Markay waxba ukala caddaan waayeen ayuu mariyay gabaygan hanjabaadda iyo guuguulka miiran ah oo uu ugu baanayao ciddii gabaygaas soo mrisay cidday doontaba hanoqotee.
Fadlan lasoco youtube-keenna subscribetana noo taabo: / @baynaxroble4227
facebook:www.facebook.c....
#sheeko,#gabay, #dagaalkii, #taariikh, #maxamuud_cali_beenaleey, #raage_ugaas, #wiilwaal, #hees, #cali_dhuux, qamaan_bulxan,#baynax _roble
M.a macallin baynax keep going
Welcome abwan farmajo