HEES QIIRO BADAN | ADUUNYADU WAA MASALO | ABDILLAHI OSMAN | MURUGO & FARAX

Поділитися
Вставка
  • Опубліковано 12 лип 2022
  • #AbdillahiOsman
    Hees laga sameeyay qiso jaceyl dhab ah
    oo ku dhacday askarigii reer Jabuuti
    ee ka tirsanaa ciidamada Hiil-walaal.
    Fananka reer Djibouti Abdillahi Osman
    Assia Kamil
    Best Somali Song
    Heesta ugu dheer Somali
    The longest Somali Song
    Best Show | Kooxda Haldoor - Djbouti
    #KooxdaHaldoor
    Heesta: Murugo iyo Farax
    Codka: Abdillahi Osman
    Erayada: Mohamed Mumin "Ababe"
    Laxanka: Abdirahman Ali Hirsi
    Music: Issa Eleye
    Show Support
    www.paypal.com/paypalme/icm70
    Follow SULTAN FILMS on
    / sultaanfilms
    / sultaanfilms
    / sultaanfilms
    / sultaanfilms
    ...
    For bussiness inquieres
    Sultaanfilms@gmail.com
    ...
    The official UA-cam channel of Sultan Films
    Subscribe for the latest entertainment, music videos, and more.
    / sultaanfilms
    Home of Entertainment
    ©2022 SULTAN FILMS. All rights reserved.
    ...
    Erayada:
    "Aduunyadu waa mas'alo
    Noloshu waa milayba ceyn
    Macaan iyo waa qaraar
    Marxalo bey soo martaa
    Maantiyo shalay bay isku xiga
    Macalin weyaan waqtigu
    Cishaba talo kaa maqneyd
    Ayuu kuu muujiyaa
    Murtina waa laga dhaxlaa
    Hadanaa hadana
    Murugo iyo farax
    Midkaad ka muteysataba
    Eebaa lagu mahdiyaa
    ♪ ♫ ♬
    Micnahaa waxaan uga socdaa
    Anoo mabda' gaarayoo
    Muraad kale Xamar u tagin
    Waxaan dalka uga maqnaa
    Mujaahidka Hill Walaal
    Miciinka walaalaheen
    Anoo madfac iyo rasaas
    Dhexdooda maquurayoo
    Madaxa kula jira dhufays
    Oon moodayn inuu jacayl
    Naftayda maquunin karo
    Midii maanka iyo qalbiga
    Makaanka ku yeelatee
    Mawluhu isukaaya qoray
    Sideen uga maarmayyaa?
    ♪ ♫ ♬
    Illayn isma maamulee
    Anoon maankaba ku hayn
    Maalintii laygu yiri
    Mudadu way kaa dhantahay
    Sidaa maantaa la bixi
    Maxaa murugo iyo xanuun
    Aniga mala igu habsaday
    Madaarka intaan la tagin
    Midhidhadii iiga hadhay
    Hadaa la malayso idhi
    Ayaa maqan baa la yidhi
    Madaxii guutadaa watoo
    madiiqamay igu yimi
    Odhaayada mu'addabka ah
    Markuu sida mayalka adag
    Masuulnimo igu yidhi
    Waxaan idhi waa maqbuul
    Taliye marxaba iyo gudoon
    ♪ ♫ ♬
    Jabuuti markaan ka dagay
    Anoo nassan maalin qudha
    Illaa Maryamaan u baxay
    Hadana isla muunidii
    Askari meel kuma nastee
    Halkaan mara baa la yidhi
    Malkadu waa Cali Sabiix
    Anoo maankaygu jiro
    Halkaan maxastayda dhigay
    Madluumnimo ii dhinnayn
    Waxa ii yimiday mesaaj (Message)
    Inay Maandeeq fadhido
    Marinkii galiila oo
    Masuulkeegii la rabo
    Maleegtay anoo is moog
    Markaan arkay een mildhaday
    Ayaan miyirsaday hadeed
    Midigta iska soo qabsaday
    Anoo mustareexayoo
    Muraadkaygii dhanyahay
    Ayay dad war moog ahaa
    Hadana muran igu fureen
    Maxbuus baa layga dhigay
    Waliba marwada iyo ilmaha
    Hooy cadda marshaa la yidhi
    Illaa meeshay ka timid
    Masaafuriyaa la yidhi
    Kolkaasuu malaba dhacay
    Arin way murugtayoo
    Xaajadu meel adag gashee
    Ilaahoow ii miciin
    Anoo sida ruux la maray
    Hadeed mara tuur ku dhow
    Oo ay sida mawjadkii
    Ilmadu i maquurtayoo
    Idhuhu midhiftii gabeen
    Ayuu nasri ii maqnaa
    Mawluhu ii soo dajoo
    Rag baa maareeyayoo
    Kolkay sheekada maqleen
    Martaba Rabbi siiyay iyo
    Garaadku muquuniyee
    Dhibaataa mudan lahaa
    ♪ ♫ ♬
    Isagoo moodhadhkii
    Maagadii geriyaad socdoo
    Gudayya habeen madow
    Halyayadii maalintaa
    Midida galka Kala baxee
    Maxasta ii reeba yidhi
    Kuwii marti galiyay iyo
    Kuwii masalaha u dhigay
    Abaalkay mudan yihiin
    Marnaba uma gudi karee
    Ducaan ku maczuumayyaa
    Alloow magacoogu jiro
    Alloow magantooda dhawr
    Alloow minankooga iyo
    Maankoogaba baraka gali
    Alloow mabda'ooga iyo
    Muraadkoogaba hirgali
    Aakhiro Musatafaha udgoon
    Miciisa Alloow ka yeel
    Macsharka qiyaamahana
    Kitaabkooga maalintaa
    Midigta eeboow ka sii"
    ...
    #sultanfilms
    ...
    yurubgeenyo suldaan seeraar kiin jaamac awale adan xariir ahmed ali shaah abdirizak anshax Best Somali Songs heeso 2022 qamar suugaani rahma hassan 27 juin djibouti 2023 mursal muuse nimcaan hilaac farxiya fiska ilkacase iskalaaji miss xiis haboon nuura hodan abdirahman najma nashaad farxiya kabayare saalax sanaag ali dhaanto heeso jabuuti hees jabuuti djibouti song yahya abdoulkader raaliya sharma boy maslax mideeye dhaanto abdillahi osman assia kamil abwan qumane

КОМЕНТАРІ • 588

  • @sultaanfilms
    @sultaanfilms  2 роки тому +232

    Erayada
    "Aduunyadu waa mas'alo
    Noloshu waa milayba ceyn
    Macaan iyo waa qaraar
    Marxalo bey soo martaa
    Maantiyo shalay bay isku xiga
    Macalin weyaan waqtigu
    Cishaba talo kaa maqneyd
    Ayuu kuu muujiyaa
    Murtina waa laga dhaxlaa
    Hadanaa hadana
    Murugo iyo farax
    Midkaad ka muteysataba
    Eebaa lagu mahdiyaa
    ♪ ♫ ♬
    Micnahaa waxaan uga socdaa
    Anoo mabda' gaarayoo
    Muraad kale Xamar u tagin
    Waxaan dalka uga maqnaa
    Mujaahidka Hill Walaal
    Miciinka walaalaheen
    Anoo madfac iyo rasaas
    Dhexdooda maquurayoo
    Madaxa kula jira dhufays
    Oon moodayn inuu jacayl
    Naftayda maquunin karo
    Midii maanka iyo qalbiga
    Makaanka ku yeelatee
    Mawluhu isukaaya qoray
    Sideen uga maarmayyaa?
    ♪ ♫ ♬
    Illayn isma maamulee
    Anoon maankaba ku hayn
    Maalintii laygu yiri
    Mudadu way kaa dhantahay
    Sidaa maantaa la bixi
    Maxaa murugo iyo xanuun
    Aniga mala igu habsaday
    Madaarka intaan la tagin
    Midhidhadii iiga hadhay
    Hadaa la malayso idhi
    Ayaa maqan baa la yidhi
    Madaxii guutadaa watoo
    madiiqamay igu yimi
    Odhaayada mu'addabka ah
    Markuu sida mayalka adag
    Masuulnimo igu yidhi
    Waxaan idhi waa maqbuul
    Taliye marxaba iyo gudoon
    ♪ ♫ ♬
    Jabuuti markaan ka dagay
    Anoo nassan maalin qudha
    Illaa Maryamaan u baxay
    Hadana isla muunidii
    Askari meel kuma nastee
    Halkaan mara baa la yidhi
    Malkadu waa Cali Sabiix
    Anoo maankaygu jiro
    Halkaan maxastayda dhigay
    Madluumnimo ii dhinnayn
    Waxa ii yimiday mesaaj (Message)
    Inay Maandeeq fadhido
    Marinkii galiila oo
    Masuulkeegii la rabo
    Maleegtay anoo is moog
    Markaan arkay een mildhaday
    Ayaan miyirsaday hadeed
    Midigta iska soo qabsaday
    Anoo mustareexayoo
    Muraadkaygii dhanyahay
    Ayay dad war moog ahaa
    Hadana muran igu fureen
    Maxbuus baa layga dhigay
    Waliba marwada iyo ilmaha
    Hooy cadda marshaa la yidhi
    Illaa meeshay ka timid
    Masaafuriyaa la yidhi
    Kolkaasuu malaba dhacay
    Arin way murugtayoo
    Xaajadu meel adag gashee
    Ilaahoow ii miciin
    Anoo sida ruux la maray
    Hadeed mara tuur ku dhow
    Oo ay sida mawjadkii
    Ilmadu i maquurtayoo
    Idhuhu midhiftii gabeen
    Ayuu nasri ii maqnaa
    Mawluhu ii soo dajoo
    Rag baa maareeyayoo
    Kolkay sheekada maqleen
    Martaba Rabbi siiyay iyo
    Garaadku muquuniyee
    Dhibaataa mudan lahaa
    ♪ ♫ ♬
    Isagoo moodhadhkii
    Maagadii geriyaad socdoo
    Gudayya habeen madow
    Halyayadii maalintaa
    Midida galka Kala baxee
    Maxasta ii reeba yidhi
    Kuwii marti galiyay iyo
    Kuwii masalaha u dhigay
    Abaalkay mudan yihiin
    Marnaba uma gudi karee
    Ducaan ku maczuumayyaa
    Alloow magacoogu jiro
    Alloow magantooda dhawr
    Alloow minankooga iyo
    Maankoogaba baraka gali
    Alloow mabda'ooga iyo
    Muraadkoogaba hirgali
    Aakhiro Musatafaha udgoon
    Miciisa Alloow ka yeel
    Macsharka qiyaamahana
    Kitaabkooga maalintaa
    Midigta eeboow ka sii"

  • @SadiiqAadan-hz1oz
    @SadiiqAadan-hz1oz 5 місяців тому +10

    Heesta cwan ku mirqamayah qofkih iagh danbeyoh love zad

  • @khalidkhapirka5048
    @khalidkhapirka5048 8 місяців тому +21

    Ree jabuuti dadkii nasabkii qalbiga niga jecelahy dhamantiin from booRama àwdal🙏❤💯🔥

  • @mohamednuur9125
    @mohamednuur9125 2 роки тому +30

    Heees qiira badan erayo macaan cod halaasi ah iyo calnkii walalaheyn hiil walaal jabuuti allow ha idilin anoo cagaha dhigin from hiiraan somaliya🇩🇯🇸🇴❤❤❤👌

  • @HassanAhmed-ti3ef
    @HassanAhmed-ti3ef 2 роки тому +73

    Djibouti wali fankeedu isma bedelin
    Alle ha barakeeyo dhulkeenna somaliyeed ee Djibouti

    • @jamaadnuura10
      @jamaadnuura10 4 місяці тому

      Kkkkk Djibouti somali ma sheegato

    • @hassansaid5472
      @hassansaid5472 2 місяці тому

      ​@@jamaadnuura10hee mxy shegataa

    • @erhadali4424
      @erhadali4424 28 днів тому +1

      Hee maxa shekena shubadi kudhashey wase 😝

  • @ahmedosmanzheikh3214
    @ahmedosmanzheikh3214 2 роки тому +124

    Waa hees dereen cajiib ah wadata ❤
    We love fananinta Djibouti 🇩🇯 .
    I'm from hargeisa
    Like isaara 👍

  • @Lamborghin99
    @Lamborghin99 9 місяців тому +18

    Masha allah reer jabuti wa walal qaaliya wanku farxay calanka iyo shacabka sharadta badan wanku faraxsanhy wana ku faana in aan udhaxay wiil ciise ah alxm ❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤ allow i kin daay wan idin wada jecly dumashiyal ❤❤❤❤❤

  • @HEES_CUSUB
    @HEES_CUSUB 2 роки тому +160

    Heestini 3 ayay isku darsatay
    Heesti ugu laxanka badned
    Heesti ugu dheereed
    Heesti ugu musica badneed
    Waana heesta kaliya ee waqtiyo kala duwan ka hdalysa waa hees taarikhda gali doonta

    • @hassanabukar3150
      @hassanabukar3150 2 роки тому +1

      aad iyo aad suxufiye

    • @zainabhudeidi9938
      @zainabhudeidi9938 2 роки тому +1

      Maha heesti ugu laxanka badneed.

    • @aden.a5495
      @aden.a5495 Рік тому

      Haa wll wa runta.

    • @samawade282
      @samawade282 Рік тому

      Heestan laxankeedu waa laba god Musigeeduna sido kale "laba mar un buu si bedelaya labadas xadhig bana so noq noqonaya" waase xaqiiq oo waa heesta ugu dheer.

    • @CarabShiikh
      @CarabShiikh 11 місяців тому

      waxa hada laqaado ayaad kahadlaysaa kaliya ragii rag ahaa heesahoodii madhagaystay horta ragii caanka ku ahaa maansada dhaadheer
      sida yam yam aun guuleed majoogaa xasan aadan daalo hanuuniye
      hadraawi aun beerlula xasan aadan
      jacayl dhiig malagu qoray x k magool aun heesa waa kuwii hore heestana way lajaan qaadi kartaa waa hees midho laxan iyo codba kadhisan iyo sidoo kale musicba lkn hada waxa laqaado maheesaad utaqaanan dhalinyaro hhh

  • @umalkheirali9958
    @umalkheirali9958 2 роки тому +52

    Ax xanuun badanaa😭💔ilaahow intii is jecel isku daa oo riyo walbo nolosha ka leeyihiin si wada jira ugu rumeee dhexdoodana murug ka dhowr😭🤲

    • @Jasmine18815
      @Jasmine18815 2 роки тому +2

      Aaameen Yaa Allah Allow Na midee Ani iyo Mohamed

    • @xamdamuxammed501
      @xamdamuxammed501 2 роки тому +1

      Aamin

    • @umalkheirali9958
      @umalkheirali9958 2 роки тому +1

      @@Jasmine18815 amiiin hn qli ilaahy khayr haniigu dhameeyo rajo walbod nolosha ka leedihiin🤲❤

    • @Jasmine18815
      @Jasmine18815 2 роки тому +1

      @@umalkheirali9958 Aameen Yaa Allah More Thnx

    • @shikhmawlidhrfarile899
      @shikhmawlidhrfarile899 2 роки тому +2

      Amin abayo walahi kal iyo lab u daremay xanunkaga ilahay haku rumeyo riyadada🥺

  • @niyaalshilall5914
    @niyaalshilall5914 2 роки тому +46

    Jaceylkii Mugadishu iyo Djibouti🥺❤️qiso cajiiba!

    • @Anuushosman-cu4rn
      @Anuushosman-cu4rn Рік тому

      Wllo igadabagee mxaa dhacay

    • @user-wq8nj3nq7v
      @user-wq8nj3nq7v 7 місяців тому

      Baladweyne weye sxp xamar cidan jabuti ma jogo qisadan gabdhii iyo wilkaba waan Naqan❤

  • @janadunia2950
    @janadunia2950 5 місяців тому +12

    Haben salasa 2024 bishi march 5 tedi Ano murugaysan o dhinac bdn ka ciilan wlhi qoralkan an qorayo ano ilmaynaya qoraya Ilaahayna wan u mahadnaqaya adunku san ahan mayo ano farax san ayn qoralkayga uso noqon dona oon odhan dona allaa malmahas naftayday Allahi kaso saaray u mahadnaq
    Hestan abahay oo tilifanka dawanaya ayn hestan maqlay wan so radiyey yaa rabbi AlhamdulilaH daaiman 😢

    • @cabdiyarebarre9957
      @cabdiyarebarre9957 3 місяці тому

      HYe wll hada xaladu maysku toostay 😢❤

    • @apdiwahidmohamud670
      @apdiwahidmohamud670 2 місяці тому

      Zorry wllo ale waxkasta oo aad jeceshahay haku sahlo❤😢

    • @diiniyonasteexo5993
      @diiniyonasteexo5993 2 місяці тому

      Hada iska soo waran sxb

    • @ahmedabdi5747
      @ahmedabdi5747 2 місяці тому

      Alhamdulilah Anna walal sas camal balsi mailmeyni haya

    • @ahmedabdi5747
      @ahmedabdi5747 2 місяці тому

      Allah hanatuso malmahas anagsan onoharay

  • @abokorahmedsaidreerbelgium2605
    @abokorahmedsaidreerbelgium2605 2 роки тому +34

    Waa hees dereen cajiib ah wadata ❤
    We love fananinta Djibouti 🇩🇯 .
    I'm from djibouti 🇩🇯 jaqo buldug
    Like isaara 👍

  • @mohamedothman7519
    @mohamedothman7519 Рік тому +27

    Heestan markan si dhow u dhugtay, waxay isku qiso dhow yihiin, heestii Baledweyn ee abwaan Hadraawi Ahun. However love is something that exists and is real! Sometimes it's charming and cute while sometimes it's bad and bitter, depending on how it goes through you.❤

    • @kenedidhadi8701
      @kenedidhadi8701 Рік тому

      Sax waa 2daa heesod ee ugu dheer sugaanta soomaaliyeed .

    • @luckylishane4087
      @luckylishane4087 Рік тому +1

      Haa walal anayba igu zodhacdey iney izku qizo yihiin

    • @CarabShiikh
      @CarabShiikh 11 місяців тому

      @@kenedidhadi8701 guuleed majoogaa aun xasan aadan abwaan yam yam jacayl dhiig malagu qoray magool aun abwaan hadraawi aun soo day

  • @Abas_shidow
    @Abas_shidow 2 роки тому +41

    Macalin weyaan waqtigu, cishaba tala kaa maqneed ayuu kuu muujiyaa, murtine waa laga dhaxlaa, hadana muruga iyo farax midkaad ka muteeysataa Eebaa lagu mahadiyaa.🙏✊❤️

  • @gacalhassan1588
    @gacalhassan1588 Рік тому +81

    Wllhi qalbiga ayaan idinka jeclahay reer Djibouti 🇩🇯 ♥️

  • @muhiiz4728
    @muhiiz4728 2 роки тому +41

    Hees dareenkeda
    wadato oo isoo jidatay
    Wllhen reer jbouti 🇩🇯
    from muqdisho 🇸🇴❤️

  • @aminasheikh1869
    @aminasheikh1869 2 роки тому +19

    Heesta micnaheda walhi qof garasha dheer unba garankara 🥺😭😭😭somali iyo jabuti 💔💔😭😭

  • @manizaomar7385
    @manizaomar7385 2 роки тому +22

    Waa hes dher hadane an lagu cajisen cose waa qiso dhaba Oo jacel xanbarsan❤love you rer jabuti from xamar🥰

  • @wiilkaReerCigalle
    @wiilkaReerCigalle Рік тому +8

    • Macalin weeyaan waqtigu
    • Hadana murugo iyo farax
    • Midkaad ka muteysataba
    • Eebaa lagu mahdiyaa
    Daaamn what a song 😢🔥

  • @dirirosman6291
    @dirirosman6291 2 роки тому +17

    Hees qiso xanun badan habarsan. Qisadan lamanaha ay kudhacday allaha reer ki jiro kadhigo.
    Bravo ababe, abdillahi iyo ku xaliyay arintaan

  • @aliabdielmi6601
    @aliabdielmi6601 Рік тому +30

    Gabdh rer muqdisho raba from Djabputi meday gabdhihi rer muqdisho ilove you gabdh ha la igu daro🥰

  • @hiboawaleh6137
    @hiboawaleh6137 Рік тому +17

    mash allh wllky wlhi wan oyay waxan modayay inad aniga iyo xajigayga kahadlayso wa askari wuxunajoga hiil wlaal somaliya ana djabouti wlhi heestani way itabatay mahadsanid wll abdilahi inti kalamaqana allh isgukeno aniga xajigagi allh ikeno

    • @xabeebxasan5539
      @xabeebxasan5539 Рік тому

      Insha allah allah ha isku kii keeno idingoo nabad ah

  • @zhucaybaliofficial2791
    @zhucaybaliofficial2791 2 роки тому +13

    Yaasalaam hees iyo badh
    Heesaha marka qiso dhaba lagasameeyo abwaan buuxana qoro
    Fanaanka kuhaboonna loodhiibo
    Laxan uqalmana lasaaro
    Sidookale music mcn lasaaro
    Waxay noqdaan heeso dhaxal gala
    Heeskaan wuxuu galayaa diiwaanka fanka soomaaliyeed
    Wuxuuna lamacno iyo mcn noqon
    Heesihiihore sida heeesta baladwayn
    Thank u abwaan maxamed muumin ababe iyo fanaan cabdilahi welldone guys💯❤

  • @zamiiropretty6305
    @zamiiropretty6305 2 роки тому +22

    Heestii ugu dheerayd hadana ugu qiiro bdn hadana
    Mug iyo miisaan leh 😍😍😍

  • @abdallaeid045
    @abdallaeid045 2 роки тому +17

    Abwaan Nuucaan Ah Haduu Weli Noolyahay Fanku Weli Rajo Weeyn Ayuu Leeyahay
    Heesaha Nuucaan Ah Waa Cajiib Waxaan Ku Xasuustaa Heestii Beled Weeyne Ee Xsan A Samatar Iyo Heesta Suldaan seeraar Ee Aamina Waa Heesaha Dhoowrka Laxan Leh Misna Ugu Dheer Heesaha Somalida.

  • @khadarcasoodofficial5314
    @khadarcasoodofficial5314 7 місяців тому +2

    Hees qiso cajiiba leh weyaan Runtii hdana laxankeedu dhowr mar is badalayo heestan wxy la heer noqonaysa heesihii hore ee murtida lahaa Abwaan maxamed muumin ababe Allah yacisak fanankuna cod tolmoon ayuu ku qaadey 🥰🥲

  • @missjano8249
    @missjano8249 17 днів тому

    Heesku wil ciise iyo gabadh hawiye ah laga sameyey hada farxad ku nool Mashallah

  • @qalbidhayasomaligirl7746
    @qalbidhayasomaligirl7746 2 роки тому +16

    Jacaylkii baladwayne hiraan iyo jabuuti 💔

  • @hassananissa3546
    @hassananissa3546 2 роки тому +11

    Wa qisadi dhabta ahayd e askarigi baladweeyne ka dhacdey askarigi reer Djibouti iyo gabadhi Moqdisho u dhalatay e Faraday ku dhamatey Masha Allah heesta wuxu ku qaday 4sano ka hor

  • @engrabdihassanlodoon6840
    @engrabdihassanlodoon6840 2 роки тому +8

    Masha Allah waa Hees qiimo badan oo qiiro xambaarsan iyo fanaan cod macaan Abdilahi
    Runtii Heestii Baldwayn ee Xasan. Aadan 40 sano kadib heeatan ayaa Ka jawaabtay dheerida heeata iyo qiirada KKK guul iyo Gobonimo.
    Frome Borama

  • @kaltounhochrobleh177
    @kaltounhochrobleh177 2 роки тому +12

    True stroy reer somalie iyo Djibouti jclka uu dhaxysa from Djibouti

  • @MahamoudHarbi-jb4ru
    @MahamoudHarbi-jb4ru Рік тому +1

    Hess cajiib ah ,qiso ad u macaan wadhata.
    Gabdhaha réer baladwin waa gabdhi romantica.wa hessti labad ee qiso baladweyn jacal ee baladweyn ka dhactey .
    Je félicite abwaan abebe et abdillahi osman

  • @khadarmahamed8727
    @khadarmahamed8727 Місяць тому +2

    Waaan ooyaa heestan markaan xasuusto waxay ku dhahday nin askari ahaa 😢😢😢

  • @husseinmahamoud7176
    @husseinmahamoud7176 2 роки тому +4

    Ileyn ismaamuleyn anoo maankaba ku hyan maalintii la ii igu yidhi maanta mudadu wey kaa dhan tahay maanta ayaa labixi esh caala hees dareen leh ❤️❤️❤️❤️

  • @Dakhare_show
    @Dakhare_show 2 роки тому +15

    Waa hees dareen taabadleh walaalaheen wadanka Dijabut🇩🇯 waxaanu nahay hilbo wada dhashiyo hayb qudha baynu nahay

  • @Qani_10
    @Qani_10 2 роки тому +64

    Hees qiso dhab ah 🥺 jaceylku waa mushkilo runtii 🥺
    Abdullahi Osman golden voice🥰

    • @munaabukar2688
      @munaabukar2688 2 роки тому

      Fanaanka mey ku dhacday

    • @Qani_10
      @Qani_10 2 роки тому +1

      @@munaabukar2688 my wiil askari ree jabuti ah iyo gabar reer xmr ah

    • @Jarmalka1251
      @Jarmalka1251 2 роки тому

      @@Qani_10 xamar maba joogan Ciidan Ree Jabuti ah
      Ciidamada Jabuuti Hiiraan ayeey joogan gar ahaan Baladweyne iyo Buulabarde

    • @user-wq8nj3nq7v
      @user-wq8nj3nq7v 7 місяців тому

      Gabar rer xamar ma ahan sxp waa cidanka baladwyne ee hiil walal gabdha loo Diiday ka bacday waxuu isu dayey inuu dilo gabdha abheed ❤

  • @ustaadgeelle5545
    @ustaadgeelle5545 2 роки тому +11

    1hr inay socoto ayaan jeclaan Lahaa wlh baanan loogu caajisayn laxanka Musica iyo codka dananka oo Musica sida cajiibka ula jaanqaadaya 🥰

  • @abdifatahyusuf8412
    @abdifatahyusuf8412 2 роки тому +34

    Macalin kii ugu waynaa ee dunida so mara waa NABIGEENII SUUBANAA SALALAHU CALAYHI WA SALAME.

  • @ahmedyuusuf2168
    @ahmedyuusuf2168 2 роки тому +15

    Viva rer djapouti
    From gobolka saraar
    Caynaba .somaliland

  • @hawamohamed9246
    @hawamohamed9246 Рік тому +8

    Heestan Malaha Waa Tii Baladweyn Allahayow
    Goobta Arinku Ka dhacay , Taliyaha Amarka bixinaya ,
    Qabka musica dheeranta Heesta iyo jcaylka Dhabta Ah Intaba Beerlula Ayey Iska Shabahaaan
    Hadraawi Ilahay Ha U Naxristo 😥

    • @niyaalshilall5914
      @niyaalshilall5914 Рік тому +1

      Waa runtaa abaayo gabadha heestan qisadeeda leh asal ahan waxay ka soo jeeda Baladweyn
      Baladweyn iyo jaceylada qabyada maxaa kala heysta!!!!!
      Allaah ha u naxariisto Abwaankeeni weynaa Hadraawi 😭🤲

    • @beerlulaahmed320
      @beerlulaahmed320 Рік тому

      Kaaga sii darane 2 gabdhood ba waa reer Baladweyne Cajiib😥❤🥰

  • @worldtoday1331
    @worldtoday1331 2 роки тому +15

    😢😢😢😢 Hadana murugo iyo farax midkaad ka mutaysataba eebbaa lagu mahadiyaaa.

  • @Som-fr1or
    @Som-fr1or 2 роки тому +15

    Waa qiso cajiiiba hiil walaal wa mahadsan tihiin shacab gob ah ayaa tihiin duqa dalka haystana alle haydin dhaafiyo

  • @HibaaqAynanshe-um6px
    @HibaaqAynanshe-um6px 9 місяців тому +1

    MAANSHAALLAH ALLOOW KU DAA HUUNO ❤❤❤❤❤DJIBOUTI FROM HARGEISA SOMALILAND ❤❤❤❤❤NOOLAADA REER DJIBOUTI

  • @xamdiyusuf4377
    @xamdiyusuf4377 2 роки тому +4

    Wlhi malintn hesta barty ila hda wan dhagsta malin ankuso ceshn ma jirto wa hes daren leh🥺 fananka codkisa wa dahb ❤️

  • @xamsemaxamed2994
    @xamsemaxamed2994 2 роки тому +5

    Heesta bilaw ilaa dhamaadba qisadu Riyo riyo ayay ilanoqotay anoo qisadas maraya unban isku maleyay WOW it's great song👏

  • @user-ko9iw8be7z
    @user-ko9iw8be7z 2 роки тому +9

    Murti laguma gaadho walee abwaaninta reer soomalillnd iyo kuwa jabuuyiba 😭😭😭😭😭😭😭❤❤

  • @fahimaosman4583
    @fahimaosman4583 2 роки тому +18

    Noloshadeyda xilaagan farxaad la aan ahay ilahey Faraj iyo farxad iskugu Daba dhig yaa Allah heerkan rabo ii garsii hadaan geeri Ka badbado yaa Allah hadad ii ofsado nah janadada igu arsaaq iso duceyd ya pls pls inta aqrintodo qoralkeyga inan nolol farxad leh iyo guur wanagsan helo yaa Allah muradkeyga ii sahal aniga iyo inta Ila midka ah

    • @amiircilmi2392
      @amiircilmi2392 Рік тому

      Meeqo jir ayaad tahy?

    • @sacdiacabdi6467
      @sacdiacabdi6467 Рік тому

      Allaha ku caawiyo wllo Faraj khayr allaha kusiyo

    • @khadra7767
      @khadra7767 Рік тому

      Inshallah ya rab faraj iyo wanagsan badan Allah haa ku siyoo iyo idelkeen Amiin Amiin

    • @timroyacoub8369
      @timroyacoub8369 Рік тому

      Amiin walaal khayr dag dag ah inshAllah

    • @mohamax5173
      @mohamax5173 Рік тому

      Alaha kuu salon muraadkaaga. Farxadna ku waar. Qof alle qofkaa jeclaatana alaha kuu so jediyo aamin

  • @muniiraabdi5866
    @muniiraabdi5866 2 роки тому +22

    Arine weey murugtayee xaajadu meel adag gashee illaahoow iii miciiin heestaan meela badan ayeey taabanee qeeba ka mida nafteeyda ayeey ka hadleeee illaaheey culeeska heeyga dul qaado 2016 ilaaa iyo 2022 ayaan muruga dareeeeemaaa culees kaligeey igu ah mar dhaw Waxaan rajeeynaaa inaaan ka dhamaado Insha allah

  • @hasnawais424
    @hasnawais424 2 роки тому +5

    Bravo Abdillahi Osman heest way itaabaty merci beaucoup inader hore u soco waad Coode macatahye

  • @AbdinassirShukri
    @AbdinassirShukri Рік тому +2

    Si ruuxiya aniga oo u jecel heesaha Muumin Ababe ayaan haddana tan aan caadiga ahayn ku raaxaysanayaa. Abwaankaygiiyoow Eebbe ku daa if iyo aakhiraba.

  • @nagad-nalka3690
    @nagad-nalka3690 Рік тому +14

    Xanuun waynaa xasuustu 😢6/4/2023 jecel ima hayo lkn jecel burburay ayay xasuustiisu idhibaysaa 😢

  • @dahirfarax2066
    @dahirfarax2066 2 роки тому +20

    Sida aan ka arakno heestaan waxey ku dhacday askari reer jabuti ah garahaan kuwa soomali jooga hiil walaal ee waxaan rabnaa in Book laga qoro qisada

  • @WaaIntee
    @WaaIntee 3 дні тому

    Wlhi heestan dad baa caashaqa jira moodaya balse waa hees qiiro wacyigajiro xanbaarsan ee manta soomaali kala hareeyay waana wadani allow xafid wllka qaadin iyo abwanka sameeyay soomaalaay damiir yeesho ayihiina soomaaliya isku qabta iskuna garab is taaga boqorka alle weyne aya inaga garab is taagin guuleeysta kaca soomaaliweyn

  • @aazbarotheahmed1864
    @aazbarotheahmed1864 10 місяців тому +1

    Hora loyiri somalia somali ba leh reer dalka waxbad ka leedihiin walala yaal 🙏❤️

  • @samaterahmednurabib8046
    @samaterahmednurabib8046 2 роки тому +8

    Cajiib waa hees isku sar iyo jaan go an
    Fanan cod toolmoon oo leh hab masraxiyeed heer sare ah
    Midhaha heeska oo iyana kasoo maaxay abwaan sare oo murti yahan ah
    Musik dananaya
    Laxan iyo naaxiyad bisil oo heer sare ah
    Guuleysta wllha Jabuuti from (Jigjiga Somali Galbeed)

  • @ismaelrobleh7763
    @ismaelrobleh7763 2 роки тому +26

    Je savais qu'il avait un talent sacré d'artiste à l'époque du jeune talent, heureux pour Abdillahi d'avoir un chanson légendaire, il a hérité hassan aden samatar

  • @dekawahib2266
    @dekawahib2266 2 роки тому +3

    Machaallah lagouma ouno lagouma awryo k dieu t protège Abdillahi Osman Ahmed

  • @ahmedgeymale365
    @ahmedgeymale365 2 роки тому +10

    Macaan iyo waa qadhadh cajaaib nolasha dhabta buu ka shekeyay
    Heskan score ki somalida bey jebisay
    18 minut soconeysaa 🥰

  • @aliabdirahmansabrie
    @aliabdirahmansabrie Рік тому +7

    Waa hesta kaliya aan dhegaysto waqti walba I liked 👍 ♥️ 💖 ❤️

  • @NH-lb2tw
    @NH-lb2tw 2 роки тому +5

    Rag ba mareeyay❤illahay wiilasheena ha xifdiyo

  • @najiibhassan
    @najiibhassan 2 роки тому +7

    Isma lahayn erayo Nocana qof samayn kara hada somali laga heli Tolow ya sameyay hesta❤️🙌
    Manta iyo shalayba isku xiga🥲
    macalin weyaan waqtigu😭🙌

    • @yasinmohamedainan9509
      @yasinmohamedainan9509 2 роки тому +1

      Ababe aya sameyey zp

    • @mahadmuuse1065
      @mahadmuuse1065 2 роки тому +1

      @@yasinmohamedainan9509 cumar kaliil weeye adeer

    • @farhiaahmett3844
      @farhiaahmett3844 2 роки тому +1

      Isma lahayn🤣comment-gad TikTok kusoo aragtaa halkana ku arkaysan🫣. 🥺Waa erayo dhaaftay runti hees iyo badh

    • @nabilhoussein5083
      @nabilhoussein5083 2 роки тому +2

      Ereyada maxamed mumin ababe
      Laxanka AUN cabdirahman ali xirsi
      Musica ciise celeyeh

    • @mukhtardhiif
      @mukhtardhiif Рік тому

      awaan jiheeye wa abwanadii hore

  • @awalehmoussab9621
    @awalehmoussab9621 Рік тому +10

    Baladweyn wa ina taga from djibouti♥️💉💉

  • @najaxqalbidhayamaxamed4414
    @najaxqalbidhayamaxamed4414 2 роки тому +7

    Thank u wllo from muqdisho Hiil walal

  • @ahmedomer476
    @ahmedomer476 22 дні тому

    Abwaan Ababe ayaa samayey heesta waa nin ree awdal iyo ree jbouti ba ah ❤

  • @mustafadiriye2593
    @mustafadiriye2593 2 роки тому +13

    Tiktok yaa kasoo arkay halkan lasoo helay👍👍👍

  • @nuurcabdi7613
    @nuurcabdi7613 Рік тому +1

    Manshaa Allah amanada illahey abadkiin ahaada jamuuriyada jabuutii wadnaheenyow aamiin❤

  • @user-ic7vw2ef8k
    @user-ic7vw2ef8k 8 місяців тому +1

    Ilaahoow ha idilin Anoo baladweyne cagta saarin Gabdhaha baladweynena lasoo kulmin

  • @farduuscabdiraxmaan885
    @farduuscabdiraxmaan885 2 роки тому +11

    Heestan qiso dhab laga sameyey anaa dhagaystay askaari reer Jabuti ah o hiil walal ah ayaa jecladay Gabadh reer Muqdisho ah kadibna Madaxwayniihi cidanka jabuti ayaa u diiday Gabadhii o ka Musafuriyey wlhy cadi bu u dreen hadlaya😭

    • @qalbidhayasomaligirl7746
      @qalbidhayasomaligirl7746 2 роки тому +3

      Maha rer muqdisho e wa rer baladweyne

    • @bintumuhabaqorane2469
      @bintumuhabaqorane2469 2 роки тому +1

      Sis Askari hiil walaal ah maxaa laga wadaa mise waa koox magacood

    • @hafsanorelmi3994
      @hafsanorelmi3994 2 роки тому +1

      Inte ka hela qisada abyo

    • @hafsanorelmi3994
      @hafsanorelmi3994 2 роки тому +1

      @@bintumuhabaqorane2469 abyo askarta jabuti ee muqdisho nabad ilalinta ujogan ladhaha hiil walal
      Sida magaca amisom cml waye

    • @beerlulaahmed320
      @beerlulaahmed320 Рік тому

      Maya gabadha waa reer Baladweyne🥰

  • @ayuubcabdullahi6400
    @ayuubcabdullahi6400 2 роки тому +14

    Heestan io heestii Baladwayne qisooyin ka io music yada bdn iskaga egyihiin intii aysaa lathy like ta👍

    • @aliismail5622
      @aliismail5622 17 днів тому

      Waar beledweyn meel ha kaga dhicin waxani hees maahee waa buraanbur iyo jacbur

  • @ismacillapasta138
    @ismacillapasta138 2 роки тому +3

    Woow inaba cadi ma ahan hestii baladwen hees loo bar bardhigi karo hes hees dhaaftay malinki igu horesay aan dhagesto hestan iyo fanaanka lkn inaba cadi ma ahan

  • @hassanabukar3150
    @hassanabukar3150 2 роки тому +14

    heestani taariikhda soomalida ayey gali doontaaa..
    heestani waxyaalo badan ayaa lagu xusay:
    1. dad xumaan ugeystay
    2. dad abaal ugalay.
    3. labo dhaawac kii hore iyo marka guursady kadib.
    4.. waaana heesta ugu dheer heesaha sooamalida...
    5.. waana la isu tagy heestani....

    • @mohamedjamaomar8058
      @mohamedjamaomar8058 2 роки тому

      Heestii baladweyne ee beer lula ayaa ka dheer heesta ku soo xigta waa tan

    • @user-lf2jy4hv6b
      @user-lf2jy4hv6b 15 днів тому

      ​@@mohamedjamaomar8058heesta beledweyne 12 daqiiqo ayay socota tana wa 18 daqiiqo.heesta ugu dheer weeyàn somalida

  • @user-sg3nb1gq6q
    @user-sg3nb1gq6q 20 днів тому

    Maliti aley gu hiri sida manta la bixi maxa murugiyo xanun anigu malo igu hafsade from djabuti ❤❤❤🇩🇯🇩🇯🇩🇯🇩🇯🇩🇯

  • @ayaanmohamed3438
    @ayaanmohamed3438 2 роки тому +3

    Hees dareen dhab ah xambaarsan iyo fanaan cod macaan inoogu qaaday cabdillahi well done.

  • @nataschamohamed2076
    @nataschamohamed2076 2 роки тому +17

    Une très belle histoire d'amour vrai MashAllah, bien organisée avec le rythme, avec le changement du musique qui défini le bas de l'histoire bravo Abdillahi 🥳🥳🥳👏👏👏

  • @abasshassan8077
    @abasshassan8077 2 роки тому +13

    presque 1million dans une semain ,tros attirante chancon pour legente abdillahi osman.

  • @dhiibsanetvshow
    @dhiibsanetvshow Рік тому +3

    Heesti ugu dheerayad sido kale leh ilaa 3 laxan oo kala hadlaysa xaalado kala duwaan inshalah hees tariikhda gali doonta weye

  • @abdixareed4087
    @abdixareed4087 2 роки тому +12

    Waa hees qalbiga taabanaysa walaalheen Djibouti 🇩🇯 😍 💖 💓 💕 aadban idiin jecelnahy mahadsanidiin

  • @dahirdahiye7021
    @dahirdahiye7021 2 роки тому +3

    Isku Ekaa Qisadii Abwaan Hadraawi Baladwayne ku qabsatey iyo qisadaan Askarigaan qabsatey.💔Alow Hadraawi dib u arag Gabadhii.

  • @xamseibraahim6366
    @xamseibraahim6366 2 роки тому +12

    Reer jabuti waaa gob madaxweyne waydey anigu waxaan ahey wiil rer puntland waan idin jeclahay lkn nin xun baa madaxweyne idin ah

    • @fatxiyaosmanbarry3996
      @fatxiyaosmanbarry3996 2 роки тому +1

      Agub wann idinjeclnHay nolada Puntland lakiin ciidba kama aqaan

    • @charkokhadar2558
      @charkokhadar2558 2 роки тому

      War Iska amuus anaga jacel madaxwayna ee bila abaal ma tahay adu somaliyeed ki mideey weeyi ismaciil

  • @monalisa6960
    @monalisa6960 2 роки тому +3

    Walhi wa hess canun iyo qiro badane runti machallah bravo abdillahi

  • @mohammadabdiyare8694
    @mohammadabdiyare8694 2 роки тому +7

    Manta iyo shalay Baa isku xiga Macalin weeye waqtigu cishaba tala gaa maqnayd ayuu ku Mujiyaa Murtina waa laga dhaxlaa hadana Murug iyo farxad Midkaad Mutaysataba Eeba laku Mahdiyaa

  • @sahalsiyad2146
    @sahalsiyad2146 2 роки тому +13

    Heestii ugu macnaha iyo miizaanka wayneed qarnigaan wlhi 🥰🥰

  • @fatoumoud4591
    @fatoumoud4591 2 роки тому +3

    Hees qiiro leeh mashaallah Abdillah wad kaa baxsatay lakin dhowr kalmadood ayaa laa badiilay

  • @Muna2187
    @Muna2187 2 роки тому +6

    Wllhi waa ilmeyay from muqdisho

  • @apdusametawil5716
    @apdusametawil5716 Місяць тому

    Aduunyadu waa masalo noloshu waa mid caynba cayn macan iyo waa qadhadh mar xaladay soo marta mantiyo shalay Bays ku xiga macalin weeyan wakhtigu cishaba talo ka maqnayd ayuu ku muujiya Murtina waa laga dhaxla
    Hadana murigiyo farax midkad ka mutaysataba eeba lagu mahadiya
    Wlhi heesta bayjka ugu horeeya noloshu really uga hadlaya wa talo iyo tusaale isku jira waan qaatay heestan bayjka hore

  • @Zuldan_Lp_Official
    @Zuldan_Lp_Official 2 роки тому +11

    Heesta somali ugu dheer
    Iyo waliba qisa dhaba

  • @elmihassan3302
    @elmihassan3302 Рік тому +5

    MASHA ALLAH UNE TRES BELLE HISTOIRE D AMOUR VRAI BRAVO ABDILLAHI

  • @abdirahmanahmed4389
    @abdirahmanahmed4389 Рік тому

    macalin weyaan waqtigu.
    Cishaba talo kaa maqneyd.
    Ayuu kuu muujiyaa.
    murtina waa laga dhaxlaa.
    Hadana murugo iyo farax.
    Midkaad ka muteysataba.
    Eebaa lagu mahdiyaaa❤.

  • @sihamahmed2338
    @sihamahmed2338 2 роки тому +7

    Omg answer God Im crying somali jacayal ma yaqanan way kala eryeen

    • @nuuraskar6314
      @nuuraskar6314 2 роки тому +2

      Waa runtaa wll mxa labo is jecel lakala caydhiyay Somali jacayl ma yaqaanan

  • @halimaibrahim1854
    @halimaibrahim1854 2 роки тому +6

    Très belle chanson abdillahi osman horey usoco walal

  • @mohandek
    @mohandek 8 місяців тому +2

    Macalin waye waqtigu😢

  • @zainabessefaaricarabeeto4744
    @zainabessefaaricarabeeto4744 Рік тому +16

    Une histoire éloquente, et un chanteur à la voix douce, je vous aime tous les Djiboutiens

  • @Throw-me
    @Throw-me 8 місяців тому +3

    That song make me cry😢,i'm navy❤.

  • @abdiwasacbade4343
    @abdiwasacbade4343 2 роки тому +4

    Abwaan maxamed muumin ababe
    Legendery
    Qiso cajiib ah
    Fanaanku cod toolmoon ayuu ku ladhay

  • @aysaromar4860
    @aysaromar4860 2 роки тому +7

    Shekadu waa nin askari jabutiyaan ah oo amson ahaan xamar ujoga jecladay gabar gursasaday kadiba jabuuti loso celiyay kadibna ay iyadii jabuuti uga daba timid dabadena laso musafuriyay oo asagina la xiray ayey rag sarakiil ah shekadi ogaden oo asaga iyo gabadhii isku kenen

    • @beerlulaahmed320
      @beerlulaahmed320 Рік тому

      Maya gabadhu waa reer Baladweyne ciidamada jabuutiyanka hiiraan ayey joogan

  • @yahyemohammed4327
    @yahyemohammed4327 2 роки тому +2

    Wow hees wacan laakiin qofka dharka cad maa istajka iyo fanaanka ku diray

    • @user-zu3sh7xz1o
      @user-zu3sh7xz1o 8 місяців тому

      Taliyihi guutada askariga qisadu kudhacdey ayuu matalaya ninkaas dharka cad wll😅

  • @Shaaficimaxamedcabdulaahi
    @Shaaficimaxamedcabdulaahi Місяць тому

    Waaw waan wataa dadka aan walalaha nahay iyo fananiinta

  • @mo_khad0z
    @mo_khad0z 3 місяці тому +2

    Who is watching 2024

  • @kalidhabane2902
    @kalidhabane2902 18 днів тому

    Abwaan mohamed ababe walhi waa Abqari wayn ❤

  • @foziaabdullahi5212
    @foziaabdullahi5212 2 роки тому +2

    Jacalka wa wax jira Ilahow inta isjacel iskudaa F♥️feisal Amin love u my honey