Maansadii DABA-TAXAN iyo Macallin Gaarriye: “...Markaad hebel Duqaysaa, Reer Hebel Damqanayaan...”
Вставка
- Опубліковано 4 лют 2025
- Tixdan oo magaceedu yahay “Daba-taxan” waxa halabuuray Macallinkii iyo Maansayahankii Soomaaliyeed ee Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye”, Allaah naxariistii janno ha ugu deeqo e. “Daba-taxan” waxay ka mid tahay maansooyinka ugu caansan ee badweyntii maanseed ee halabuur Maxamed Xaashi Dhamac. Waxay soo baxday 5/1/1997.
Buugga Hagarlaawe ee suugaanta Abwaan Gaarriye oo tixdani ka mid tahay waxa uu ina odhanayaa:
“Dagaalkii sokeeye ee uu Abwaanku ka digayey, wixii uu sheegay iyo wax ka sii daran ayaa dhacay; afkii baa hadal daayey. Burco, Berbera iyo Hargeysa ayaa dagaal sokeeye ka dhacay. Wakhtigaas dagaalku dhacay wuxuu Abwaanku ku maqnaa Afrikada Galbeed. Kuwii uu ka digayey ee danta gaarka ah lahaa ayaa dagaalkii horkacay. Dadkii ayaa dabka la saaray oo wixii looga digayey ayaa ku dhacay. Dabadeedna nabadayn iyo in la dhex galo ayaa bilaabmay. Mar haddii abwaanka ergonimadiisii dheg loo jalaqsiin waayey, dabkii uu ka digayeyna lagu dhacay, wuxuu bilaabay bal inuu nabadeeyo, dabadeedna wuxuu tiriyey tixdan hoose ee Dabataxan. Sida ka muuqata magaca tixdana waxa abwaanku ina tusaalaynayaa in dhibku weligiiba soo taxnaa.
Waxay la hadlaysaa shacabka oo leedahay hebel iyo reer hebel mushkiladdu ma taagna, ee wax ma noqonnaa mise dib baynnu u noqonnaa?”
Haddaan gabay dan uga baxo
Ama dhaafo dooyada
Dacar igu hulaaqdiyo
Qalin-daar ma waayee
Maantana Abdeeqow,
Wax i “dubuq” yidhaa jira.
Duulka aan u naqayana
Dhedaa saaran lagu dedey.
Dabbaalnimana kama aha
Dagan maahsanaantiyo
Wixii laga dagaallamay
Wax u dooriyaan jirin.
Anigana dac-gudhantii
Gacmahaygu diirmoo
Weli dowliskaygii
Dirri buu ku dhacayaa.
Dalcadduna ma dheeree
Nimaan kaba dareen qabin
Inuu dayn ka maqan yahay,
Ayaan doono lagu karin.
Wax u diiddan baa jira
Faraskana durduradee
Haddaan talada lagu darin,
Inuu duulimaad galo
Ama orodka deeddamo
Doollaal ha eegina.
Dun baa meel ka xidhan weli
Goldalooladiinnuna
Door bay ku leedahay.
Digdig iyo mutuhis iyo
Dul-ka-xaadis mooyee
Bal si daawo loo helo
Darsa eelka lama odhan.
Danni baana igu jira
Inaan hoosba loo deyin
Sengaa daalay meeshuu
Ka damqaayo heensuhu
Ama dhaqanka dabatadu
Ka dabraaya qarankii
Shalay doolka ugu yimi.
Dillaacuna wuxuu fiday
Markii looga sii daray,
Ee cudur darmaan galay
Laga gubey dameeraha.
Dulucdeedu waxay tahay;
Dawga aada Boorama
Kuma geeyo Daafeed.
Xeerkiyo dastuurkii
Loo dejaana kuma fulo
Ummad aan dabci aqoon.
Anna shalay, Sandoonow!
Dadka maan habaarine
Dayro hore sed kama foga
Deeqna waa u dhowdee,
Dubaax loo kor dhigay ciid
Doqon baan u garan hiil.
Degel ba’ay nin yiil shalay
Oo digo-gub sahansaday
Maantana diyaar u ah
Lama-dego in loo raro
Oo nolol ka deel wadhay
Nin dabiib la leeyahay
Dhiig ku duuli maayee,
Dardartii haddaan dhimay
Wax i daaray baa jira.
Ilmihii dammiin ihi;
Iska daa abwaanoo
Wuxuu diiqad geliyaa
Habartiisii dihatee,
Diiwaannadaydii
Haddaan duubtay yeelkay.
Inaan dararo maantana
Xil baa igu dirqiyayee,
In aan deexdo maan rabin;
Deelley mudduciyoo
Ciddii ay dacweyn layd