Legende Abdi Nour Allale , mon ami et Neima Djama. C est vers 1979-1980 que j ai decouvert cette chanson et celles de 'Gacan maqaan' en classe de CI , CP et depuis je ne cesse de les cherir. Souvenir d'enfance au quartier kartilet.Djibouti dii horee iyo waayo waayo
MIDABKII XAREED --- HO.CABDINUUR ALLAALE XIRSI & NIMCO JAAMAC MIGIL
&Erayadii : EHUN Xasan Cilmi Diiriye
'' Ho. Cabdinuur Allaale Xirsi
Midabkii xareeddiyo
Xarfa guban ku taalloo
Xayskii ku hooraay
Xiisahaad abuurtiyo
Xisintii Jacaylkaa
Xuddunta iyo feedhaha
xamatoorinaayoo
Xurdo ila haleelee
Adna xaadhintiisiyo
Xiddigaha ma kula tagay
Mise ma aabad xaalayn ?
Ho. Nimco Jaamac Migil
Adba caana xoorlliyo
Lagu mood xariirtoo
La xaddaayadeeyee
Sida geed xayaaba leh
Oo xidhin barwaaqaha
Durdur xididka kula jira
Xaddigaad u taalliyo
Xarragadu halkeedee
Waxse haatan iga xidhan
Xaggan aad ka hadashiyo
Xiisaha kalgacalkee
Ho. Cabdinuur Allaale Xirsi
Nin xaraara waalani
Xoodaaminaysoo
Xawawariyay caashaqu
Sharaf lagama xaydee
Waxaa lagu xurmeeyaa
Ama lagu xaqdhowraa
Xeerkii dadnimadee
Xil yaqaan haddaad tahay
Waanigaa xogtaydii
Kuu xaalad sheegtee
Adna xiiqa iga reeb
Ho. Nimco Jaamac Migil
Inanyahow xasuustiyo
Xaqa laysku leeyahay
Xoog laguma doonee
Waa xaajo gaar u ah
Labada u xisaab lihi
Xuubsada jacaylkuye
Inay wada xayaadaan
U xiddigiyay noloshee
Xero aan ku geeyiyo
Aqal kuuma xaadhnee
Ha is-xiijin inanyahow !
''
Tixdan waxay butaacaysaa soojiitayaal maanseed oo layaab leh ! Mahadsanid Walaalow
Waxaa ereyada leh Aadan Faarax sxb
😊😊😊
Legende Abdi Nour Allale , mon ami et Neima Djama. C est vers 1979-1980 que j ai decouvert cette chanson et celles de 'Gacan maqaan' en classe de CI , CP et depuis je ne cesse de les cherir. Souvenir d'enfance au quartier kartilet.Djibouti dii horee iyo waayo waayo
Ça me rappel mon enfance au début des années 80.
Waa erayaadi abwaankii Weynaa Xasan Cilmi Dirieh ( AHUN )
Mahadsanid jaalle
Dabcan zxb
" Y' a Salam."
My favorite Abdi nour iyo la diva neima Djama
Waa hees aad umacaan
Woow 49 millions vieuws mashallah ❤️🙏👍
encien souvenir
woow
Adba canaxorliyo Lagumodxarirto
س
qo
Nimco jaamac