Hadraawi & Jacayl Dhiig Ma Lagu Qoray (Part 1)

Поділитися
Вставка
  • Опубліковано 8 лют 2025
  • Waxa ay ahayd hees waa hore uu curiyey Maxamed Ibraahin Warsame oo ay ku luuqayn jirtey Alle Haw Naxariistee Xaliimo Khaliif (Magool). Haddana waxa uu Hadraawi ku soo bandhigay 2007-dii barnaamijka sannad laha ah ee Somali Week ee lagu qabto magaalada London ee carriga Ingiriiska.

КОМЕНТАРІ • 397

  • @jamaadwarsame6860
    @jamaadwarsame6860 2 роки тому +26

    Abwaan hadraawi iyo abwaan gaariye labadaba alle ha unaxariisto qabriga alle ha u nuuriyo😭😭

  • @ahlamhasansiyad3333
    @ahlamhasansiyad3333 2 роки тому +15

    Alaha kuu naxariisto abwaan hadraawi aaaamiiiiin
    Caawa waxaa tahay mayd aduunka dusheeda inala jooga bari hadii alaha yiraahdo gurigaaga runta ahaa u safri doonta Safar aan soo noqosho laheyn ee alaha kuu waasiciyo qabrigaaga aaaamiiiiin 😥

  • @ShafieMohamed-n2j
    @ShafieMohamed-n2j 8 місяців тому +14

    On this world of today , we will never see another Hadrawi 😢❤

  • @kamaalbashiir1567
    @kamaalbashiir1567 2 роки тому +17

    Allah Ha unaxariisto abwaan Maxamed maxamed warsame Hadraawi 😥 18/8/2022

  • @mohamedaweys3879
    @mohamedaweys3879 5 років тому +259

    Jacayl dhiig ma lagu qoray?
    Weli dhuux ma loo shubay?
    Qofna saanta dhabarkiyo
    Ma u dheegey feedhaha?
    Dhabannada cad laga jaray
    Hadalkii ma lagu dhigay?
    Xinjir aan is dhalan rogin
    Midabkeedu dhiin yahay
    Laga dhuray halbowlaha
    Weli dhiil ma lagu shubay?
    Laba mays dhansiiyeen
    Sida dhayda xoolaha
    Dhag dhag maw wadaageen?
    Weli laba is dhaarsaday
    Beryo dhacan nasiib iyo
    Dhul ku kala cillaalaa
    Subax dharabku kowsadey
    Dhedaduna cuddoon tahay
    Cidla aan dhir mooyee
    Wax dhaqaaqayaa jirin
    Jabaq maysku dhaadeen?.
    Kulankii dhabta ahaa
    Riyo dhiifi keentiyo
    Dhalanteed ma moodeen?
    Sida ay dhadhabayaan
    Dhawr jeer ma seleleen?
    Af dhabaan dhab jamashada
    Ma ka dhoofay hadalkii
    Bal dhaqaaq na kay tahay
    Dhihidii ma waayeen?
    Ma ka dhabaqday xaajadu?
    Ilma dhalatay xiisuhu
    Sida dhibic mahiigaan
    Ma ka qubatay dhaayaha
    Ma ku qoyey dharkoodii
    Naxariis ma dhidideen
    Iyagoo dhanqalankii
    Dheel dheelli mooyee
    Dhegna aanay kaga jirin
    Kolba erey dhex roorkiyo
    Dhumucdii ka maqantahay
    Dhitinaaye keligii
    Ka dib tooban dharaarood
    Carrabkiyo dhanxanagii
    Dhirindhirid ma ku heleen
    Laba guul u dhalatoo
    Isu dhiganta weeyee
    Dabadeed dhabeeshii
    Hanadkii ku dheeraa
    Dhudi mays bariidsheen
    Dhubbad qaadka sheekada
    Qofba dhagarta caashaqa
    Wixii dhaaxo soo maray
    Ma dhex galay kalkiisii
    Ma akhriyey dhambaalkii
    Warka maysu dhiibeen.
    Kalgacayl dhito ahaa
    Dhamac iyo dab huriyeen
    Dhuxuliyo ladh soo kacay
    Hadba dhoon ma buuxsheen
    Kolba dhacan ma jiideen
    Dhacdadiyo u jeedada
    Qofba dhaadashada guud
    Qofka kale dhankiisii
    Inaan looga soo dhicin
    Ma ku dhaabadeeyeen
    Sannad mays dhegeysteen
    Ma dhalaalay waagii
    Dhag ma tidhi cadceedii
    Intay soo dhaqaaqeen
    Iyagoon ka dheeraan
    Dhaqankiyo xishoodkii
    Dhaymana u jeel qaba
    Iyadoo dhexdoodii
    Dhulka suxul banana yahay
    Dhibta maysla taageen
    Wax intaa ka sii dhow
    Ma ku dhiiran waayeen
    Dhayal laysu taabtiyo
    Dhallinyaro habkeedii
    Ma ka dhega adaygeen
    Dhadhansiga miliilica
    Isha mayska dhawreen
    Dhabbaday is taageen
    Qofba dhaabaddiisii
    Sara joog dhankiisii
    Kun habeen ma dherernaa
    Dhudhummada aboorkii
    Dhulka hoose kaga baxay
    Dhilashada jidhkoodii
    Ma dhanbalay sartii guud
    Ma dhammeeyey hilibkii
    Xidididada ma dhaawacay
    Ma u dhaafay seedaha
    Lafta hoose maw dhacay
    Dhiilluu ku geliyaa
    Ama waad dhalliishaa
    Dhagartiyo wedkaagee
    Dhimashada kal iyo laab
    Ma ku soo dhaweeyeen
    Dhoollaha ma ka qosleen
    Ubax dheelka subaxdii
    Naxariis ku dhaashtoo
    Afka dhiin cas mariyoo
    Dhaddigiyo labkisii
    Laba dhude isugu maran
    Ma is dhaafsadeenoo
    Dhaxal maysu siiyeen
    Dhuuni kawlka caashaqa
    Maysu sii dhadhamiyeen
    Ereygii dhinaa hadal
    Dhegta maysu saareen
    Dhafan dhaaf aboorkii
    Ma dhufsaday cammuudii
    Ma u qaatay dhoobada
    Dhab-dhabkiyo kabkabidii
    Labadaba ma dhalan rogey
    Dhismo kale ma soo baxay
    Ma ka dhigay wax yaabliyo
    Dudun dherer ku caanoo
    Dhumuc iyo laxaad weyn
    Dhalan dhoolka maantii
    Dadku dhacarta jiilaal
    Ma dhasaday dharaartii
    Ma ka dheelmay galabtii
    Iyadoon la dhaadayn
    Sheekada dhabteediyo
    Dhabar weyntan hooska leh
    In dhexdeeda laba ruux
    Runta kaga dhur sugayaan
    Haddaan laysu dhamanayn
    Nafta laysu dhiibayn
    Ama dhaxal tis qaadiyo
    Dhismo aqal la taagiyo
    Ubad iyo dhaqaaliyo
    Dhaqan reer la kala sugin
    Dhunkashiyo u jeedadu
    Tahay dhaayo guudkood
    Waabay la dhabaqsado
    Dhereg iyo markaas qudha
    Ama sida dhurwaayada
    Hilbo gabadh dheg roonoo
    Higlo loogu dhuuntoo
    Dhakhso loogu kala baxo
    Ninba waxa dhabbacashada
    Dabinkiisa ugu dhaca
    Dhidar iyo xabaashii
    Sharaf lagu dhabcaaliyo
    Dhawrsooni laga tegey
    Dhalanteedka beenta ah
    Bulshadaa u dhaawacan
    Hab jacayl u dhaqan galo
    Ma holladay ka ugu dheer
    Maamuusna ugu dhow
    Mise weli wax baa dhiman!!

    • @farhiyamohamud9444
      @farhiyamohamud9444 5 років тому +5

      Adigaba midkale ah cadi matihid maskax fiyow allah hakuxifdiyo

    • @mohamedaweys3879
      @mohamedaweys3879 5 років тому

      @@farhiyamohamud9444 haha. Thank You. So kuma Faaiidin adiga walal.

    • @farhiyamohamud9444
      @farhiyamohamud9444 5 років тому +1

      @@mohamedaweys3879 kkk haa walahi Wan maqli jirale hada koley sidad Uma xifdinidone lkn Wan firini lkn gacanan ku tage 🙋🙋🙋🙋🙋

    • @BestFriend-jk3mn
      @BestFriend-jk3mn 5 років тому +1

      Mohamed Aweys masha Allah maskax fayow Allah haku siyaadiyo amiin bro

    • @mohamedcidhib2596
      @mohamedcidhib2596 4 роки тому

      Thanksgiving 🙋‍♂️🤴

  • @daadeheeye4175
    @daadeheeye4175 3 роки тому +6

    Hadraawi Shakhsiyadiisu waa cajiib waana Nin Gobonimo badan Wuu Arkaa Ninku inuu jacayl dhaba u jeeday laakin abwaanku Wuu maldahay sirtana Banaanka muu wada keenin. Cimri dherer iyo Caafimad idam Alle❤

  • @khalidkilas.6552
    @khalidkilas.6552 2 роки тому +2

    Geerida marxuum abwaan hadraawi murugadedu walahi wey iga bixi la'adahay ax ax markasta waan xasuusanaya ka bacdi beerka ayaan ka ooyaya inkastoy xaq tahay qof muslimana aan ahey oo aaminsan xaqnimada geerida balse hug iyo murugo ayaan dareemaya ilin badan ayaa gudahay ku da,aysa.allow janandii idin gee dhamaantiin abwaan hadrawi iyo saxibkii gaariye

  • @JIMCAALE__10
    @JIMCAALE__10 2 роки тому +4

    Alle ha u wada naxariisto gaariye iyo hadraawi laba sxb oo ilaahay ku manaystay hibo cajiiba oo mug iyo miisan ba leh iyo maskax ay ka soo maaxanayaan murtiyo macno ku fadhiya.

  • @shideyare4834
    @shideyare4834 6 років тому +25

    maxamed warsame hadraawi abwaanka ugu xeel dheeraysan abwaanada somalida 💯💯

  • @UsamaJama
    @UsamaJama 7 місяців тому +2

    Alle ha u naxariisto labada abwaan ee Gaariye io Hadraawi ❤😢

  • @drsameer202
    @drsameer202 5 років тому +32

    One of the best and Greatest poet somalian people all time.. abwaan Hadraawi

  • @nabadoonsoomaaliyeed6291
    @nabadoonsoomaaliyeed6291 7 років тому +108

    cajiib abwaan maxamed ibraahim warsame ( xadraawi ) wlh waa nin. adag wuxu yiri waxaan go, aan saday ninkaasu waa iga yaabshee anna inaan kayaabsho libaax allaha ku caafiyo

  • @dr-abdala8041
    @dr-abdala8041 Рік тому +2

    Muxuu cabqari aragti fog ahaa Abwaanku.
    Allah ha unaxariisto Hadraawi iyo Magool ba..

  • @hamsesadiiq856
    @hamsesadiiq856 3 роки тому +15

    Marka lagu leeyahay suugaantu waxay taalaa waqooyi been maaha bal raga meeshaas fadhiya dhamaantood waa isaaq alle ha u naxariisto gaariye

    • @Shacni.
      @Shacni. 9 місяців тому +2

      Duli faara qabileysta ah naagta laga shekeynayba oo carabta jcylka ku aburtay wa nag hawiye ah

    • @AbdiganiIdris
      @AbdiganiIdris 21 день тому

      @@Shacni.haday tahayna ya qoray waxay qaadaysay

  • @cabdiraxmaancabdulqaadir2787
    @cabdiraxmaancabdulqaadir2787 2 роки тому +3

    Ilaahow kuu naxariiso wllhi anu waligay ma arag hadana geeridiisa waan ka qiirooday geeriduna waa xaq ilaahow kuu naxariiso Aamin

  • @bilejama9356
    @bilejama9356 6 років тому +3

    Hubaashi ragii iyo gabdhahii hore ee somaliyed waxay ahayeen dad aan aduunka igu cimiga iyo caqliga badnaa lakiin hada waxa soo haray xuunsho alle haku dhoowro Abwaan hadraawi

  • @cadnaanmontolivo7196
    @cadnaanmontolivo7196 9 років тому +49

    waa qiso cajiib ah
    alah ya rahma Magool
    and long life hadraawi

    • @juunahmed8813
      @juunahmed8813 8 років тому

      hej

    • @dulmadoobedulmidiid4655
      @dulmadoobedulmidiid4655 6 років тому +4

      Ninkii laxanka ku fara yareystay mala hilmaamay heesba heestay ka laxan fiicantahay way ka qiimo badantahay cabdikarin qaarey ayaa saarey laxanka

  • @apdirahmanahmed1932
    @apdirahmanahmed1932 2 роки тому +2

    August 19, 2022
    Alle Ha u naxariistee Waa maalinkii uu Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame HADRAAWI ka hoyday Dunida una hoyday hoygiisa saxda ahaa. 😥
    Faataxada u mar ado raali ah

  • @nadahmohammoud7363
    @nadahmohammoud7363 6 років тому +29

    Geesi boqor buug aad u qiiro leh ayuu ahaa waan xasuusta heesta ugu dambaysay waxay ahayd
    Jacayl dhiig malagu qoray
    Qofna saanta dhabarkiyo
    Ma udhiigen feedhuhu 😭😥

    • @kandarabi927
      @kandarabi927 4 роки тому

      Yaad jeceshahay markaa adigu hadda?

  • @wllantonio8259
    @wllantonio8259 2 роки тому +8

    Allha unaxariisto abwaan hadraawi😫🤲😭

  • @dailyxiin
    @dailyxiin 4 роки тому +27

    *Maxamed warsame Haadrawi*
    Jacayl dhiig ma lagu qoray
    Weli dhuux ma loo shubay
    Qofna saanta dhabarkiyo
    Ma u dheegey feedhaha
    Dhabanada cad laga jaray
    Hadalkii ma lagu dhigay
    Xinjir aan is dhalan rogin
    Midabkeedu dhiin yahay
    Laga dhuray halbowlaha
    Weli dhiil ma lagu shubay
    Laba mays dhansiiyeen
    Sida dhayda xoolaha
    Dhag dhag maw wadaageen
    Weli laba is dhaarsaday
    Beryo dhacan nasiib iyo
    Dhul ku kala cillaalaa
    Subax dharabku kowsadey
    Dhedaduna cuddoon tahay
    Cidla aan dhir mooyee
    Wax dhaqaaqayaa jirin
    Jabaq maysku dhaadeen.
    Kulankii dhabta ahaa
    Riyo dhiifi keentiyo
    Dhalanteed ma moodeen
    Sida ay dhadhabayaan
    Dhawr jeer ma seleleen
    Af dhabaan dhab jamashada
    Ma ka dhoofay hadalkiii
    Bal dhaqaaq na kay tahay
    Dhihidii ma waayeen
    Ma ka dhabaqday xaajadu
    Ilma dhalatay xiisuhu
    Sida dhibic ma hiigaan
    Ma ka qubatay dhaayaha
    Ma ku qoyey dharkoodii
    Naxariis ma dhidideen
    Iyagoo dhanqalankii
    Dheel dheelli mooyee
    Dhegna aanay kaga jirin
    Kolba erey dhex roorkiyo
    Dhumucdii ka maqantahay
    Dhitinaaye keligii
    Ka dib tooban dharaarood
    Carrabkiyo dhanxanagii
    Dhirindhirid ma ku heleen
    Laba guul u dhalatoo
    Isu dhiganta weeyee
    Dabadeed dhabeeshii
    Hanadkii ku dheeraa
    Dhudi mays bariidsheen
    Dhubbad qaadka sheekada
    Qofba dhagarta caashaqa
    Wixii dhaaxo soo maray
    Ma dhex galay kalkiisii
    Ma akhriyey dhambaalkii
    Warka maysu dhiibeen.
    Kalgacayl dhito ahaa
    Dhamac iyo dab huriyeen
    Dhuxuliyo ladh soo kacay
    Hadba dhoon ma buuxsheen
    Kolba dhacan ma jiideen
    Dhacdadiyo u jeedada
    Qofba dhaadashada guud
    Qofka kale dhankiisii
    Inaan looga soo dhicin
    Ma ku dhaabadeeyeen
    Sannad mays dhegeysteen
    Ma dhalaalay waagii
    Dhag ma tidhi cadceedii
    Intay soo dhaqaaqeen
    Iyagoon ka dheeraan
    Dhaqankiyo xishoodkii
    Dhaymana u jeel qaba
    Iyadoo dhexdoodii
    Dhulka suxul banana yahay
    Dhibta maysla taageen
    Wax intaa ka sii dhow
    Ma ku dhiiran waayeen
    Dhayal laysu taabtiyo
    Dhallinyaro habkeedii
    Ma ka dhega adaygeen
    Dhadhansiga miliilica
    Isha mayska dhawreen
    Dhabbaday is taageen
    Qofba dhaabaddiisii
    Sara joog dhankiisii
    Kun habeen ma dherernaa
    Dhudhummada aboorkii
    Dhulka hoose kaga baxay
    Dhilashada jidhkoodii
    Ma dhanbalay sartii guud
    Ma dhammeeyey hilibkii
    Xidididada ma dhaawacay
    Ma u dhaafay seedaha
    Lafta hoose maw dhacay
    Dhiilluu ku geliyaa
    Ama waad dhalliishaa
    Dhagartiyo wedkaagee
    Dhimashada kal iyo laab
    Ma ku soo dhaweeyeen
    Dhoollaha ma ka qosleen
    Ubax dheelka subaxdii
    Naxariis ku dhaashtoo
    Afka dhiin cas mariyoo
    Dhaddigiyo labkisii
    Laba dhude isugu maran
    Ma is dhaafsadeenoo
    Dhaxal maysu siiyeen
    Dhuuni kawlka caashaqa
    Maysu sii dhadhamiyeen
    Ereygii dhinaa hadal
    Dhegta maysu saareen
    Dhafan dhaaf aboorkii
    Ma dhufsaday cammuudii
    Ma u qaatay dhoobada
    Dhab-dhabkiyo kabkabidii
    Labadaba ma dhalan rogey
    Dhismo kale ma soo baxay
    Ma ka dhigay wax yaabliyo
    Dudun dherer ku caanoo
    Dhumuc iyo laxaad weyn
    Dhalan dhoolka maantii
    Dadku dhacarta jiilaal
    Ma dhasaday dharaartii
    Ma ka dheelmay galabtii
    Iyadoon la dhaadayn
    Sheekada dhabteediyo
    Dhabar weyntan hooska leh
    In dhexdeeda laba ruux
    Runta kaga dhur sugayaan
    Haddaan laysu dhamanayn
    Nafta laysu dhiibayn
    Ama dhaxal tis qaadiyo
    Dhismo aqal la taagiyo
    Ubad iyo dhaqaaliyo
    Dhaqan reer la kala sugin
    Dhunkashiyo u jeedadu
    Tahay dhaayo guudkood
    Waabay la dhabaqsado
    Dhereg iyo markaas qudha
    Ama sida dhurwaayada
    Hilbo gabadh dheg roonoo
    Higlo loogu dhuuntoo
    Dhakhso loogu kala baxo
    Ninba waxa dhabbacashada
    Dabinkiisa ugu dhaca
    Dhidar iyo xabaashii
    Sharaf lagu dhabcaaliyo
    Dhawrsooni laga tegey
    Dhalanteedka beenta ah
    Bulshadaa u dhaawacan
    Hab jacayl u dhaqan galo
    Ma holladay ka ugu dheer
    Maamuusna ugu dhow
    Mise wali waxbaa dhiman!!!

  • @habonabdillahi9690
    @habonabdillahi9690 10 років тому +126

    hadraawi is a great poet , allah cimriga ha ku dheereyo

  • @AbdirahmaanAliAhmed-x8m
    @AbdirahmaanAliAhmed-x8m 2 місяці тому

    AbwaanO Waa Weyn Ayaa ii Muuqda Allah ha U NaxariistO Hadraawi & Gaariye Amien😢❤

  • @kingcb5745
    @kingcb5745 2 роки тому +3

    Allah hku naxaristo
    Maktabadi ugu wayned e bugagta afka somaliga Aya gubaty manta 😔 😢 😭

  • @amuunmohamed8476
    @amuunmohamed8476 3 роки тому +13

    Hadraawi.
    Eebbe cafimaad sareecana haku siiyo.Aamiin...❤
    Wanu ku jecelnahay xaqiiq.

  • @nimonaruuroh340
    @nimonaruuroh340 6 років тому +26

    Hadraawi
    Ifka hibo ku nolow aakhirana hlki roon💋

  • @AzliMaLapo
    @AzliMaLapo 7 місяців тому +1

    Laba abwaan oo wa waYn alla Haw naxariisto Hadrawi iYo GariYe😢

  • @ifraaxyusuf8349
    @ifraaxyusuf8349 3 роки тому +2

    Allow cimri dheer kusii abwaan hadraawi edadey magoolna Allaha u naxaristo🤲

  • @amirkagarisa4761
    @amirkagarisa4761 3 роки тому +8

    One of greatest philosopher of all time
    Hadrawi oya 😍😍🤩

  • @aamirmatiasofficial5353
    @aamirmatiasofficial5353 2 роки тому +2

    Ilaahay janadiisa ayaan kuu rajayn the greatest philosopher in Africa let we translate his poats to international languages wlhi Shakespeare would become much smaller than hadrWi

  • @mmbcarton8550
    @mmbcarton8550 6 років тому +126

    صلي على محمد........
    اللهم صلي وسلم على سيدنا محمد وعلى اله وسلم..

  • @salmaanbincowl6027
    @salmaanbincowl6027 9 років тому +18

    maasha allh boqaradena wee u qalntay in aduun wena dadka joogo iney dal badaaan jaceylna u qàdan gaar ahaan reer sudàn alla yaaraxma eedo xalimo i love u relley

  • @nadarnalka6321
    @nadarnalka6321 7 років тому +26

    afkaga caano lagu qaby carabiga jaceylka ayuu ku fcnhy anaa kuu qiray abwaankeena allaha ku dhowro noolow intee nolol jirto

  • @Samatar4
    @Samatar4 2 роки тому +3

    Allaha u naxariisto abwaan hadraawi
    Wuxuu dhintay 18/8/2022 maalin khamiis ah 12:00 oo duhurnimo.

  • @nabadoonsoomaaliyeed6291
    @nabadoonsoomaaliyeed6291 7 років тому +18

    boqoradii codka soomaaliyeed xaliimo cumar qaliif magool allaha unaxariisto caadi mahayn

  • @sahraahmed5061
    @sahraahmed5061 2 роки тому +2

    Alaah maan sadan isago nool ayaa dhageysan jiray lkn manta isago dhintaan dawanah ilhy godka hydiin Nuuro hadraawi and Gaariye

  • @qacqacosman5716
    @qacqacosman5716 5 років тому +7

    Hadraawi Alle cimriga iyo caqliga hakuu barakeeyo

  • @shafii48
    @shafii48 5 років тому +6

    Cajiiib Halima Khalif magool qof la yeclaado weytahay Allaha u naxariisto

  • @mohammedmukhtaar2895
    @mohammedmukhtaar2895 5 місяців тому

    Alle ha idiin naxaristo one of the best poets

  • @hanadgigis8049
    @hanadgigis8049 5 років тому +4

    Alle haw naxariisto abwaan gariiye. Aamiin ya rabi

  • @Qoraheyhub
    @Qoraheyhub 2 роки тому

    Ilahay ha unaxariisto qabrigana ha u wasiciyo Abwaan hadraawi

  • @boqorkatogdheer5051
    @boqorkatogdheer5051 6 років тому +3

    Halkaa waxaan ka arkaa Abwaan gaariye alle hakuu naxariisto

  • @fadxiapdilahi524
    @fadxiapdilahi524 Рік тому +3

    Allah janadii fardowsa ha ka warabiyo 😢

  • @MohamedDheeg-q1j
    @MohamedDheeg-q1j 4 місяці тому

    Allaha unaxariisto Abwaan Qaaliyuu Ahaaye Isaga Iyo Muslinkii Kale ee Dho
    Intayba

  • @kingyare4607
    @kingyare4607 8 років тому +39

    nolow abwaan gesigayagiiii
    we love you so much

  • @zalmamuhumed7545
    @zalmamuhumed7545 2 роки тому +2

    Alle ha u naxariisto abwaan somaliyeed ♥️🤴🩸💊

  • @boqorkatogdheer5051
    @boqorkatogdheer5051 6 років тому +8

    Adero maxamed ibrahim warsame Hadraawi Alle haku shaafiyo

  • @cabdirashiidmarchisio7002
    @cabdirashiidmarchisio7002 5 років тому +2

    Alle Ha unaxriisto Fanaanad somaliyeed ayay ahyd Abwaan Hadraawi Alle Cimriga iyo Caafimadkga Hakuubarakeeyo

  • @ziizeychannel9348
    @ziizeychannel9348 6 років тому +21

    Asxbta anaa Ku qoray jcl wna ku guleystay like iisaar

  • @maxamedali2603
    @maxamedali2603 5 років тому +4

    mash allah abwaan hadraawi cafimaad iyo waqdi dheer alle hagosiiyo aamin

  • @mahdiqumane7336
    @mahdiqumane7336 6 років тому +25

    H A D R A A W I ❤

  • @istarali8724
    @istarali8724 2 роки тому +1

    Alle hku naxristo abwaan🥺labadiinba

  • @Dirir-vg8zy
    @Dirir-vg8zy Рік тому

    Illaahow ku naxariiso Abwaan aftahan aqoonyahan M.I.W.HADRAAWI

  • @shukrishacni3489
    @shukrishacni3489 5 років тому +5

    Hadraawi waxaN ku jeclahay erwyOh xirfadleh ayuu ku tiriyaa
    AllaH keep yoU Hadraawi

  • @xinyoweeine431
    @xinyoweeine431 2 роки тому

    ilhy how naxaristo abwaan hadraawi iyo dhaman umada muslimed

  • @abdirahmansahalfartaagchan8175
    @abdirahmansahalfartaagchan8175 5 років тому +3

    axyaa jacayl dhiig malagu qoray weli dhuux ma loo shubay qofna saanta dhabarkiyo maw dheegay feedhaha my love 💗💗💗💗💓💓💓💓💓💓💓💓💓💓💓💓💓💓

  • @omarsollasofficial8926
    @omarsollasofficial8926 4 роки тому +12

    *Wxaasaa Jacayl Lagaa Dhahaa*
    29-07-2020///✍🏿♥️+♥️=👨‍❤️‍👨✅

  • @mohiyadiinosmaan4410
    @mohiyadiinosmaan4410 5 років тому +3

    Msha allah abwaan hadraawi gabyaa wayn Allah haku sharfo

  • @AxmedAbdi-o9q
    @AxmedAbdi-o9q 5 місяців тому

    Ilaahay hakuu naxariisto abwaan inkastoo ku arag 😢

  • @mohamedmohamed-sl1tf
    @mohamedmohamed-sl1tf 4 роки тому +4

    Mashallah waa madxaf Nool ayaan odhankaraa ilahay cimrigaaga nainoo Badiyo

  • @yusramohammed6397
    @yusramohammed6397 2 роки тому +3

    Ilahey ha u naxriisto abwaanka mnta gurigiisa runta u hoyday🤲😭

  • @abdirahmanviva9539
    @abdirahmanviva9539 5 років тому +5

    Allaah caafimaad ha siiyo Abwaan haadraawi

  • @Ibnubashir
    @Ibnubashir 2 роки тому +1

    Hadraawi Illahay haku naxaristo 🥰🥰

  • @nimcoesse5699
    @nimcoesse5699 2 роки тому +1

    Allh hownaxariisto hadraawi iyo gaariye

  • @IqraMahamuud-ve1gs
    @IqraMahamuud-ve1gs Рік тому

    Allow ku naxariso adero hadrawi 🥺🫶🏼

  • @jaabirali757
    @jaabirali757 5 років тому +10

    He is the greatest poets i have ever seen

    • @KHANHAAR
      @KHANHAAR 2 роки тому +1

      Rabi hakuu naxariisto hadraawi cawa waa meyd

  • @mustafexeedhoburcaawiadag2225
    @mustafexeedhoburcaawiadag2225 6 років тому +5

    Ader Hadraawi alle haku caafiyo

  • @abdiazizabdille2711
    @abdiazizabdille2711 6 років тому +3

    Abwaaan aad uqiimo badan wlhi Alle haku sharfo marwlbo

  • @ClraxmaanMaxamuud-jr1bj
    @ClraxmaanMaxamuud-jr1bj 10 місяців тому

    Allaw u naxariiso aabihii umada soomaliyeed

  • @sundusmohammed8030
    @sundusmohammed8030 5 років тому +6

    Abwaan maxamed Ibrahim afsomali waad dhameysay

  • @qazimabdirizakarab5448
    @qazimabdirizakarab5448 5 років тому +2

    Alle ha shaafiyo hadraawi gaariye iyo magool alle how naxariisto

  • @zamiiraabdiaziiz4399
    @zamiiraabdiaziiz4399 2 роки тому

    Alle ha u naxriisto Abwaan maxamed ibraahim warsame hadraawi 😫🥺🥺🥺💔

  • @Barkhadka
    @Barkhadka 2 роки тому +1

    Naxariisti Jano alle Hakaa waraabiyo awoowe😥😥😭

  • @hanadolad2061
    @hanadolad2061 Рік тому

    Alaah rabilcaalimiin ha ku naxariisto aamiin aamiin aamiin alaah rabilcaalimiin

  • @YoonismaxamevAbuukar
    @YoonismaxamevAbuukar Рік тому

    Adeer illahay janadii fardowso haku cazuumo

  • @faysalcrashid7911
    @faysalcrashid7911 6 років тому +23

    Magool fananad ayey ahayd dadku wada jeclayen AHN

  • @mh--800
    @mh--800 Рік тому

    alle hkuu naxariisto hadrawi ❤❤❤❤❤

  • @awdalboy1
    @awdalboy1 13 років тому +10

    He is just Great man , we love you Hadraawi

    • @asadcali4908
      @asadcali4908 7 років тому

      jibriil xasan isoo jiijggt0tt

  • @MazcuudAhmedAaliN
    @MazcuudAhmedAaliN 5 місяців тому

    Alle Haku Naxariizto Apwaaa

  • @abdiqaduus9036
    @abdiqaduus9036 5 років тому +2

    Allow cimriga iyo caafimaadka ku siyaadi abwaan weyn

  • @Ifiyeforever
    @Ifiyeforever 2 роки тому

    Alle ha u naxariisto Abwaan Hadraawi

  • @WalaalCumar-n7u
    @WalaalCumar-n7u 5 місяців тому

    Alaha unaxariisto abwaan ka

  • @engabdirrabiaadan859
    @engabdirrabiaadan859 6 років тому +21

    👌👌👌 Nolol Waarta Abwaan Hadraawi

  • @maxamedcabdi2005
    @maxamedcabdi2005 5 років тому +6

    Laba ma is dhansiiyen sida dhayda xoolaha dhag dhag ma uu wadageen (hadrawi boqorka mansada)

  • @xalimoabdigure7560
    @xalimoabdigure7560 5 років тому +3

    Masha alah abwanaa jeclahay waye hadrawi nolow abwan qali waye

  • @SOM-co1xd
    @SOM-co1xd 5 років тому +6

    Heestaan magool hadaan loo dhiibeen hees ma ahaateen ilahay ha u naxariisto boqorada codka soomaalida afrikada iyo caalamka

    • @mhassan0163
      @mhassan0163 4 роки тому +1

      Magool waa fannaanada koowaad ee hablaha Somaliyeed so far, balse waxaa jira hablo badan oo si fiican iyo codba leh oo heesaha qurux badan qaaday, hablaha somaliyeed ee fanka meel howga dhicin walaal

  • @subeertv3936
    @subeertv3936 2 роки тому +1

    ilaahay haw naxariisto janatul fardowsana ilaahay haka waraabiyo

  • @sharmaarke-Nabane
    @sharmaarke-Nabane 2 роки тому

    Magool iyo hadraawi labada ba ilaahay ha u naxaristo🥺🤕

  • @mustafexeedhoburcaawiadag2225
    @mustafexeedhoburcaawiadag2225 6 років тому +3

    Alle ha u naxariisto Maamo xaliimo khaliif magool

  • @zadampato7188
    @zadampato7188 4 роки тому +3

    Waxay kamid thy heestan jacayl dhiig malagu qoray iyo maansada daba huwan ee hadraawi sameeyay qaar ka yaabiyay caalamka marki lagu turjumay afaf badan .

  • @abdisaadlyrics4156
    @abdisaadlyrics4156 2 роки тому

    alle haunaxariisto abwaan hadraawi

  • @samiirafeysal5583
    @samiirafeysal5583 2 роки тому

    Abwan hadrawi illah haku naxaristo

  • @axmedabuukar7271
    @axmedabuukar7271 2 роки тому +1

    Allooow kuu naxariiiiiso

  • @koosmohamud6554
    @koosmohamud6554 2 роки тому +1

    Qisada heesta ileen magool ayaa lahayd waaba cajiib maamada iyadana qaaday 😉😉 heesta cajab

  • @gulledabdi1221
    @gulledabdi1221 6 років тому +5

    Ilaahow ku daa wan jeclahay hadrawi xushmadwayn ayan u hayaa ilaahow caafi

  • @saalaxali6356
    @saalaxali6356 6 років тому +7

    M.A
    Abwane allaha
    Haku dhwr

  • @rookiifaatu1933
    @rookiifaatu1933 2 роки тому +2

    Godka lagu Jannee gobbuuu ahaa😢😭

  • @Najma-Mohamed
    @Najma-Mohamed 11 місяців тому

    Hadu san dhiigiisa waraaq igu jaceyl igu so qorin… MA RABO😭😂

  • @tvpssreko6083
    @tvpssreko6083 Рік тому

    Thanks for sharing..

  • @hassanbashir7578
    @hassanbashir7578 5 років тому +2

    Soomaaliya wadan fcn oo dad xikmad leh baa ka soo jeeda
    Laakin nasiib daro waxaanu noqonay dad qabiilka si khalad ah u adeegsada qabiil sabiibtiina wax badan oo qalada sameeya raali ka noqda wax umada u dhaxeeya in qabiil si gaar ah u yessho ilaa maanta way jirta waa nasiib daro
    Allah swt xaqa hana tuso