HEES| Laanyahay Magooshay | Axmed Cawad Rabsha |▪︎Original | Lyrics

Поділитися
Вставка
  • Опубліковано 8 жов 2024
  • Ereyadii : Maxamed I. Warsame Hadraawi
    Laxankii : Cabdikariin Faarax qaareey Jiir
    Sida uu ii xaqiijiyay Barkhad Ciise heestan Waxa ay ku Jirtay riwaayadii "Tusmo Iyo Tawaawac" Inkastoo aan la dhigin riwaayadaas oo lagu reebay qaybta faaf-reebka. heesaha ku jiray waxaa kamid ahaa ( hal laqalay, ceel walwaaleed , Shimbiryahow ma duushaa )
    The song and 'cut scenes' used in this video are not my original creation, therefore, Maadeys does not claim any rights over them.
    Copyright Disclaimer under section 107 of the Copyright Act of 1976, allowance is made for "fair use" for purposes such as criticism, comment, news reporting, teaching, scholarship, education & research. Fair use is a use permitted by copyright statute that might otherwise be infringing.
    In case of any copyright infringement complains, kindly contact me on : Maadeystube@gmail.com
    Lyrics
    ------------
    Laanyahay magooshee
    Ka cabaysa maaxdee
    Xididkeeda maashaa
    Mawlaha ilaah baa
    Kaa mayray guudkoo
    Kaa dhigay mullaaxdee
    Meeshaad ku taaliyo
    Muuqaagu siduu yahaa
    Maankaygu raacee
    Muddo aan yarayn baad
    Ii muuqanaysoo
    Ishu kugu maqnaydoo
    Ku majeeranaayee
    Ubaxiyo mankaagiyo
    Soo daadi mirahoo
    Naxariista hayimi
    ..............o0o..................
    Laanyahay magooshee
    Marti aanay soorin
    Madadaalinaysaay
    Masalooyin dhowroo
    Mahadhoooyin reebaan
    Kuu marinayaayee
    Aan jeexo mililkoo
    Waabey u miiroo
    Magacaaga boogtee
    Malahaaga sheekada
    Maqal waanadeedoo
    Murtidayda dhuuxoo
    Miisaan warkaygoo
    ...............o0o.................
    Laanyahay magooshee
    Miranaysa rayskee
    Mahad eebe joogtaa
    Maad marin abaalkeed
    Midigtii ku beertee
    Kaa moostay daadkee
    Madi dihin inaa tahoo
    Marxinaysa liibaan
    Muran baa ka joogee
    Sida mayayga rooboo
    Ka hillaacay meeloo
    Iga maray hareertaan
    Kuu muhanayaayee

КОМЕНТАРІ • 95

  • @maxamedkadawe2872
    @maxamedkadawe2872 3 роки тому +6

    AUN fanaankeeni qaaliga ahaay Runti Codkiisa iyo Kabankiisaba waa dareen qaas ah Janadi allaha kawaraabiyo

  • @suleimanahmed5366
    @suleimanahmed5366 Рік тому +1

    Masalooyin dhowroo
    Mahadhooyin reebaan
    Kuu marinayaa
    Aan jeexo mililkoo
    Waabaayda miirooo
    Magacaagu boogte
    Malahaaga sheekada
    Maqal waanadaydoo
    Murtidayda dhuuxoo
    Miisaan warkaygoo
    Ubixiyo mankaagiyo
    Soo daadi mirahoo
    Naxariista hay min .!❤

  • @banadirchannel8187
    @banadirchannel8187 4 роки тому +20

    Mahadsanid
    Heesaha Hadraawi Heestaan keliya Muusan qaadin AUN Ahmed Rabsha
    Wuxuu horey u qaaday laba kale
    Dadkii Reer Afgooye Bilaneey walaaleey iyo hees kale oo aan liqsanahay

    • @axmed_deeq
      @axmed_deeq 4 роки тому +2

      Waa la ii adimay axadii sidaan kuu sugaayee.

    • @banadirchannel8187
      @banadirchannel8187 4 роки тому +2

      @@axmed_deeq
      Axadii walaal waxaa markii uhu horeysay qaaday Maxamed A Qasaali ka dib ayaa Fanaaniin badan dib ka qaadeen
      AUN Axmed Rabshaa aad u jeclaa

    • @AhmedMohamed-tn5yg
      @AhmedMohamed-tn5yg 4 роки тому

      Heesta kale waa onkod roobku hooroow

    • @sayidka6911
      @sayidka6911 2 роки тому +2

      Heesta axadii waxaa markii ugu horeysay qaaday rabsho.
      Waxayna ka mid aheyd afar hees oo erayada uu leeyahay xatrwaawi waxaana heesahaan u dhiibay oo laxankana saaray c/Karin jiir.

    • @ahmedabdi8486
      @ahmedabdi8486 2 роки тому +4

      Heesta axadi isaga ugu horeeyay qof qaada fanaaniinta kale waa uga dambeeyen

  • @SuugaanDhaadhiSuugaanDhaadhi
    @SuugaanDhaadhiSuugaanDhaadhi Рік тому +3

    Old is Gold Ramadaan kariim Dhamaantiin.
    2:20 Pm SUNDAY 2 APRIL 2023 who is here.👂
    Raxmaanku haw naxariisto!.
    Abwaan Mohamed Ibraahim WHadraawi
    Al Fanaan Ahmed Mooge Liibaan.

  • @liibaanmaxamdnalka887
    @liibaanmaxamdnalka887 4 роки тому +6

    Waa riwaayada uu sababsaday xariga xabsiga qansax dheere

  • @malaayiinmedia3124
    @malaayiinmedia3124 4 роки тому +9

    Gacanta allaha kuu barakeeyo ustaad

  • @AhmedMohamed-tn5yg
    @AhmedMohamed-tn5yg 4 роки тому +6

    Heestii bilaneeey walaaaleey biimaa tahee way ku jirtey riwaayaddaas rabsho iyo hibo

  • @MrLooyaan
    @MrLooyaan 4 роки тому +7

    الله يرحمه احمد ربشه فنان من الزمن الجميل

    • @dnpydb-liee
      @dnpydb-liee 3 роки тому +3

      Waxaan xasuusta 1987 ardaaga hore waxaa fadhiyay abtigeey halka hooyo dhabta igu heesay waxaa ka shidna radio ga heestan halka abti Iyo hooyo heestan qadayen 😭😭😭😭 abtigeey waxuu ahaa galbtaas mid aad u faraxsan

    • @saiidmohamud386
      @saiidmohamud386 Рік тому +1

      Laan yehey magooshee kacabeeysa maaxdee xididkeesa maashee moowlaha ilaahbaa kaa meeray guudkoo kaa dhiga mulaaxdee meeshaad ku taaloyo muuqaado soow

  • @azizmahdi2178
    @azizmahdi2178 3 роки тому +8

    "Ubixiyo mankaagiyo
    Soo daadi midhahoo
    Naxariista HAY MIYIN."
    Beydkaasi waa sidaa. Miyiddu waa in qofka loo qadhiidho oo loo yaryareeyo; markaa wuxuu leeyahay naxariista ha ii tafaariiqayne, jumlad igu sii.

    • @macalinbashir7164
      @macalinbashir7164 Рік тому +1

      Mise waa MIHIN?!
      Marka qofka ama neefka waxaanan la siineyn hadba loogu yeeryeero.

    • @abdifatahbarud2189
      @abdifatahbarud2189 Рік тому

      Miyidu waa in lagu kala dooransiiyo laba shay ee maa in lagu yaryareeyo

  • @dailyxiin
    @dailyxiin 3 роки тому +7

    Dhawaan ayaan ogaaday inu afka somaliga ku heeso heeso carabi ah ayaan ka dhagasan jiray sagoo qaadaya
    احمد ربشةilaahay haw naxariisto

  • @alisaid2008
    @alisaid2008 3 роки тому +2

    Mirihii hadraawi laxankii iyo codkii cawad rabsha

  • @cosoblecade7668
    @cosoblecade7668 4 роки тому +7

    BARKHAD CIISE
    SALAAN SXB QAALI
    YAXYE FAN NOOLEEYE
    🎻🥁🎺
    🎸📯
    gacantaada guuluhu
    cadaawaha gees mari
    gurigaada barwaqiyo
    goob cibaado noqoy

    • @maadeys
      @maadeys  4 роки тому +1

      mahasanid sxb sare abdikafi 👍👍👍

    • @xassan1492
      @xassan1492 2 роки тому

      Mahadsanid sxb waan, qaaday

  • @abdillahimuuse1709
    @abdillahimuuse1709 4 роки тому +1

    allah yaa raxma , heesihiisa kuwa ugu caansan ayey ka mid tahay , wax badan ayaan dhegeystay ...

  • @xirsininwayn7245
    @xirsininwayn7245 22 дні тому

    Ubax iyo mankaagiyo
    Soo daadi midhahoo
    Naxariista hay miyin

  • @cabdifitaaxmahamuudaliwama103
    @cabdifitaaxmahamuudaliwama103 4 роки тому +4

    Heesta dadka rer afgooye oo qoran keen sxb ee uu qaado Aun axmed rabsho

    • @ubaxmohamed4223
      @ubaxmohamed4223 3 роки тому +1

      Heeta aad rabto
      Màgaceeda waa
      Arin lamafilaan

    • @cabdifitaaxmahamuudaliwama103
      @cabdifitaaxmahamuudaliwama103 3 роки тому +1

      @@ubaxmohamed4223 sax waa midaa walaalo ayadoo lyrics sidata baan donayaa aduu maheleysa

    • @ubaxmohamed4223
      @ubaxmohamed4223 3 роки тому

      @@cabdifitaaxmahamuudaliwama103
      Luuqada ii jilci wllo

  • @AhmedIsmaciil-p8b
    @AhmedIsmaciil-p8b 4 місяці тому

    Ustaad axmed rabshi

  • @M.Duran71
    @M.Duran71 2 роки тому +1

    Allaha u naxariisto Aamiin

  • @abdillahimuuse1709
    @abdillahimuuse1709 4 роки тому +3

    M A A D E Y S , MAHADSANID MAHADSANID,, SHARAF , CIZZI , IYO KARAAMO AYAAD IGA MUDANTAHAY , WAXAAD II TAHAY WEHEL IYO WALAAL QAALI AH ......

  • @burhaan-ducoqabem.3863
    @burhaan-ducoqabem.3863 4 роки тому +13

    AHUN Axmed Rabsha fannaankii Afrika ee fankiisu xuduudaha ka talaabay buu ahaa.😍 Saddex sano ka hor ayaa fankìisa TV-ga Sudaan barnaamijkan ka qabtay: ua-cam.com/video/rwPYq3lVABE/v-deo.html

    • @maliksadigahmed6205
      @maliksadigahmed6205 4 місяці тому +1

      مكانته كانت وما تزال في قلوب آلاف السودانيين كبيرة وما زلنا نبكي رحيله المبكر . تغمده المولى الكريم برحمته ورضوانه.

  • @cabdallahillaac9201
    @cabdallahillaac9201 4 роки тому +2

    Yaa Sallaam, ♥️
    Axmed Rabshe 👍🙏

  • @qasimabukar7488
    @qasimabukar7488 2 роки тому +1

    Erayada Maxamed Hadrawi Laxankii C/kariin Qaray "jiir" Muqdisho 1970

  • @iamhaleel
    @iamhaleel 4 роки тому +4

    Dadaalkaaga waan boogaadinayaa walaal yaxyow. Mahadsanid malyuun jeer.

  • @malyuuncabdinaasir6261
    @malyuuncabdinaasir6261 Рік тому +1

    Ninkan intan fanan dhagaysanayay weligay ma maqal ee Somali maaha miya

    • @abdijama5387
      @abdijama5387 4 місяці тому

      Ma waxaad tahay qolyaha fanaaniinta ka yaqaana labada ilma mooge iyo khadra daahir

  • @yaxyeabdirahmaan6349
    @yaxyeabdirahmaan6349 4 роки тому +3

    In ta qaramiga jecel

  • @shidanedagaalali2672
    @shidanedagaalali2672 2 роки тому

    Wixii soo dhowowa

  • @zarahshewall7591
    @zarahshewall7591 Рік тому

    Wow 👌

  • @abdillahimuuse1709
    @abdillahimuuse1709 4 роки тому +4

    FADLAN WALAAL HEESTA { DADKA REER AFGOOYE EE YAXAASKA DOOXEE , AF YAQAANA JEERTA } HADDII AAD HELI KARTO NOO SOO GELI... KALIYA WAA CODSI....

  • @Ahmeto536
    @Ahmeto536 3 роки тому +7

    Riwaayadii ay ku jirta ee Tusmo iyo tawaawac lama dhigin sida igu maqaalo ah " waxay ahayd anti " ayaa lagu sheegay faaf-reebka.
    ^ Hadraawi ayaana sameeyay^

  • @mohammedalinaji1030
    @mohammedalinaji1030 2 роки тому

    AUN heesaye abwaan aan lagu gaadhin cod & kabanka

  • @ibraahimmuusexasan4410
    @ibraahimmuusexasan4410 Рік тому

    Heesta macnaheed jacayl miyaa mise waxkale

  • @mugdi123
    @mugdi123 4 місяці тому

    Ayaam zamaan kaanat ayaam

  • @saidkhalif7456
    @saidkhalif7456 10 місяців тому

    الله يرحمه

  • @Shugrichannel-w1z
    @Shugrichannel-w1z Рік тому

    🎉❤❤❤❤❤

  • @abdisharif8315
    @abdisharif8315 3 роки тому

    Heestan waxaa kale oo qaaday fanaanada Hibo nuura

  • @abshiribrahim2013
    @abshiribrahim2013 4 роки тому

    Masha Allah thanks for the next couple

  • @bishbish99
    @bishbish99 11 місяців тому

    ❤🎉

  • @axmedhillaac3886
    @axmedhillaac3886 4 роки тому +6

    Heesran *Erayadeeda 100 % 100* wllhi 👏👏👏
    Laxamada jiir way fiicnaayeene lkn Anigu heestan laxankeeda iyo Codkaba 100 % 75 baan Siiyay ✌
    Heestan In Hadraawi Fannaaniintii waa waynaa ee aadka loo dhageysan jiray inuu u dhiibo ayay ahayd Maadaama ah Cajiib tahay wllhi Waar Erayada Ninkii miyi soo joogay uunbaa wada fahmi kara dee hah mcnaa wuxu
    Samatar iyo Tubeec
    M.med mooge iyo Qalinle
    In heestan Raggaas ragga kamid ah loo dhiibo bay ahayd

    • @cabdishakuuraxmed5483
      @cabdishakuuraxmed5483 4 роки тому +3

      Heestan Laanyahay magooshay way dheerayd qaybta kale M.Mooge ayaa qaada taas ayaana laxan wanaagsan, weligay isma lahayn Hadraawi ayaa laxan sidan ah hees uu leeyahay la saaray, waayo heesihiisa wuxu la raadin jiray laxan wacan

    • @axmedhillaac3886
      @axmedhillaac3886 4 роки тому

      @@cabdishakuuraxmed5483
      Hadraawi heesihiisa laxanka waxaa usaari jiray Ustaad jiir
      Sida Heesta Balad wayne
      Heestan Laanyahay magooshaay
      Heesta Axadii
      Heesta Saxar la'mooji ⁉ jiir ubadi

    • @mahamedaden7237
      @mahamedaden7237 4 роки тому +3

      *Qaar Abwaan HADRAAWI cayaya markaan arko waan layaaba abwaanku dhalintan imanka gabayda waa marjaca iyo dhiiri gelinta halkay kahelaan Abwaan Axmed Ibrahim Warsame Ilaahow kudaa ayaan leeyahay.*

    • @axmedhillaac3886
      @axmedhillaac3886 4 роки тому

      @@mahamedaden7237 😂😂😂

    • @axmedhillaac3886
      @axmedhillaac3886 3 роки тому

      @@abdullrahiimbawazirbawazir3658
      Wxa aan kahadlay. Ma ogide wxba ha i caayin sxb👍

  • @shidanedagaalali2672
    @shidanedagaalali2672 2 роки тому

    Naf iyo waa noo xarooba

  • @kayseduale1771
    @kayseduale1771 6 місяців тому

    Heestu waa sarbeeb sida heesaha hadraawoo dhami sarbeeb u yihiin
    Waxay ka hadlaysaa xoriyadii oo markii la helay sidii la filiyey noqon wayday.

  • @huseinahmed5083
    @huseinahmed5083 4 роки тому +5

    Cajiib manta kahor waligey ma maqlin hesstan
    #Madeys tube sxp waxan umaleyna wagi qaxi iyo waqtigi kala cararke ninba naftisa la baxsanayay adigu jawaan canjalada ah mad hore uso qadatay
    Waxan xage kaso quftaaa 😂😂😂😂😂😂😂😂

    • @maadeys
      @maadeys  4 роки тому

      jawaan besaa war iska aamus 😂😂😂

    • @huseinahmed5083
      @huseinahmed5083 4 роки тому

      @@maadeys 😂😂😂😂

    • @xasanmuxumed1445
      @xasanmuxumed1445 4 роки тому +2

      Heestan waxa qaada hibo nuura ayaa hore uqaaday

    • @AhmedMohamed-tn5yg
      @AhmedMohamed-tn5yg 4 роки тому +1

      Weliba Hibo maxamed oo qaadaysa baa jirta

    • @abdullahiomarali5241
      @abdullahiomarali5241 4 роки тому +1

      maxad maqashaa maad dhalian somalidii hore waayeee malaa befoe 1970

  • @abdisharif8315
    @abdisharif8315 3 роки тому

    Banadir chanel heesta waa (AXADII) ee hadraawi turjumay ee qaaday ustaad Ahmed (AUN)

  • @faaraxaadam3676
    @faaraxaadam3676 2 роки тому

    Waar axmed rabshe waa ninka keliya jamacad faneed kasoo baxay

  • @abdiwaliyasindiriye7404
    @abdiwaliyasindiriye7404 4 роки тому

    Walaana maqla manty ka hor

  • @abdisharif8315
    @abdisharif8315 3 роки тому

    AUN

  • @haleelo1613
    @haleelo1613 4 роки тому

    m.a

    • @abdirisakadeys458
      @abdirisakadeys458 4 роки тому

      Bogan ninka iska waan uga mahad celiyaa dadaalka ugaliyey soo helida heesihii macnaha lahaa.
      Aug29/20 toronto.

  • @maxamedismacil1918
    @maxamedismacil1918 2 роки тому

    Xnn

  • @zarahshewall7591
    @zarahshewall7591 Рік тому

    Wow 👌