AXMED RABSHO | AXDI BEENA LAMA GALO

Поділитися
Вставка
  • Опубліковано 8 жов 2024
  • #Axmedrabsho #jeclaa #qaaci #banaadiri #jqaraami xul ah #hees #heeso banaadir#iheeso #qaraami xul ahniiko ubaxaan jeclaayayxamari
    Bartamihii Afartannaadkii qarnigii 20-aad ayaa uu ku dhashay magaalada Muqdisho. Waxa uu ku soo koray xaafadda Bilaaja-carab ee Muqdisho.
    Caruurnimadiisii ayaa uu la billowday jacaylka fanka, waxaana ku dhiirrigelin jiray aabbihiis oo caan ku ahaa tumista kamanka. Isaga oo 13 jir ah ayaa uu ka mid noqday kooxa-faneed xaafadaha ka dhisnaa oo aroosyada iyo munnaasabadaha la midka ah ka heesi jiray.
    Dabayaaqadii lixdannaadkii ayaa ay is-barteen fannaaniin iyo hal-abuurro Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen; Maxamed Mooge iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi), kuwaas oo ay saanta isla heleen heeso badanna isla soo saareen.
    Axadda, Afgooye [oo sidoo kale loo yaqaan: Ila tali], Bilanay Walaal, iyo heesa kale ayaa ka mida kuwa caan-baxay ee uu codkiisa macaan ku qaaday beryahaas.
    1974-kii ayaa uu deeq-waxbarasho ka helay dalka Suudaan, waxa uuna ku biiray kulliyadda Fanka ee Jaamacadda Suudaan, halkaas oo uu 1979-kii ka soo qaatay Shahaaddada koowaad ee Jaamacadda.
    Markii uu jaamacadda dhammeeyay waxa uu ku soo noqday dalka, laakiin u ma suurtagalin in uu shaqo ku helo aqoontii uu soo bartay, maadaama miyuusikada Soomaalidu ay u badnayd mid aan aqoon ahaan loo baran e, ay dadku iyaga gacmaha isku baraan. Muddo yar ka dib waxa uu u dhoofay Dubay, halkaas oo uu mac-had ku yaalla ka noqday macalin Miyuusikada dhiga.
    qaaci
    UA-cam search terms
    heeso gaaci ah
    Since published
    axmed rabsho
    heeso
    hees cusub 2023
    Dashboard
    heeso qaaci
    Ka soke fanka Soomaalida, waxa uu xiriir adag la lahaa fanka Suudaaanta, isaga oo keydadka heesaha ee dalka Suudaan ku leh heeso badan oo aad loo jecelyahay sida: WATAS'ALIIN, YAA MAWAASIM, ALNAJMAH ALBITAXRIQ SHOWQ, IKK.
    • AXMED RABSHO | AXDI BE...
    Axmed rabsha
    Qaraami
    abid kugu farxaaa

КОМЕНТАРІ • 2

  • @AnnMorris-z9d
    @AnnMorris-z9d Місяць тому

    Davis Richard Lewis Lisa Thompson Charles

  • @EvanLennon-m5v
    @EvanLennon-m5v Місяць тому

    Gonzalez William Johnson Kevin Jackson Larry