XASAN TARABI " saw cududda Habar Yoonis iyo cidagale maaha

Поділитися
Вставка
  • Опубліковано 28 лис 2024

КОМЕНТАРІ • 14

  • @suldaannuurdhagacun
    @suldaannuurdhagacun  9 років тому +137

    Carada iyo cerbaha shiisha iyo Dhamal calooshiisa.
    Cudbi koriye ceeriga Burraho cadayga Laasdhuure.
    Cadaadley carfigaa Tuuyo iyo culayga Maygaagta
    Casaha Sheekh caleenti Burco iyo cogalka Oodweyne.
    Caglishiriye Ceeg iyo Togdheer harada Ceegaagta
    Cayanabo cadaankii Taleex Cal iyo Buur Dhaabo
    Halki iyo Ceerigaabiyo badiyo kuraha cawlcawlan
    Cagaarweyne coodiga Wardheer Caado iyo faafan
    Cosobkii biyeed iyo Gurracan Ceelqod iyo Baarta
    Curcurrada Awaare iyo Deyr cawska Digaweyne
    Cufka Aroor Calaydh iyo Balaadh Cawlal iyo Qaydar
    Gaaroodi labadiisa cidhif Ciinle iyo Tuurta
    Ceelkaa Hargaysa iyo Togaan cidii ka guuraynin
    udubkaa cidhiidhiga u degey ma cidkalaad mooday
    saw cududda Habar Yoonis iyo Ciidagale maaha
    Afartaa ma cayntaariyo ee maw cidiya jiiday
    Codkaan kaga bilaabiyo miyaan caynka ka habawshey
    Hadhaw bay canaantaan ninkaan caarif ku ahayne
    Ma cayimay Cilmaw taydu waa caynad gooniyahe
    Wadaadkii cadceed iyo cadceed laga cabsoonaayay
    Isago cartiisi qaba oon cidina taataaban
    Qabiil kale ciyaar uma dhaceen culus hashiisiiye
    Guutada camuuda ah kolki caasha loo geliyey
    Gabagabaha ciirada markaad cadar xagaa mooday
    Cara wiilasheedi kolkaan caynab ku eryaayay
    Caamir hooyadii iyo kolkay Calaso ooyaysay
    Waakii Caruusa ugu galay caydha barigiiye
    Nimankii calqadihii ka riday ma cid kalaad mooday
    Saw cududda Habar Yoonis iyo ciidagale maaha
    Afartaa ma cayntaariyo ee maw cidiya jiiday
    Codkaan kaga bilaabiyo miyaan caynka ka habawshey
    Hadhaw bay canaantaan ninkaan caarif ku ahayne
    Ma cayimay Cilmaw taydu waa caynad gooniyahe
    Cafaw nooma galin reer Subeer waagi lays cunaye
    Colaad iyo markii Geydh la dilay ciil la degi waaye
    Cawadhalad kuwii sheegan jiray cuurka ba Xawaadle
    Caroowgeyga gortay maqlaan wey ka cararaane
    Kuwii webiga cidhifkaa ka maray coodan laga qaadye
    Geeli canjiida iyo lahaa sumad yaro caana
    Caroofiga dhagaha dheer wax badan soo cantoobsadaye
    Caraale iyo jeeraar waxaan caydh dad ugu diiday
    Codcodkii waxaan uga qubay iyo subagii ceegaagey
    Carrow dheere iyo bay hayeen culuqi baalgoy e
    Cali Rooble geeli badnaa looma soo celine
    Cabda kala jid baxay barqabkii cunaha weynaaye
    Cifan weydey beeshii sidii Ciise loo miraye
    Caanaha ma laasimo ninkaan culus ka qaadnaaye
    Meeshiyo colaadii Dirqaan caarid ka xigaaye
    Cadawgaanu kaga deyranahay Curubta Reer Shiikhe
    Caynkaa hadaanaan ahayn laysma caasiyo'e
    Halka iyo caws guduudkii Jigjiga lagama ceesheene
    Kolka beesha Cayn loo raraa Cadan u yaacdaane
    Cidlaa kaga tagtaan reerahoon cir u irmaanayne
    Horweyntiinan caydigu wadaa ma cayilaadeene
    Cayuuntiina waxa boobi laa Caliyo Haaruune
    Carandhiriye reer Fiqi Cigaal kuma ciseeyeene
    Cishadii dhaweytona raggii caawiyaad tahaye
    Caynkaana waan kugu ogahay ee calale yeelkaaga
    Afartaa ma cayntaariyo ee maw cidiya jiiday
    Codkaan kaga bilaabiyo miyaan caynka ka habawshey
    Hadhaw bay canaantaan ninkaan caarif ku ahayne
    Ma cayimay Cilmaw taydu waa caynad gooniyahe
    Cirroolaha gaboobaa nin ragi ka cilmi qaataaye
    Calisalaan Cabdiyo Daahir Magan Carab la sheekayso
    Cishadii la gubay qayradii cobosha yaa laayey
    Caarshiyo raggay Dawladii ciir ka qubi weydey
    Anagaa ka sii ciidan badan cidi ma kaa yeeli
    Waraabaa ciyaayee ka soo carara aaboooyin
    Caruurtaa sidaa lagu sabaa ka caqli weyn uunku
    Haddii ramad candhada jiidayiyo cuud la kala qaado
    Coomaadda duuliyo haddii cadal la kooreeyo
    Cadaw dile ayaa nagula mida curaddo laayaana
    Miyaanaan ka ciilbixin kolkuu rag isu caal waayey
    Caska waaga yaanaan rasaas caadka kaga yeelin
    Halkiyo Cawda laasaha Cillaan caabud iyo kaafir
    Miyaanaan sidii awr cayina keenaduu celinin
    Ma cidbaa ku nool dunida waataan cankaa dhigaye
    Afartaa ma cayntaariyo ee maw cidiya jiiday
    Codkaan kaga bilaabiyo miyaan caynka ka habawshey
    Hadhaw bay canaantaan ninkaan caarif ku ahayne
    Ma cayimay Cilmaw taydu waa caynad gooniyahe
    Cishada Iidda laysugu yimaad caadada islaamka
    Ama meel caruus laga cammiray laga cayaaraayo
    Ama Caynab lagu soo shiriyo ceydbuliyo maydal
    Carfi iyo xarrago uunka yaa nagu cillaynaaya
    inaan calanka dheer nahay ayaa caawa ka hadlaaya
    Abaar caratay cuun lagu dibjirey meel cidliyo soola
    Caraafiidka iyo oonka iyo caatadiyo daalka
    Dhallinyaro cad duban qaadata iyo guluf carraabaaya
    Cimrigii nimaan arag miyaa ii cargaagtamaya
    Cabdallahan yaryari xoolahay celin yaqaaniine
    Casar weerar iyo mayagaa caydh is garanaaya
    Cabbaniyo Makaahiil miyaa cid iska riixaaya
    Ma Cismaannadaa kula batay iyo Caliyo reer looge
    Cusbadii Jaboutiyo kuwii cawda guranaayey
    Dadku waa is wada caayayaa ee Cumar ma noo faanay
    Ma cuwaaflahaan qarinayuu caawa ii tiriyey
    Cuqaal talisa Boqor caaddila iyo culimo miisaan leh
    Ilaahi Carshiga Nuuriyoow kaaga caban mayno
    Caddaankaanu wada loollanaa madaw cisaynmayno

  • @ristoomixile4833
    @ristoomixile4833 8 років тому +137

    Nasab laandheere ah weeye reer sheekh isxaaq lkn garxajis geed adaygooda. allow sharaf u siyaadi

  • @meshalismacil9749
    @meshalismacil9749 8 років тому +139

    masha allah allow qarxajis barakee

  • @sikaawe
    @sikaawe 8 років тому +38

    Illah hakuu naxariisto,
    " rag raggii hore hadalna Waa intuu yidhi"

  • @ahmedaabimaxamed5315
    @ahmedaabimaxamed5315 9 років тому +38

    alle hawnaxariiste Xasan tarabi waxba kama tagin cadankan wada lolanaa madaw ciseyn maayo

  • @nimcaanmaxamedxasan4081
    @nimcaanmaxamedxasan4081 8 років тому +86

    alxm alle Naga dhigay garxajis weyn

  • @mohamedothman7519
    @mohamedothman7519 8 років тому +29

    allow kuu naxariiso abwaanku waa dhammeeyay taariikh alle haybadda iyotaariikhda ha inoo siyaadiyo rag wax isuma ogolee

  • @abdiwahaabalhanafi2391
    @abdiwahaabalhanafi2391 8 років тому +29

    alle. Haw naxariisto. Waa. gabaygii af gudhiye
    cadawgaanu kaga dauranahay
    curubta reer sheekhe.
    illaahii carshiga nuurayaw kaaga Caban maayo cadaankaanu wada loolanaa madaw cisaynmayno.

  • @keysejama5286
    @keysejama5286 8 років тому +26

    carro wiilasheedi kolkan caynab ku eryaayey.
    yaa salaam Carro waa ina cabdulle xasan hooyadii, wiilasha faraska caynabka ah lagu eryey waa Wadaadka iyo walaaladii.

  • @abdiwahaabalhanafi2391
    @abdiwahaabalhanafi2391 8 років тому +36

    waxaan. ka dalbanayaa walalka qiimaha Leh ee soo dhigay hadii aad gaadhi karto oo aad. hayso gabayo kale inad soo dhigto. yuutuyuubka

  • @saidjama7840
    @saidjama7840 8 років тому +56

    geydh wuxu aha ninka ogadeen u taliya Wana ninki sacad muse geell badan iyo gabadh kaga qaday wuxu ku geriyoday dagal garxajis ogadeen ku qaday

  • @hakimhassan8093
    @hakimhassan8093 8 років тому +40

    waa barigii uu garxajisku ahaa dhamacda isaaq
    imika dhaxanta isaaqbay noqdeenoo somaliland waxba kama aha.yagiibaaba col ah oo isku neceb dadka