@@hereaftergolory9114 Cadho Waxaa la yidhaahdaa xanuun diirka sare ama oogada ku dhaca. Odhaahda xarafaha Dh iyo R ayaa iskaga kiin khaldan. Waa wax weyn qof aad magaciisa ku ciyaareysaan hadana aanan la’idin sixi karin. Aabihii iyo hooyadii waxay ugu wan qaleen Careys ee ugu xusa magacii uu lahaa marxuunka. Cadho maahee waa Caro marka la qoraayo balse markii la odhaahda la dhahaayana waa caro. Hadraawi haddii aan ugu yeedho haadraaci ka warran. Magaca qofku lahaa ama leeyahay iska sax.
Allah hakunaxaristo❤
Abwaan cadhays ciise, muxuu soomaali dhiirri galiyey
Magacu waa Aun Careys ee maahan Cadheys waa uun sixid. Hawl wacan baad Soomaali u heysaane horey u socda insha Alaah. Aun intii inaga geeriyootay iyo wixii Muslima. Aamiin. Mahadsanidiin WWW.
Alaha unaxariisto careys ciise
Allaha unaxaristo wllhi woow na dhiira galiyay illahow unaxariso rabiyow
Aamiin yaa Alaah.
Allaha u naxariisto Abwaanka!
Cadheys maahee waa Careys ee magaca iska saxa. Ma mudna marxuunka Waddaniga ahaa in magaca looga ciyaaro oo cadho loogu magac daro.
Saar: Dhiidhiya Oo Dhabarka Goda.
Ereyada: Carays Ciise Kaarshe.
Codka: Carays Ciise Kaarshe.
………………………………
0:45
Gumaystuhu dhaawac iyo,
Dhibaatuu nooga tagay,
Dhulkeenii waa dhantaal.
Dhalinteenow dhakhsada,
Dhiidhiya oo dhabarka goda,
Ha dhoobnaanina dhabahee,
Dhaqaalaha sara u dhiga.
………………
1:01
Dh'dii kale waxaan lahaa:
Dhar li'i waa lagu dhashaa,
Laakiin lama dhaqan karee,
Dhib goortaad soo martaa,
La gaaraa dheefta wayn.
Dhalinteenow dhakhsada,
Dhiidhiya oo dhabarka goda,
Ha dhoobnaanina dhabahee,
Dhaqaalaha sara u dhiga.
………………
2:03
Dhudhunkiyo yaanbadiyo,
Hadii aan seerno dhidid,
Gaajadu waa dhuumataye.
Dhalinteenow dhakhsada,
Dhiidhiya oo dhabarka goda,
Ha dhoobnaanina dhabahee,
Dhaqaalaha sara u dhiga.
………………
2:19
Dh'dii kale waxaan lahaa:
Gabdhaha dheelkooda iyo,
Surweel dheeriyo dharka cad,
Horaybaan ugu dhunnaye.
Dhalinteenow dhakhsada,
Dhiidhiya oo dhabarka goda,
Ha dhoobnaanina dhabahee,
Dhaqaalaha sara u dhiga.
………………
3:15
Dhoodhoodaa baararkiyo,
Shaneemada lagu dhafraa,
Dhibaatadu kuma hartee.
Dhalinteenow dhakhsada,
Dhiidhiya oo dhabarka goda,
Ha dhoobnaanina dhabahee,
Dhaqaalaha sara u dhiga.
………………
3:31
Dh'dii kale waxaan lahaa:
Baastada dhuudhuuban iyo,
Hunguri dhoof lagu heliyo,
Wuxuu dhiibaa ajnabi,
Waqeen kuma dhaqan karnee.
Dhalinteenow dhakhsada,
Dhiidhiya oo dhabarka goda,
Ha dhoobnaanina dhabahee,
Dhaqaalaha sara u dhiga.
………………
4:33
Ilaahay qolana dharag,
Qolana gaajo u dhamow,
Aduunyada uma dhisine,
Dhug baa la is dheer yahaye.
Dhalinteenow dhakhsada,
Dhiidhiya oo dhabarka goda,
Ha dhoobnaanina dhabahee,
Dhaqaalaha sara u dhiga.
………………
4:51
Dh'dii kale waxaan lahaa:
Dhul ciidu ay dheeman tahay,
Dhoobeeyoo miraha dhala,
Dhowr webi baan lee nahaye.
Dhalinteenow dhakhsada,
Dhiidhiya oo dhabarka goda,
Ha dhoobnaanina dhabahee,
Dhaqaalaha sara u dhiga.
………………
5:52
Dudumadaa dhinaca wayn,
Aboorkuba waa dhisaye,
Wixii loo wada dhan yahay,
Dhib yari baa lagu helaa.
Dhalinteenow dhakhsada,
Dhiidhiya oo dhabarka goda,
Ha dhoobnaanina dhabahee,
Dhaqaalaha sara u dhiga.
………………
6:09
Dh'dii kale waxaan lahaa:
Dhurwaa dhowr beri qadaba,
Haduu neef meel dhigaa,
Iddii goortuu u dhergaa,
Dhawaaq saaxiibadiyo,
Qosolbuu ugu dhuftaa.
Dhalinteenow dhakhsada,
Dhiidhiya oo dhabarka goda,
Ha dhoobnaanina dhabahee,
Dhaqaalaha sara u dhiga.
………………
7:16
Dhulkiiyoo roob ku dhocoo,
Dhirta uu doog dhooban yahay,
Xooluhu ay dhereg yihiin,
Abaar la iskuma dhiboo,
Cawaa laga dheelmadaa.
Dhalinteenow dhakhsada,
Dhiidhiya oo dhabarka goda,
Ha dhoobnaanina dhabahee,
Dhaqaalaha sara u dhiga.
………………
7:36
Dh'dii kale waxaan lahaa:
Horwaynkii dhaysiyood,
Diraacdii dhacar ku jira,
Wuxuu wiil igu dhintayoo,
Dhurwaaga uu uga dhacshaa,
Guga aad caanaha dhantide.
Dhalinteenow dhakhsada,
Dhiidhiya oo dhabarka goda,
Ha dhoobnaanina dhabahee,
Dhaqaalaha sara u dhiga.
………………
8:41
Dhaan wada dheelmanahayoo,
Dhagaxu suulka uga dhacay,
Haduu dheeliyo ratigu,
Dhammaan saaxiibadiba,
Dhawaaq ugu dhuftaa.
Dhalinteenow dhakhsada,
Dhiidhiya oo dhabarka goda,
Ha dhoobnaanina dhabahee,
Dhaqaalaha sara u dhiga.
………………
9:01
Dh'dii kale waxaan lahaa:
Dhag xumo waa laga dhintaa,
Dharaartii soo gashaba,
Walaal dhiigii qubtiyo,
Dharbaaxaa nagu dhacdee.
Dhalinteenow dhakhsada,
Dhiidhiya oo dhabarka goda,
Ha dhoobnaanina dhabahee,
Dhaqaalaha sara u dhiga.
………………🎉
Mahad baan kaaga hayyaa midaan ugaaz aad baan ujeclaa gabaygan
Raggii rag ahaa aakhirey aadeen allow u NAXARIISo cadhays iyo dadkii sharafta lahaa ee aakhiro inaga aday
Walaal Careys Ciise cadheys lama dhihi jirin ee iska sax magaca.
@@SPharaoh wax weyn maaha saaxiib waa lahjadda uun, isagoo nool baannu u naqaannay cadhays maxaa yeelay carada cadho ayaannu nidhaahnaa
@@hereaftergolory9114
Cadho Waxaa la yidhaahdaa xanuun diirka sare ama oogada ku dhaca. Odhaahda xarafaha Dh iyo R ayaa iskaga kiin khaldan. Waa wax weyn qof aad magaciisa ku ciyaareysaan hadana aanan la’idin sixi karin. Aabihii iyo hooyadii waxay ugu wan qaleen Careys ee ugu xusa magacii uu lahaa marxuunka. Cadho maahee waa Caro marka la qoraayo balse markii la odhaahda la dhahaayana waa caro. Hadraawi haddii aan ugu yeedho haadraaci ka warran. Magaca qofku lahaa ama leeyahay iska sax.
Waah waah Carays Ban Soo Xasuustay
Gabayga waa qabyo hada kahor ayan kadhageystay radio muqdisho sawirka meesha idinkaga muuqdana careys ciise maaha
Walaal waa Careys Ciise Kaarshe oo dhawr iyo afartan jir ahaa Allaha u naxariistee.
waleee maxeey dad wada caaaqilin oo garaaad lihi kadasheen balse wixii ayaa inkaar iyo qabyaalad induhu tirtee
Shacabka Soomaaleed U Casays
M.a
Alah haunxriste carays ciise waxu ahaa wadani lkn dawldii miltarigu waxy uqadatay inuu dadka kicinaayo marka wey dileen sidan maqlay
Walaal ha danbawin lama dilin odayge, Taariikhtisa dib ubaar.
Xariif ninkaan cidna madilin tii alle ayuu kudhintay cidna masababsan ee alle haunaxariisto
Alle ha u naxariistee waxaa uu ku jirey tababar siiba xerada xalane, isagoo orod ruclayn ah ku jira ayuu dareemay xanuun wadaha ka qabtay inkastoo askarigii ciidanka gaardisiinayey uu dhayalsaday waxyar ka bacdi istaagii ayuu ka dhacay waxaana loola cararay hospital halkaasuuna ku dhintay oo wadnaha ayaa istaagey. Ilaa hadda waan xasuustaa askarigii gaardisiinayey waxaana la oran jirey cali catoosh.