Розмір відео: 1280 X 720853 X 480640 X 360
Показувати елементи керування програвачем
Автоматичне відтворення
Автоповтор
ALLE DARTIIS SABISKARAB IIGU SAARA WLL YAAL
عجيب waa gurow yaable
ALLE DARTIIS SABISKARAB IIGU CAAWIYA WLL YAAL
M.a
AUN Maxamed Gacal Xaayow" TALOW HOOW HOOW HOOBAAL AHEELOW WAYAABAAL HEBELOW Hadii noloshu ay caadi tahay cawo iyo liibaan lehoon caato iyo wayd ka badan cudurta loo gaysan carabkuna macaansado wixii calafo loo siiyeyoon cudur lafaha gaariyiyo caajis lala taahincasharkiyo duruusaha hadii camalfal loo yeeshoNaftu waxay u caadayhado waa kaa cajibiyaanaculumada ku xeeldheer hadaan cidi la xaajoonincosobkay hawadu doynadaa cuudka ka udgoonecuncun kaaga jira oogadaa lala cataabaahenaflacaari noqoy ruux hurdada cawa aan ladincariirigaa dadka isbada haday camal-wareeraaneeCARIIGAA DADKA ISBADA HADAY CAMAL-WAEREERAANEJirkii calassa baa lagaa helaa caafimaad wacanne ceeb kama dagaalamin qofkaan gogol carfayneeneruuxii calfaha jiidayee cagaha booraystaee sidii caruurtii jilbaha caada kula jiidacayshkuu cunaayaa ka darran Caadilkay maganneIslaantii cajiinkii qastaye laba habayn cooshtaysidii ciir dhanaan iyo karuur weelkii ku cagaartayee hadii car iyo suusac galay dib u canjeeraydayee waxaan ku cunin waad cuntaa cid ugu sheekaydayceeriyaamo qaraseed haday ku cagabaalaydocimrigeeda kuma laysatee iga caluunqaateeCIMRIGEEDA KUMA LAYSATEE IGA CALUUNQAATAWaxaa ciilan ruuxaan aqoon culustan tiisiiyeoon caqligu meel fog jirin cududna kaa waayneee hadhowna kuu cabanayee caasi jaahillahecilmiguyo takhaartiituna cidi u sheegaynin codka lagu dhawaaqiyo murtidu caadir galiyaanecaloolba'ri weeyeeye iyo midday cuqubo haydaaheoo cambaarta oogada midab-cardhoofoobayassagaan bulshada caafimad ceel la shubanayneassagaan hadaan cay u faro ceeb ka dhiganayneinta caymatoon la hadlayee iga caluunqaateeINTA CAYMATOON LA HADLAYEE IGA CALUUNQAATAcidkastee cariish yeelatee guri calaamaydahaday ku cimri-qaataan ra'yiga waan cabirayaahecasrigaa ka duwan caadadii jeer lasoo marayecodkaan kula talshaan kula hadlaa caadil baan ahayeway i caleemasaarteen sidii caaqil taliyaaheama caarif gabay looga harray caawa dabadeedecirifkoo la xaaqiyo jafkoo cawska laga qaadocamuudoo nadiif ahe indhaha caaro ka horayninhadaan col iyo duulaan ku nahay cudurka la isdaartocanyaas iyo ninkii qabay canaan kulama hoosteeneqof waliba cadkii u go'ay hadhow calaf ma quuteenecasharkaa hanuuniya dadkee iga caluunqaateeCASHARKAA HANUUNIYA DADKEE IGA CALUUNQAATAcadaygay cusboonida ilkuhu calan ku yeeshaanehadii lagu canaantaa rumaga ciridku nuuraaheqofka cudurka laanjeexa qaba calool hore u jeedacad baruur leh iyo caysh udgoon ugama caageene waxa ciirka beerka u dhiggay culumadu u sheegtaykuma camalfalyee yuu hadana sii calaacalinnecadceeday indhuhu diidayaan nuur casaanka lehwaxaa caafimaad ugu jiraa waa caleen qoyannecilmi saynis weeyee dadow iga caluunqaateeCILMI SAYNIS WEEYEE DADOW IGA CALUUNQAATAnafta cammal iyo shaydaan hadii lagu cibaareeyocasbadaladay sidiisii haduu caad bukaa u hoorohaday caaro waabari indhaha uga candhuufootoamay cawrofiid iyo dagaal cirib u goodlaydocaway hoyataye hadii tii kale caajis lagu beerocalwasaadka goortay hurdada ciil la bogganwaydocajir nabar leh boogtii kolkii nabarku maalaystoee calaacal lugu tuujiyee looga tirro cawskasow cadadda jeermigii batay sii cartamimaayocawaankiina weeye ra'yiga waan cabirayaaheeCAWAANKIINA WEEYE RA'YIGA WAAN CABIRAYAAHEcalankiisa ridda cudurka waa lala tacaalaahehadii Cali iyo Caasho u dhinteen caabud laga waayecartirkeedu waa caws angagan dhiishaad culataahecaatiyo baruur uumiyuhu caynbacayn noqoyecudurkiyo fayoobiduna waa calaf Ilaahayeanna taan codsaday waa midaan ciddi ka maarmaynoocaaqiibo taliyaan ahay iyo caarif gabayeedehadba nolasha tii noo cusubbi way i cajebidaahecidiyaha hadaan laysla gallin cudurmaqaarayda oon midabcilaanlay jirkii ciddi dabiibayninislaamkaan Allaha caafiyee caawa maqashiiyeysow inay calooshiyo niyadda ku celceshaan maahee "Qorre : M.O ( Dhalac)
Aamin
ALLE DARTIIS SABISKARAB IIGU SAARA WLL YAAL
عجيب waa gurow yaable
ALLE DARTIIS SABISKARAB IIGU CAAWIYA WLL YAAL
M.a
AUN Maxamed Gacal Xaayow
" TALOW HOOW HOOW HOOBAAL AHEELOW WAYAABAAL HEBELOW
Hadii noloshu ay caadi tahay cawo iyo liibaan leh
oon caato iyo wayd ka badan cudurta loo gaysan
carabkuna macaansado wixii calafo loo siiyey
oon cudur lafaha gaariyiyo caajis lala taahin
casharkiyo duruusaha hadii camalfal loo yeesho
Naftu waxay u caadayhado waa kaa cajibiyaana
culumada ku xeeldheer hadaan cidi la xaajoonin
cosobkay hawadu doynadaa cuudka ka udgoone
cuncun kaaga jira oogadaa lala cataabaahe
naflacaari noqoy ruux hurdada cawa aan ladin
cariirigaa dadka isbada haday camal-wareeraanee
CARIIGAA DADKA ISBADA HADAY CAMAL-WAEREERAANE
Jirkii calassa baa lagaa helaa caafimaad wacanne
ceeb kama dagaalamin qofkaan gogol carfayneene
ruuxii calfaha jiidayee cagaha booraysta
ee sidii caruurtii jilbaha caada kula jiida
cayshkuu cunaayaa ka darran Caadilkay maganne
Islaantii cajiinkii qastaye laba habayn cooshtay
sidii ciir dhanaan iyo karuur weelkii ku cagaartay
ee hadii car iyo suusac galay dib u canjeerayday
ee waxaan ku cunin waad cuntaa cid ugu sheekayday
ceeriyaamo qaraseed haday ku cagabaalaydo
cimrigeeda kuma laysatee iga caluunqaatee
CIMRIGEEDA KUMA LAYSATEE IGA CALUUNQAATA
Waxaa ciilan ruuxaan aqoon culustan tiisiiye
oon caqligu meel fog jirin cududna kaa waayne
ee hadhowna kuu cabanayee caasi jaahillahe
cilmiguyo takhaartiituna cidi u sheegaynin
codka lagu dhawaaqiyo murtidu caadir galiyaane
caloolba'ri weeyeeye iyo midday cuqubo haydaahe
oo cambaarta oogada midab-cardhoofoobay
assagaan bulshada caafimad ceel la shubanayne
assagaan hadaan cay u faro ceeb ka dhiganayne
inta caymatoon la hadlayee iga caluunqaatee
INTA CAYMATOON LA HADLAYEE IGA CALUUNQAATA
cidkastee cariish yeelatee guri calaamayda
haday ku cimri-qaataan ra'yiga waan cabirayaahe
casrigaa ka duwan caadadii jeer lasoo maraye
codkaan kula talshaan kula hadlaa caadil baan ahaye
way i caleemasaarteen sidii caaqil taliyaahe
ama caarif gabay looga harray caawa dabadeede
cirifkoo la xaaqiyo jafkoo cawska laga qaado
camuudoo nadiif ahe indhaha caaro ka horaynin
hadaan col iyo duulaan ku nahay cudurka la isdaarto
canyaas iyo ninkii qabay canaan kulama hoosteene
qof waliba cadkii u go'ay hadhow calaf ma quuteene
casharkaa hanuuniya dadkee iga caluunqaatee
CASHARKAA HANUUNIYA DADKEE IGA CALUUNQAATA
cadaygay cusboonida ilkuhu calan ku yeeshaane
hadii lagu canaantaa rumaga ciridku nuuraahe
qofka cudurka laanjeexa qaba calool hore u jeeda
cad baruur leh iyo caysh udgoon ugama caageene
waxa ciirka beerka u dhiggay culumadu u sheegtay
kuma camalfalyee yuu hadana sii calaacalinne
cadceeday indhuhu diidayaan nuur casaanka leh
waxaa caafimaad ugu jiraa waa caleen qoyanne
cilmi saynis weeyee dadow iga caluunqaatee
CILMI SAYNIS WEEYEE DADOW IGA CALUUNQAATA
nafta cammal iyo shaydaan hadii lagu cibaareeyo
casbadaladay sidiisii haduu caad bukaa u hooro
haday caaro waabari indhaha uga candhuufooto
amay cawrofiid iyo dagaal cirib u goodlaydo
caway hoyataye hadii tii kale caajis lagu beero
calwasaadka goortay hurdada ciil la bogganwaydo
cajir nabar leh boogtii kolkii nabarku maalaysto
ee calaacal lugu tuujiyee looga tirro cawska
sow cadadda jeermigii batay sii cartamimaayo
cawaankiina weeye ra'yiga waan cabirayaahee
CAWAANKIINA WEEYE RA'YIGA WAAN CABIRAYAAHE
calankiisa ridda cudurka waa lala tacaalaahe
hadii Cali iyo Caasho u dhinteen caabud laga waaye
cartirkeedu waa caws angagan dhiishaad culataahe
caatiyo baruur uumiyuhu caynbacayn noqoye
cudurkiyo fayoobiduna waa calaf Ilaahaye
anna taan codsaday waa midaan ciddi ka maarmaynoo
caaqiibo taliyaan ahay iyo caarif gabayeede
hadba nolasha tii noo cusubbi way i cajebidaahe
cidiyaha hadaan laysla gallin cudurmaqaarayda
oon midabcilaanlay jirkii ciddi dabiibaynin
islaamkaan Allaha caafiyee caawa maqashiiyey
sow inay calooshiyo niyadda ku celceshaan maahee "
Qorre : M.O ( Dhalac)
Aamin