Yaxye Cabdiqaadir & Raaliya Cismaan

Поділитися
Вставка
  • Опубліковано 7 вер 2024

КОМЕНТАРІ • 11

  • @xasan.jaamac
    @xasan.jaamac 4 роки тому +3

    HIDDE MA U LAHAYN - - KOOXDA HALDOOR (Yaxye&Raaliya)
    ©Erayadii& Codshaxankii : Qumane Cismaan Cabddille ©Haldoor (Yaxye&Raaliya)
    '' Aabbo dhabar ahoo
    Dhibta ka hortagoo
    Dhexdhexaadiye ah
    Dhaqan ma uhalayn ?
    Haa sida dhabta ah
    Dhaqan waw lahayn
    Hooyo dhiirranoo
    Dhasha korisa oo
    Dhaqaalayn taqaan
    Dhaqan ma uhalayn ?
    Haa sida dhabta ah
    Dhaqan waw lahayn
    Xeer la dhaafinoo
    Dhegalay lahoo
    Isku dheellitiran
    Dhaqan ma u lahayn ?
    Haa sida dhabta ah
    Dhaqan waw lahayn
    Aqal dhiga lahoo
    Dhidab loo tumiyo
    Dheri iyo dhadhaar
    Dhaqan ma u lahayn ?
    Haa sida dhabta ah
    Dhaqan waw lahayn
    Xeedh dhuur lahoo
    Dhaqaso loo qoriyo
    Fidhinkii dhex yare
    Dhaqan ma u lahayn ?
    Haa sida dhabta ah
    Dhaqan waw lahayn
    Kodhe dhidida oo
    Dhay lagu luloo
    Laga dhaliyo subag
    Dhaqan ma u lahayn ?
    Haa sida dhabta ah
    Dhaqan waw lahayn
    Kabo dhega leh iyo
    Qolxad dhamac ahoo
    Aan dhulkaba la dhigin
    Dhaqan ma u lahayn ?
    Haa sida dhabta ah
    Dhaqan waw lahayn
    Gabdho dhiirranoo
    Dhexda giijiyoo
    Laga bixiyo dhaban
    Dhaqan ma u lahayn ?
    Haa sida dhabta ah
    Dhaqan waw lahayn
    Dhaqan soo jiroo
    Lagu dhaato iyo
    Dhaantiyo wilwile
    Dhaqan ma u lahayn ?
    Haa sida dhabta ah
    Dhaqan waw lahayn
    ''
    Hambbalyo kooxda HALDOOR

  • @abdikafitalasame260
    @abdikafitalasame260 4 роки тому +1

    Waaw dhaanto la soo xulay ❤❤❤👏👏👏

  • @waarimeysidewanaag8847
    @waarimeysidewanaag8847 4 роки тому +1

    😀😃👏👏👏👏👏👏👍👏👏
    Well done Jamhuuriyada Jabutay! Wa fan lasoo faaf reebey!👏👏👏

  • @SomTVDiasporas
    @SomTVDiasporas 4 роки тому +1

    Hambalyo ! labada fanaan ee heestan qaadaya iyo qoraagii ereyada lahaa iyo JABUUTI TV

  • @SomTVDiasporas
    @SomTVDiasporas 4 роки тому +1

    Waaw ! waa Dhaqankeenii oo lagu dhaadanayo Masha-Allaah !

  • @khalidxuseen9229
    @khalidxuseen9229 4 роки тому +1

    Waaaw love djiboutyyyyy

  • @hon.abdullahijamadirie2632
    @hon.abdullahijamadirie2632 4 роки тому +1

    Waaaaw amazing!!

  • @xasan.jaamac
    @xasan.jaamac 4 роки тому +2

    Mahadsanid Xasan.