maansadii laxba maalinteed weeye /Ahmed hirsi

Поділитися
Вставка
  • Опубліковано 7 лис 2024
  • Waa maansadii
    Laxba maalinteed weeye
    Sahra leelmad kaad shegtay
    Jacaylkaa labeenaystay
    Laxaw gaal aad moodo
    Laxawkaa kubadi taabtay
    Lubbigiyo buggaa qiiqii
    Adaa laastay halistiisa
    Markaan laabta gacantaada
    Lixaadkiyo Indhaha saartay
    Kugu idhi laxmigu maanta
    Adu kugu lamaan yahay
    Sahra libanta reerkeenaa
    Ila laba lig waa guule
    Sawdi lunqunt taagaayay
    Laafyooday ee goostay
    Hurdo laama doomayay
    Lahashada xanuunkaaga
    Anna laylkii taa haayay
    Laxaankaa garaacmaayaa
    Iyo laabtan buholyowday
    Sahray loolida maanta
    Geerkeega aad lulato
    Hortaa baan lalmani jiray
    Lac dheh oo hurdada seexo
    Laafada kacayl kaaga
    Ku qabooji laydh gaar ah
    Laxawgaaga kaliyayso
    Laxba maalinteed weeye
    Laac laaca badan jooji
    Labxaada Ku balalayso
    Indhu luulki aad moodo
    Libiqliq kasiintaadan
    Soo loodin karimaysoo
    Qalbigaygan leexaystay
    Laxba maalinteed weeye
    Laac laaca badan jooji
    Sahray waxa aad iliidaaba
    Hadda libinti waan gaadhay
    Ubax loogtay dharab diiran
    Iyo laan curdinaan eegan
    Xubi wacan ladaabshaaye
    Laxba maalinteed weeye
    Laac laaca badan jooji

КОМЕНТАРІ •