SUUGAAN TV
SUUGAAN TV
  • 13
  • 171 731
Gabay Koofil || Sayid Maxamed Cabdulle Xasan
Dagaal-ooge caan ahaa oo ay ciidamadii gumaysiga Ingiriisku ku dhaaran jireen oo la odhan jiray Richard Corfield, Soomaaliduse ku naanaystay Koofil oo ay Daraawiishi ku makashay dagaalkii Dulmadoobe ee 1913kii ayuu Sayidku gabaygan ka tiriyey.
Koofil wuxuu ka mid ahaa madaxda sare ee gumaysiga Ingiriiska dalka Soomaaliya wakiilada uga ah, wuxuuna gaar ahaan hoggaamin jiray col la odhan jiray (Camel Corps) Soomaaliduna u taqaanay Rakuubley. Col afar-lugood u badan oo awrta ku duula, sidaasna Rakuubley kula baxay ayuu ciidankaasi ahaa.
Daraawiish oo hore u weerartay beel beelaha Burco iyo agagaarkeeda dega ka mid ah, xoolo badanna kasoo mooroduugtay ayey Koofil iyo ciidan uu watay jidgooyo waxay u dhigeen Dulmadoobe. Dulmadoobe waa buur gabbaad fiican, jidgooyada dagaalkana ku habboon.
Kolkay Daraawiishi suryada Dulmadoobe soo buuxiso dabka saara oo naf iyo maalba wax go'a, wax goosma iyo wax gacanteena soo gala ka dhiga ayuu Koofil amar ku bixiyey.
Bidhii waagaba hoos ayaa la isugu dhigay. Judhiiba waxay ku dhagtay Koofil oo isla goobtii ku nafwaayey. Mar haddii Koofil miimka alifka ku taagay, colkii uu watay wuu kala firdhay, Daraawiishina caymo uma galinee cagta ayey cagta u saareen ilaa ay gacanta ku dhigeen bakhtigii Koofil. Mashaqo weyn oo aan la soo koobi karin ayaa halkaa Ingiriis iyo cawaamkiiba ka raacday, rag badan oo uu Koofil ugu horreeyo ayaana maalintaa xagga naarta u guuray.
Si aan shakiba u galin geerida Koofil, Daraawiishi madiixiisii iyo gacantiisii midig ayey Taleex geeyeen. Sayidku dagaalkaa iyo dilka Koofil ayuu gabaygan caanka ah ka tiriyey.
Переглядів: 4 174

Відео

Gabay Guuuguulayhow | Ismaaciiil Mire
Переглядів 7232 роки тому
Ayadoo dalkii ay ka dhacay abaar aad u daran, ayuu Ismaaciil oo safar ah meel ka maqlay shimbirka Guuguulaha oo aad u ciyaaya waxaanu ka tiriye gabaygan oo uu kaga hadlaayo xaaladda jirta
Maanso Mullaax | Ibrahim Sulaymaan Gadhle
Переглядів 2832 роки тому
Maansadan ibrahim waxuu kaga hadlayaa inaanuu dilka sokeye wanaagsaney ama indha isxigaa is eegaan. waxaa la yidhi doqontu laba iyo toban indhood bayleedahayoo 1 bay qodaxda iska eegtaa 11na inata xigta ba ku eegtaa Subscribe Like Comment and share
Gabay Xiin Finiin | Sayid Maxamed Cabdulle Xasan
Переглядів 30 тис.2 роки тому
Nimanka taariikhda weriyaa say sheegeen Sayid Maxamad baa doonay Faaduma Islaan Aadan oo la dhalatay lslaan Faarax Islaan Aadan oo madaxda degmada Mudug ka mid ahaa. Sayidku xoolo badan oo geel iyo fardaba leh ayuu yarad uga bixiyey, xurmo iyo xididtinnimo wanaagsanna waa muujiyay. Hase yeeshee, dhugi geel dhaantay, dhex socotana dhul dhaantaye, hadallaa Sayidkii iyo Islaan Faarax loo kala geey...
Hees Hablaha Geeska || Abwaan Hadraawi
Переглядів 13 тис.2 роки тому
waa mid ka mida suugaanta tirada badane Abwaan hadraawi waxa uu kaga hadlyaa qiimaha iyo qaayaha hablaha soomaaliyeed. waxa ay soo baxdey 1977-kii xillgaas abwaanku ku xidhnaa xabsiga qansaxdheere
Gabay Qaydarran Sudhan || Cabdilaahi Macalin Dhoodaan
Переглядів 4,1 тис.2 роки тому
Gabaygu wuxuu ka mid yahay kuwo dhawr ahaa oo uu Dhoodaan ugu jawaabay niman dawladdii Maxamed Siyaad dirtay si ay bulshada u marinhabaabinyaan, Dhoodaana gabayo wax ka sheeg ah ay ugu diraan. Halabuur badan oo Jamhuuriyadda ku noolaa ayaa xilligan u dhardhigtay inay codbaahiye (microphone) u noqdaan xukuumaddii Siyaad Barre sandareero ay ku qabeen hawlwadeenadii Kacaanka awgeed. Raggas kuwa ug...
Maanso Darajo || Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax
Переглядів 97 тис.3 роки тому
Maansadani waa dhiiri-gelin " Darajada wax kaa xiga oon dadaal ahayn sheeg "
Abwaan Cabdi Aadan Xaad (Cabdi Qays) | Maansadii GEEDi Baabuuu
Переглядів 3,5 тис.3 роки тому
Maansada Abwaan cabdi aadan waxuu ka sheekaynayaa Boqor la odhan jiray Geedi Baabuu
Weedhsame iyo maansadii Higil
Переглядів 9723 роки тому
Weedhsame iyo maansadii Higil
Abwaan Gaariye | Maanso Qasab Kuma Balweyn Karo
Переглядів 6 тис.3 роки тому
Qasab Kuma Balweyn Karo {1978} Waxay ka hadlaysaa gabayaaga iyo kaalintiisa. Waxay soo baxday xilligii ay suugaantu dagaalka hubaysan dadka u bislaynayasay.
Abwaan Weedhsame | Maanso Higil
Переглядів 1,2 тис.3 роки тому
Tixdan oo magaceedu yahay “Higil” waxa halabuuray Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame). Waxay ka tilmaamaysaa tubta uu aadamuhu ku guuleysto oo ay u aragto hanka, himilada hayalka-san. Waxay dhiirrigelinaysaa damiirka suubban iyo fallaadka hufan, iyada oo ka digaysa hunguriga oo horseed u ah alabbada hadimeeya horusocodnimada qofka. Guud ahaanna, waxay ku qotontaa falsafad dhiirriyeysa dad...
Abwaan Hadraawi | Maanso Dabahuwan
Переглядів 9 тис.3 роки тому
Maansadani waxey soo baxdey 1992 kii , Maansadani sida ay u dheer tahay ayay dulucda ujeeddadeenu u baac fog tahay ugana talowsan tahay sheeko guud-mar ah. waxa uu abwanku sidoo kale maansadan oo tiraab ah ku suureeyey Buuga dhawaan soo baxay e HAWAALE WARRAN
Abwaan Gaariye | Maansdii Gurmad
Переглядів 1,2 тис.3 роки тому
Maansadan gurmad wuxu abawaan Mahamed Xaashi DHAMAC (gaariye) tiriye 2005 wakhtigaas waxa lgu guudo jirey dorashadii Somaliland ee wakiilada uujeedada guud ee maasnadani tahay dardaran

КОМЕНТАРІ